Wararkii u dambeeyay ee maxaabiista isku dayday inay jeelka Hargeysa ka baxsato

0
669

jeelkaHargeysa(Geeska)-Wararkii u dambeeyay ayaa xaqiijinaya in hal askari oo ka tirsan ciicdanka asluubta Somaliland uu geeriyooday, mid kalena uu dhaawacmay ka dib markii ay maxaabiis xabsiga weyn ee Hargeysa ku xidhnayd isku  dayday inay baxsato, duhurnimadii maanta.

Maxaabiista ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan kuwa budhcad badeeda ah iyo kuwo argagixiso ah, waxaana sida uu wasiirka cadaaladda Somaliland BBC Somali u sheegay la qabqabtay dhammaantii maxaabiistii isku dayday inay baxsato. Maxaabiista ayay wararka qaar sheegayaan inay askariga geeriyooday iyo midka dhaawaca ahba ku toogteen baastoolado aan weli la garan sida ay u heleen maadaama oo ay xabsi ku jireen.

Warark qaar waxay sheegayaan inay maxaabiista ciidanka ilaalada xabsiga rasaas kala hortimid wakhtigii qadada la siin lahaa, markaas oo ay doonayeen inay baxsadaan.

Arrintan ayaa ah tii u horaysay ee nooceeda ah ee dhacda, waxaanay dad badani isweydiinayaan qaabka ay maxaabiistii ku heleen hubka ay askariga ku dileen. Laakiin saraakiisha asluubta oo shir ku dhex leh xabsiga gudihiisa ayaa la filayaa inay dhawaan saxaafadda uga waramaan arrimahaas oo dhan.