Warbixin Soo Bandhigtay Saamaynta Imaaraadka Carabta Ee Dalalka Gobalka Oo Ay Somaliland Ku Jirto

0
1271

Hargeysa(Geeska/The National)-Wargeyska The National ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay doorka Imaaraadka Carabta ee dalalka gobalka Geeska Afrika.

Warbixinta ayuu wargeysku si shilis ugaga hadlay doorka uu Imaaraadka Carabtu kaga jiro nabadaynta gobalka Geeska Afrika iyo weliba horumarkiisa, waxaana warbixinta qayb ka ah maalgashiga ay shirkadda DP world ka samaynayso dekedda Berbera iyo saldhiga UAE ee Berbera. Warbixinta oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan “Markii shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ee aduunka oo dhan maamusha dekedaha ay heshiis kula gashay Djibouti  inay maamusho terminaalka konteenarada ee Dooraaleh sanadkii 2008, shirkado aad u yar ayaa maanka ku hayay inay maal gashadaan dalka yar ee ku yaal Geeska Afrika oo maanta hoy u ah saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jabaaniiska.

Waxaay ifa-faale u ahayd waa cusub oo u beryay siyaasadda arimaha debedda ee Imaaraadka Carabta oo ay geyaysiisay inuu muhiimad dhab ah ka yeesho Geeska Afrika oo dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo  marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah. Afarta dal ee ka kooban – Somaliya, Jibuuti, Eretriya iyo dalka xoogga badan balse aan badda lahayn ee Itoobiya- ayaa markaa ka ah ilaalo ganacsiga caalamiga ah.

Muddo toban sanadood ah, dekeduhu waxaay qaabaynayeen is-bahaysiyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska. Gobolka, oo mar ahaa ka ugu amaanka xun Afrika, xudunna u ahaa colaado hubaysan, waxaa u buuxsamay sanad la yaab leh oo nabad dhisid ah oo ku bilaabmay magacaabista Abiy Axmed loo magacaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya bishii Abril, markaa joogintaanka Imaaraadka Carabtu wuxuu u muuqdaa inuu faa’iido soo celinayo.

DP World hadda gacanta kuma hayso Dooraaleh. Bishii Feberwari dawladda Jibuuti waxaay keligeed dib ula wareegtay dekedii, taas oo kicisay dirir adag oo maxkamad la isku food saaray. Shirkadda dekedaha maamusha ee Dubai waxaay wacad ku martay inay isku gaynayso dhamaan wixii ay awooddo ee sharci u ogol yahay, welina murankii wuu sii xoogaysanayaa.

Balse joogintaanka Geeska ee DP World kuma koobna Jibuuti oo keliya. Shirkaddu waxaay maamushaa dekedda istiraajiyad ahaan muhiimka ah ee Berbera oo ka tirsan Somaliland ta goosatay, taas oo ay rajaynayso inay noqon doonto albaab wayn oo laga galo ganacsiga bariga iyo badhtamaha Afrika.

Meel ka sii durugsan halkaas, DP World waxay ka dhisaysaa Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo xarumo balaadhan oo saad (logistics). Sidoo kele, Imaaraadku wuxuu heshiis dhinaca beeraha ah la galay Uganda halka uu mid amniga ah la galay Eritriya.

Sanadkan, Abu Dhabi waxaay u balan qaaday 11 bilyan oo Dirhan (2.99 Bilyan oo Doolar) dawladda Abiy Axmed. Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dhex-dhexaadiyay heshiis guul ah oo dhexmaray Abiy iyo dhigiisa Eritriya, Isaias Afwerki, taas oo lagu dhameeyey dagaal 20 jir ah oo ka dhex jiray labada dal, tan oo kicisay mawjad nabadayn ah oo Geeska dhex qaady. Waxaay ahayd diyaarad Imaaraadku leeyahay tii gaysay weftiga Eritriya magaaladda Addis Ababa si ay wada hadalka uga qayb qaataan.

Warbixin ay soo saartay Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah bishii November waxaay ahayd mid amaan ah. Waxay sheegtay: “Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay gaysteen taageero muhiim ah oo diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed si looga gacan siiyo Eritriya iyo Itoobiya inay qaadaan talaabooyinka kowaad si ay dib ugu wada xidhiidhaan tan oo faa’iido u noqon karta xasiloonida guud ee Geeska.’

