Warbixin Ay Hay’ad Maraykan Ahi Soo Saartay Oo Ka Dayrisay Dawladda Farmaajo

0
1190

Washington(Geeska)-Hay’adda caalamiga ah ee Atlantic Council oo uu fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa qoraal dheer oo ay baahisay waxay ku sheegtay in habacsanaani ay ka muuqato dawladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo. Waxa kale oo ay warbixntani daaha ka qaaday kooxo ku hirdamaya Mr. Farmaajo dushiisa oo leh dano siyaasadeed oo mustaqbal.

Atlantic Council ayaa ah urur caalami ah oo talooyinkiisa ay ku go’aan qaataan Baarlamaanka Maraykanka, wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhiga iyo weliba hay’adda CIA. Warbixintu waxay tidhi “Sida lagu baahiyiyey warbixin ay soo saartey xarunta ciidamada dawladda Mareykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti ( AFRICOM) ayaa lagu sheegey in weeraro ay ku qaadeen bartilmaameedyo kooxaha Al Shabaab ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan gaadhi sidey qaraxyo April 11, 2018 kaasoo lagu burburiyey duleedka magaalada Muqdisho. Talaabadaan ayaa aheyd tii Saddexaad ay bishaan gudaheedd qaadaan ciidamada Mareykanka.”

Warbixintu waxay intaas raacisay “Kor u kaca weeraradaan dawladda Mareykanka la beegsaneyso kooxda Al-Shabaab iyo ururka ISIL oo fadhiisimo ku leh qaybo ka tirsan Soomaaliya waxay muujinayaan tabar yaridda ka muuqata dawlada Federaalka Soomaaliya.”

Warbixintu waxay sheegtay in siyaasiyiinta Soomaalidu ku mashquulsanyihiin kooxaysi iyo dano gaar ah, xilli ay ciidamada AMISOM ammaankooda ilaaliyaan “Wadanka Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 ciidamo ka socda dalalka Afrika ( Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda) kuwasoo mushaharadkooda ay bixiyaan midowga Yurub iyo Mareynkanka oo dhinacyo kale ka tageera xogagaan halka dhinaca kale siyaasiyiinta Soomaalida ku mashquulsan yihiin in kooxiba kooxda kale ka takhalusto. Arrimaha noocaan ah waxaa ugu dambeeyey murankii soo kala dhexgaley Afhayeenkii Barlamanka Federaalka ah iyo hay’ada fulinta dowlada sida lagu xusey warbiixntaan. Xilli uu kor u kacayo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Soomaaliya, kooxaha xagjirka ah- ay kamid yihiin xubno ahaan jirey Al-Shabaab oo garabsanaya ururada Al-ictisaam., Maxaakiimtii Islaamiga ahaa iyo Islaax- ayaa bilaabey iney ku midoobaan magaca ururka Ictisaam.”

Warbixintaan ayaa lagu sheegey in ururka Ictisaam uu tageero ka haysto xubno sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya.

Qoraaga warbixintaan Dr. J. PETER PHAM, wuxuu sheegay inuu dhawaan bariga Afrika ku yimid booqasho islamarkaana uu kulamo la qaatay nin aanu magacaabin oo uu ku sheegay inuu aqoon u leeyahay sirdoonka Soomaaliya, waxaanu sheegay in saamaynta ururka Ictisaam uu ku leeyahay dawladda Farmaajo uu yahay mid sare, waxaanu tusaale u soo qaatay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin ayaa sida qoraalkaan lagu sheegey intii aanu soo galin siyaasada Soomaaliya madax ka ahaa ololihii siyaasdeed ee Madaxweyne Farmaajo.

 

Warbixntaan ayaa diirada saareysa sidoo kale saameynta ururka Ictisaam ku leeyahay siyaasada dawladda Farmaajo ee waqtigaan iyagoo gacansaar siyaasdeed la leh xubno muhiim ah oo ka tirsan dawlada, waxayna muhiimad gaar ah siinayaan ayaa lagu sheegey warbixintan sidii ay ugu guulaysan

lahaayeen doorashada la filayo in dalka ka dhacdo 2020.

Sida ay warbixintu sheegtay barnaamijka ugu muhiimsan ay kooxdani leedahay ayay warbixintu ku sheegtay kamid noqoshada ciidamada Soomaaliya taasoo xaqiiq noqoneysa ayay tidhi markii uu dhamaado tababar la siinayo 1000 askari oo ka tirsan kooxdan. Kunkaan askari ayaa la wareegi doona amaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa ay warbixintu Mr. Farmaajo ku eedaysay awood la’aan iyo dabac maamul oo haysata, waxaanay sheegtay in howlahaan oo dhan ay ka dhacayaan meel aan ka fogeyn Madaxweyne Farmaajo iyadoo go’aamada qaarkood-na yihiin kuwa aan waxba laga waxba-laga waydiin fulintooda.

Warbixinta waxay sheegtay in Imaaraadka Carabtu yahay dalka saddexaad ee wadamada Carabta ee loo dhoofiyo xoolaha iyo khudaarta Soomaaliya, marka laga reebo Sucuudiga iyo Cumaan, waxaanay soo hadal qaaday warbixintu maalgashiga ay UAE iyo shirkadeeda DP world ku samayso dekedda Berbera oo saami laga siiyay Itoobiya si ay Berbera u noqoto dariiqa Afrika loo marayo.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xidhiidhka xumaadey ee Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta iyadoo lagu eegey sababaha keeney in heerkaas uu gaadho waxaana lagaga sheekeeyey dhac-dadii garoonka diyaardaha Muqdisho. Waxaa kale oo lagu xusey warbixinta taageerada UAE uu joojiyey taasoo uu siin jirey ciidamada Soomaaliya iyo Cisbitaalka dadka bukaan socodka ah lagu daaweyn jirey ee Muqdisho.

“Waxaa dhacay waxaa weeye.” Ayay tidhi warbixintu :Kkhilaafka dibloomaasiyeed ee u dhaxeeya Qadar iyo dawladaha khaliijka gaar ahaan Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa soo gaadhay Geeska Afrika isagoo noqday dagaal gacanta saddexaad. Intaas waa la qiyaasi karayay, laakin waxaa la yaab leh

welwelna abuuraysa marka laga eego dhanka danaha dawladda Mareykanka iyo saaxiibadeeda, in dawladda Soomaaliya ay dhinac raacday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here