Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Dalka Itoobiya

54
4365

Dawladda Maraykanka ayaa si adag uga hortimid xaalad deg deg ah oo ay dawladda Itoobiya ku soo rogtay dalkaas, waxaanu Maraykanku sheegay inaanay xaalad deg deg ahi xal u noqon karin xaaladda ka taagan dalkaas, iyadoo ku talisay in la ixtiraamo xuquuqda dadka shacabka ah.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay inay xaalad deg deg ah kusoo rogtay wadankeeda bilaha soo socda, go’aanka ayaa dabasocda Iscasilaadii Raysalwasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada, walow aan lagu qeexin inta bilood oo uu socon doono xukunkan xaalada deg degta ah 3 bilood ama 6 bilood.

Warka uu golaha wasiirada Itoobiya soo saaray ayaa lagu sheegey in arrintani looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya.

Iscasilaada Raysalwasaare Hailemariam ayaa la doonayaa in xal looga dhigo kacdoonka shacab oo ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo mudaharaadyo dhigayey tan iyo sanadkii 2015.

Hailemariam ayaa sidoo kale sheegay inuu iska casilay xilkii hogaaminta xisbi xaakimka EPRDF oo uu soo hogaaminayey tan iyo 2012, kadib markii uu dhintay Raysalwasaarihii hore Meles Zanawi.

Si kumeel gaadh ah ayuu xilka usii heyn doonaa Hailemariam inta Baarlamaanka dalkaasi ka ansixinayo iscasilaadiisa, balse xisbiyada uu kasoo jeedo Hailemariam ayaa iyagu sheegay inay aqbaleen go’ aankiisa.

Marka laga yimaado kacdoonka ka jira gobalada dalkaasi qaarkood, waxaa dhinaca kale muddo dheer soo socday loolan xoogan oo ka dhex jira xisbi Xaakimka EPRDF.

Go’aanka xaalada deg degta ah ee xukuumada soo rogtay ayaan rajo badan laga qabin inay wax ka bedasho xaalada wadankaasi maadaama ay dowlada sidan oo kale dalka gelisay xaalad deg deg ah sanadihii 2016 iyo 2017, tilaabooyinkaasi oo sare usii qaaday xiisada iyo gadoodka shacabka.

Wadanka Itoobiya oo qaatay nidaamka Federaalka iyo ismaamul gobalada ay kala degen yihiin qawmiyadaha kala duwan, ayaa laga cabsi qabaa in xiisada ka taagan sii xoojiso kala fogaanta qowmiyadaha kala duwan ee ku loolamaya awooda dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here