Waraysi Gaar Ah: Wasiirkii Hore Ee Biyaha Md. Baashe

0
548

Hargeysa (Geeska)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay isu gurmadaan oo ay tabaaleeyaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan:

Saldhiga Milatari ee ay Xukuumaddu dalka ka siisay Imaraadka, buuq badan baa ka dhacay, buuquna ilaa hadda wuu taagan yahay, waana lagu kala aragti duwanaaday, markaas adiga sidee ayuu kula muuqda?

Horta Saldhiga Milatari waa la ansixiyey, waxaana ansixiyey labada Gole Qaran ee Guurtida iyo Wakiilada, oo ah Golayaashii sharci dejinta, mar haddii ay si wada jir ah u ansixiyeen, una meel mariyeen, maaha in laga sii hadlo.

Somaliland eeddoo ayaa uga imanaya Beesha Caalamka iyo Midawga Yurub, Shirka ka dhacaya Ingiriiska, gaar ahaan London, waa laga reebay, iyadoo lagu eedayey inay Xukuumaddani Dimuqraadiyadii dhaawacday, markaas maxay adiga kula tahay?

Kolay arintaas waan maq-maqlaayey, xogogaalna uma ihi, war buuxana kama hayo, markaas wax alaale wax aan ka odhanayaa ma jirto

Abaarti wali wey taagan tahay,oo wey sii daba dheeratay  , markaas maxaad ku talin lahayd?

Waa dhab oo wali abaarti wey taagan tahay, roobkii aynu filaynayna wali muu di’in, cid la baryo  ILLAAHAY ayaa ugu horeeya, oo mudan inaynu barino, waxaana ILLAAHAY ka baryaynaa inuu abaarta inaga dulqaado, oo uu naxariis inoogu bedelo, waxaana run ah in markaynu isku naxno, oo aynu is taakulayno oo dadkeena jilicsan ee dhibaatadu haysato aynu caawino, inaynu naxariista ILLAAHAY helayno, markaas waxaan leeyahay yeynaan u kala hadhin caawinta iyo taakulaynta dadkeena dhibaataysan ee abaartu hayso, qof walbana wuxuu awoodo ha bixiyo, haba yaraate.

Marka laga yimaado Abaaraha, waxa jira oo soo kordhay xanuuno uu ka mid yahay Shuban Biyoodka oo deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay, markaas maxaad ku talin lahayd

Waa dhab oo waxa jira deegaano uu Shuban Biyoodku ka dilaacay,waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo dadkii uu shuban biyoodku laayey,  waxaana ku talin lahaa in sida ugu dhakhsaha badan uguna deg dega badan in loogu gurmado deegaanadu uu shuban biyoodku ka dilaacay, loona daawayo dadka uu ku dhacay, laguna dadaalo in aanu sii fidin,

Iyadoo Sicir Bararku markii hore uu jiray, haddana qiimihii sarifka sare ayuu u sii kacay, markaas adigu maxaad talo ahaan soo jeedin lahayd?

Anigu ma ihi dhaqaale yahan, balse waxaan leeyahay, aynu hoos u eegno dadkeena, oo aynu u naxariisano dadkeena masaakiinta ah, oo culayskan sicir bararka ah ee jira aynu wax ka qabano, waxaana leeyahay Ganacsatada maceeshada u jabiya, Sariflayaashana waxaan leeyahay qiimaha doontaan waxba ha ku sarifina qiimo maquul ah ku sarifaha lacagta.

Maxaad Bulshada Somaliland ugu baaqaysa?

waxaan Bulshada leeyahay, nabadiina ilaashada, oo wanaagiina iyo midnimadiina ilaashada, isku gargaara, is caawiya, oo wax is tara,