Warbixinta UN Monitoring Oo Soo Bandhigtay Aragtida Dawlada UAE Ee Maalgashiga Dekedda Berbera Iyo Sida Ay Puntland Uga Dheeraysay Somaliland Dacaayada Dagaalka Tuko-raq

0
1050

Hargeysa(Geeska)-Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa shalay soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd.

Warbixintaas oo uu Geeska Afrika, soo akhriyay waxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda UAE ka dhisanayso magaalada Berbera iyo dagaaladii dhex maray ciidamada Somaliland iyo maamulka Puntland ee ka dhacay Tukoraq.

Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland.

Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga UAE ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen. 2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay.

Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera. 7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.”

UN Monitoring Group, waxa qayb kale oo ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah. “7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tidhi warbixintu.

Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya  in la jidh dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanay iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan kooxdu tidhi, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here