Caqligu wuxuu ina siinayaa maalgashiga maantu, berri ayuu faa’iido dhalaa. Itoobiya oo shacabkeedu yahay boqol milyan oo da’yar oo hal abuur ganacsi leh, waxaay durba qaaday dib u curasho dhaqaale oo uu hogaaminayo Abiy. Addis Ababa waxaay ku leedahay 19% saami ah dekedda Berbera, halka maalgelinta DP World ee $100 ka milyan ee dhaqalaha marinka isku xidha Berbera iyo magaalada Wajaale ee Itoobiya ay ay marag u tahay saamaynta Imaaraadku ku leeyahay dhaqaalaha gobolka.

Maalgelinta balaadhan ee Geeska Afrika lagu sameeyey waxay wadataa halganka loogu jiro sidii loo ilaalin lahaa. Tan iyo sanadkii 2014, Imaaraadka Carabtu wuxuu lacag gelinayay Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda kaas oo qabtay shaqo badan oo lagula tacaalayo budh-cad badeedka oo ay mar Somaliya isku magac ahaayeen. Si la mid ah, Imaaraadku wuxuu maamulaa saldhig ciidan oo ku yaal Assab, Eritriya, dhaqsona wuxuu mid la mid ah ka furi doonaa Somaliland, meel ku dhow dekedda Berbera ee ay maamusho DP World.

Kadib markii jabhadda Xuutiyiintu ay afgenbiyeen madaxwaynihi Yeman Mansur Hadi oo ay qabsadeen caasimaddi Sanca, Imaaraadku wuxuu ku biiray is-bahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo si loo soo celiyo dalwadda la afgenbiyay. Iyada oo joogta Geeska Afrika oo 25 kiiloomitir keliya u jira marinka Mab al Mandeb, Imaaraadku wuxuu awood u yeeshay inuu qaabeeyo xidhiidhkiisa istiraajiyadeed iyo kaabayaal ee uu la leeyahay gobolka.

Maanta ciidamada Imaaraadku waxaay joogaan saldhigiisa ku yaal Ereteriya halka ciidamada amniga gobolka ee uu taageero Imaaraadku ay ilaalinayaan badda xilli lagu jiro isku dayo Xuutiyiintu doonayaan inay bar-tilmaameedsadaan maraakiibta.

Haseyeeshee, Abu Dhabi kuma aha keli xoojinta saamaynta lagu leeyahay gobolka, taas oo raad ku yeelanaysa wadamada gobolka ku yaal ee aadka u nugul. Faro gelin la mid ah oo ka timi wadamo kale sida Qadar iyo Turkiga ayaa sanadka dhex talaabiyay Somaliya xiisadda ka socota Gacanka [Carbeed]. Dawladda dhexe oo aan awood u lahayn inay gacan ka siiso goboladeeda badan halganka ka dhanka ah Al Shabaab, ayaa keentay in goboladeedii maalgelin iyo taageero ka raadsadeen debedda. Halka Imaaraadku uu maanta la leeyahay xidhiidh adag gobolka is-maamula ee Puntland iyo Somaliland, xidhiidhka ka dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdishu wuu xumaaday.

Bilawgii bishii Abril, ciidamada Somaliya waxaay qabsadeen diyaaraad Imaaraadku leeyahay oo joogtay gegida diyaaradaha ee Muqdisho oo wada lacag dhan 35 milay Dirhan oo loo waday Ciidanka Puntland ee Ilaalinta Badda. Maalmo yar kadib, Qadar waxay saraakiisha maamulka gobolka Muqdisho ku wareejisay 30 bas iyo 2 wiish, taas oo sii shidaalisay eedaha ah in dawladda Somaliya laga maamulo Qadar iyo Turkiga oo is-bahaysi la leh, kuna leh caasimadda Somaliya saldhiga ciidan oo aad u wayn. “Taasi arin iska timi ma ahayn,” waxa sidaas u sheegay The National xiligaas Rashiid Cabdi, agaasimaha barnmaajika Geeska Afrika ee Kooxda Xiisadaha Caalamiga ah.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here