Warqad 80 Jeer Dib Wax Loogu Daabici Karo Iyo Faahfaahinta Farsamada Ay Ku Shaqaynayso

0
562

Washington (Geeska)- Warqadda wax ku daabaco, laakiin marka aad ka maaranto ha tuurin, waayo dib ayaa aad wax kale ugu daabacan kartaa. Waa curin cusub oo kaa caawinaysa in aad marar badan dib u isticmaasho isla warqadda aad hore wax ugu daabacday, adiga oo adeegsanaya maaddo dib u tirtiraysa qoraalka.

Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda California  Riverside ee dalka Maraykanka ayaa ikhtiraacay nooc cusub oo warqad ah oo ay suurtogal tahay in dib loo isticmaalo in ka badan 80 jeer. Warqaddan ayaa marka hore aanu mishiinka daabacaddu khad ku qorayn, balse waxa uu daabicisteeda u isticmaalayaa ilays sida qoraalka caadiga ah u muuqanaya, ka dib waxaa la gelinayaa qayb mishiinka ka mid ah oo iyada oo adeegsanaysa maaddo daabacan iyo hirar kulayl ah, dib uga tirtiraysa qoraalkii hore uga muuqday, warqaddana ka dhigaya mid mar labaad si caadi ah loo isticmaali karo.

Kooxda khubarada ah ee hal-abuurkan cusub keentay waxaa hoggaaminayey Yadong Yen oo ah bare-sare oo cilmiga Kiimikada ka dhiga jaamacadda California River-side, isla markaana xubin muhiim ah ka ahaa hawsha daabacaadda aan khadka la adeegsanayn ee warqaddan lagu daabacay, ayaa mar uu faahfaahinayey sheegay in mishiinkan daabacaaddu u uwarqadda ka dhigayo midabka cirka oo kale ah, halka qoraalkuna uu ka noqonayo caddaan, haddii kale la is weydaarin karo oo qoraalku noqonayo midabkaas buluugga furan ah, warqadduna caddaan. Iyada oo labada jeerba qoraalku u muuqanayo si qurux badan oo la mid ah qoraalka caadiga ah ee khadka la isticmaalo.

Ceebta ugu weyn ee farsamadan caqabadda ku noqonaysa ayaa ah in qoraalka warqaddan lagu dhigaa uu sii jiri karo oo uun muddo ilaa shan maalmood ah, kadibna uu si tartiib-tartiib ah isu masaxayo, waxaa iyaduna hawl ah in masaxaadda warqaddan, marka loo diyaarinayo in ay mar labaad wax ku qormaan ay qaadanayso waqti gaadhaya illaa 10 daqiiqo iyo dhibta kale oo ah in heerkulka uu mishiinkani isticmaalayaa gaadhayo illaa 121 digrii oo cabbirka Celcius ka ah.

Waxa se’ ay aad u anfacaysaa dadka waraaqaha qoraalka ah muddada gaaban isticmaala, kadibna iska jeex-jeexa, kuwaas oo ay ka furanayso kharash badan oo ku baxa waraaqaha maadaama oo ay u suurtogelayso in uu halkii warqad isticmaalo illaa 80 jeer, sida oo kale waxa ay u badbaadinaysaa khad badan.

Waraaqahan ayaa weli ku jira tijaabadii oo aan suuqyada iibka la keenin, laakiin waxaa jirta rajo badan oo laga qabo in ay suuq xaami ah ka heli doonto goobaha ganacsiga ee sida jogotada ah u daabaca waraaqaha muddada gaaban loo baahan yahay, in kasta oo ay wax badanina ku xidhnaan doonaan qiimaha u dambeeya ee warqaddani suuqa ku soo gasho.