Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Labada Gole Baarlamaan

0
688

Mudane madaxweyne; / mudanayaasha sharafta leh ee golaha baarlamanka:

Aniga oo ku hadlaya magaca beesha aan caaqilka guud u ahay oo ah beesha Carabta Jamhuuriyadda Somaliland waxa aan si qaddarin iyo xushmad mudan idinla socodsiinayaa in beesho ay cabasho xoog ah ka qabto, sida looga qadiyey saami qaybsiga talada qaranka oo aanay haba-yaraato ee ka dhex muuqan dhammaan xilalka qaranka iyo xataa shaqaalaha caadiga ah ee dowladda midna.

Mudanayaal tan iyo intii Somaliland la dhisay oo aan muddooyinkan yare e dambe ahayn, beeshu waxa ay kuraasi ku lahayd golayaasha qaranka, gaar ahaan golaha guurtida iyo golaha baarlamanka, oo ay ku iman jireen nidaamkii beelaha ee ay golayaashani ku dhisnaan jireen. Nasiib darro markii doorashadii golaha baarlamanku dhacday beeshu waxa ay weyday kursigii golaha baarlamanka, nasiib darrada kalana waxa ay tahay in xubintii hadhay ee ay beeshu ku lahayd golaha guurtiduna ay geeriyi ku timid oo kursigii bannaysay, sidii dhaqanka golaha guurtidu ku soo socdayna aan beesha la siinin xaqii ay u lahayd in ay kursigaas  soo buuxsato, markii ay beeshu isku dayday in ay xubintaas buuxisana si cad ay ugu diideen masuuliyiinta ay arrintaasi khusayso.

Waxaa iyaduna taas ka daran in beesha oo rag badan oo la yaqaanno ku lahayd ururkii SNM, kana qayb qaadatay halgankii dib-u-xoraynta Somaliland, haddana mujaahidiintii ku naf waayey dagaalladii xoraynta ee weliba si fiican loo garanayey, saraakiishii SNM na ogaayeen, agoontii ay ka gateen loo diiday in lagu daro liiska agoonta mujaahiniintii dalka u soo halgamay ee la gunneeyo ama la caawiyo, arrintaas oo ay beeshu u aragto fool xumo iyo takoor aanay mudnayn.

Mudane madaxweyne, meel madax ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto ee, waxa aanu dareensannay in duudsigaas iyo fogeyntaas beeshu tirsanaysaa aanu ahayn mid qorshaysan oo aad adigu soo dejisay ama ku niyadsan tahay, laakiin haddana waxaas oo dhan oo ka badan intii jirtay xilligii madaxweyneyaashii hore, waxa ay dhacayaan adiga oo taladii haya oo og dhalashada dhiigga ah ee ay beeshu kaga tirsan tahay beelaha Somaliland iyo weliba kaalinta ay ku lahayd halgankii dalka lagu xoreeyey.

Mudane madaxweyne, waxa aanu si naxariis leh kaaga marti nahay in aad dib u eegto xuquuqda muwaadinnimo ee aanu tirsanayno in lanaga duudsiyey, aad noona fududayso sidii aanu dib ugu heli lahayn wixii aanu xaq u leenahay, dhinaca kalana; mudanayaal, mudanayaasha golayaasha baarlamankow, idinkana waxa aanu idinka marti nahay in aad ogolaataan in beeshu ay soo buuxsato kursigeeda golaha Guurtida iyo in aad u hadashaan xuquuqda beesha ka maqan, lana raadisaan, kaas oo ah waajib aanu xaq idinku leenahay. mahadsanidin

Caaqilka Beesha Carabta Somaliland