Wargeyska Geeska Afrika Oo 11 Jirsaday

0
485

Koow iyo toban sannadood  ka hor oo ku beegnayd 17 April 2016, oo shalay ku beegnayd ayay ayay ahayd maalnitii  koowaad ee uu soo baxay Caddadkii ugu horeeyay Wargeyska Geeska Afrika 17 April 2006.

Ugu horreynba Geeska Afrika iyo mataanihiisa kala ah The Horn oo ku soo baxa afingiriis iyo Geeska Afrika Ciyaaraha, waxa ay farxad iyo damaashaad la wadaagayaan guud ahaan dadyawga ku hadla Afka Soomaaliga, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, akhristayaasha waqtigooda u hura la socoshada wararka iyo qormooyinka wargeyska iyo akhyaarta tirada badan ee tilmaamaha hufan iyo dhiiri-gelinta hiilka ah la barbartaagnaa tobankaa sano ee uu tirsanayo.

Waxaa xusid mudan in 11 kaa sano ee da’da Wargeyska Geeska Afrika baarka ka jartay 17 April 2017, in uu Rabbi ku garab galay in aanu marnaba hoos u dhac ku iman, dadaalka iyo is-xilqaanka aanu mar kasta ugu heelannahay in aanu kaalintayada si mug leh uga qaadanno baahinta nabadda, horumarka, is-dhexgalka bulshada iyo in uu noqdo biriishka wareed ee isku xidha dadka iyo dawladda, haayadaha caalamiga ah, ganacatada iyo haayadaha madax bannaan iyo sidoo kale bulshada dhexda.

Haddafka ugu mudan ee Wargeyska Geeska Afrika u taagan-yahay ayaa ah in uu noqdo meel ay wada leeyihiin umadda Somaliland oo u noqota dhex ay si siman oo isku mid ah aragtidooda isugu gudbiyaan, isla markaana ugu kala war qaataan, ugana helaan warar isu-dheellitiran oo aanay hagayn caadifad, qof jeclaysi iyo danaysi gaar ah midna, taas ayaanu ku qotomaa hanaannka dheeliga tiran ee war iyo wacaal-tebintiisa uu u maro.

Wargeysku, wuxuu toddobaadkan bilaabay inuu isbedel weyn ku sameeyo qaabkii uu u soo bixi jiray oo ahayd cadaan iyo madow keliya [Black and white], waxaanu hadda laga bilaabo u wareegay midabada dhammayska tiran ee afarta ah.

Ugu dambayn maamulka sare ee Wargeysku, wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan halwadeenada kala duwan ee Wargeyska Geeska Afrika oo dadaalka ay ugu hagar baxeen shaqada wargeyska la’aantii ay hubaal tahay in aanu halkan soo gaadheen.

Wuxuu wargeysku soo dhawaynayaa aragtiyaha iyo aaraahda akhristayaashiisa sharafta badan haddii ay tahay toosin, dhaliil ama naqdi, iyo haddii ay tahay aqoon iyo aragti is-dhaafsi dhexdooda ah. Ugu dambayntiina dhammaan hawlwadeennada kala duwan ee wargeysyada Geeska Afrika  waxa ay si weyn ugu mahadnaqayaan akhristayaasha sharagta badan iyo guud ahaan shirkadaha, haayadaha dawladda iyo kuwa madax bannaan ee xidhiidhada kala duwan la leh.