War Murtiyeed Ku Waajahan Doorashada Madaxtooyada

39
3426

Waxa war-murtiyeedka soo wada saaray ururada SPA iyo SSE

War muriyeedkani wuxu ku saabsan yahaye doorashada madaxtooyada iyo xaaladaha ku gadaaman, waxaaana si wado jir ah u soo wado saarey labada urur ee kala ah

Urrurka isku xidhka jaliyadaha Somaliland ee Yurub ( SSE) waxaanu ururkani ka shaqeeya 11 wadan oo qaarada yurub ka mid ah waxana ku midoobaye 45 urur

waxanu ka shaqeeya danaha jamuuriyadda Somaliland iyo ictiraaf raadinta somaliland.

iyo ururka adkaynta qaranimada somaliland (SPA). Waxa SPA asaasay muwaadiniin reer somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga min saylac ilaa laas _qorey, Ururka adkaynta qaranimada somaliland wuxuu u taagan yahaye la dagaalanka dhaqamada iyo fikradaha lidiga ku ah qaranimada somaliland isla markaana wuxu umadda ku wacyi galiya qaranimadu waxay tahay,

War-murtiyeedkani wuxu tallo iyo tusaale ku aadan doorashada u dirayaa komishanka doorashooyinka, Xisbiyada qaranka, xukuumada iyo shacabi weynaha somliland.

1: Komishanka doorashooyinka qaranka: waxaanu ku hamabalynana hanaanka quruxda badan ee ay u wadaan hawlaha doorasha, diwaan galinta cod bixiyaasha, qaybintii kaadhadhka, iyo sugida dadka xaqa u leh inay  codeeyan.

anaga oo og waajibaadka, culayska iyo masuuliyada saaran gudida doorashooyinka qaranka waxanu kula dardaaramaynaa inay noqodaan kuwo ku sugnaada dhexdhexaadnimo , maadaama oo yihiin udub dhexaadka tartanka doorashada.

2: Saddexda xisbi qaran : ee ku tartamaya doorashada waxaynu ka filaynaa inay si wadajir ah ula shaqeeyaan komishanka doorashooyinka qaranka isla markaana xurmeeyan dhexdhexaadnimada gudida.

xisbiyada qaranka waxaan u soo jeedinaneynaa inay ka dheeraadan waxkasta oo faro galin ku ah gudida doorashooyinka qaranka. Waxaananu rajaynaynaa in si wado jir ah ugu qanacaan natiijada ka soo baxada gudida doorashooyinka qaranka, kana fejignadaan waxkasta oo dhib keeni kara, isla mar ahaantana xakameyaan taagerayaashooda

3: Xukuumadda Somaliland: in ay xukuumaddu xil weyn iska saarto sugida amaanka iyo nabad galyada, komishankana u fududayso wixii hawl ah ee ay uga baahato sidii wanaagsaneyad eey markii horaba ula soo shaqaysay komishanka.

4: Shacabi waynaha Somliland: in dadweynaha jamuuriyadda somaliland intooda kaadhadhka cod bixinta haystaa xil wayn iska saaraan, in ay muujiyaan xaqooga dastuuriga ah maalinta codbixintana, oo ay yimadaan goobaha codbixinta, kala saarana musharixiinta tartamaya. Iyagoo ilaaliyaan nabad galyadaa oo qof waliba halkuu joogo ka noqdo askari wixii nabada wax yeelaya si wado jir ah uga hawl galaan.

5: Warbaahinta: warbaahinta ka hawl gasha Somaliland door muhiim ah ayey kaga jiraan nidaamka geeddi socodka dimuqaraadiyada iyo ka qayb qaadashada doorashooyinka dalka , Warbaahinta waxaa looga fadhiyaa wararka ay soo tabinayaan in ay ku salaysnaadan xaqiiq iyo dhexdhexaadnimo.

Isla markaana u daba fadhiistaan xogta ku saabsan doorashada, kana ka war sugaan komishanka doorashooyinka ku dhawaaqida natiijada doorashada.

6: Dhalinyarada Somaliland: dhalintu waa cududa qaran ku faano waana madaxda bari waxaana dhalinta ku wacyi galinaynaa inay ilaaliyaan nabad galyada iyo jirtaanka qaranimada somaliland kana dheeradan wixii amaan xuma keenaya qof waliban xagiisa  ka ilaaliyo amaanka qarankan, waxaan kaloo ka wacyi _galinaynaa in dhalinyaradu ka waantawdo wararka aan salka iyo raadka lahayen ee baraha bulshadu ku kulanto ku faafinayaan ee qaranimada somaliland dhaawici kara, isla markaana kala qaybinaya dadka walaalaha ah ee illahay dalkan kuwada abuuray

All Mahadle                      

Guddoomiyaha SPA                                                            

Guddoomiyaha SSE

Khadar Maxamed Dheere                                               

  Cabdilahi Axmed xeef                                             

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here