Warfidiyeenka Caanka Ah Ee Hereri Oo Soo Bandhigay Buugga Feedh Qalloocan

0
1230

Hargeysa (Geeska)-Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka mid ah Warfidiyeenka ugu caansan Soomaalida, isla markaana ka soo shaqeeyey Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da iyo talefishannada Soomaalida ee caanka ah ayaa  soo bandhigay Buug uu turjumay oo lagu magacaabo Feedh Qaloocan.

1

Buugan uu turjumay Cabdisalaan Hereri oo uu qorey qoraaga caanka ah ee Nuuradiin Faaraxh ayaa waxa uu ku soo bandhigay shalay Carwada caalamiga ah ee Buugta oo ka socota Guuleed Hotel, hadalladii uu munaasabadda buuggan cusub lagu daahfuray ka yidhina waxaa ka mid, “Haddaan wax ka yar yidhaahdo hawshan,   muddo toban sanno laga jooga ayaa qoraaga weyn ee Soomaaliga ah ee Nuuradiin Faarax oo caalamka magaciisu wada gaadhay waxa uu iga codsaday buug kale oo uu isagu qoray oo la yidhaahdo Yasterday Tommorrow, oo uu kaga hadlaayey intii ay dagaalada sukeeyey iyo burburku jireen iyo sidii ay dadkii Somalidu Adduunyada ugu kala baaheen, waayaha wadan walba lagaga nool yahay, waa tii la odhan jiray  libaax nimaan aqoon baa lax ka ritee, intaan markii hore iska aqbalay, ayaa markii aan lixdan bayj dhaafin kari waayey, aan ku noqday isagii oo aan ku yidhi hawshani wey iga badan tahay, ee bahalkii cid kale la raadi, runtii aniga oo is leh uu ka yar boodaya, oo wakhti baa meesha ku lumay, ayuu yidh aniga kun wax baa iga qabyo ah, ee marka ay kugu soo dhacdo samee, dabadeed iyadoo ay halkaas noo taagan tahay ayaa 2014-kii aanu Hargeysa iskugu nimid bandhigii Buugaagta, dabadeed waxa uu iga codsaday Buugan aynu arkayno ee Feedh Qaloocan in aan sameeyo”

Dhanka kale Wariye Cabdisalaan Hereri ayaa waxa uu sheegay in qoraaga Buugan ee Nuuradiin Faarax uu qorista Buugan bilaabay sannadkii 1968-kii, isla markaana uu dhamaystiray 1970-kii, waxaanu xusay in Buuggani dulucdiisu tahay Haweenay lagu magacaabi jiray Ceebla, oo aabaheed isku dayey inuu siiyo Oday aad uga weyn, kadibna ay ka soo baxsatay, markii ay u soo baxsatay Magaaladana ay la kulantay dhibaatooyin iyo duruufo aad u qalafsan, waxaanu xusay in Buuggani uu yahay Buug aad u qiimo badan, kana turjumayo dhacdo xaqiiqo ah oo dhacday, una u baahan in wax lagu qaato.

Wariye Cabdisalaan Hereri ayaa qorista Buugan uga mahadnaqay Fataax Habane oo ah nin Dhalinyaro ah oo uu sheegay in wax badan kala qabtay, halka uu sidoo kalena u mahadnaqay Jaamac Muuse Jaamac.