War Deg Deg Ah:- Caaqil Ku Naf Waayey Shil Gaadhi iyo laba Wasiir Oo Ku Dhaawacmay

0
597

newsBerbera (Geeska) Sida la xaqiijiyey waxaa maanta shil gaadhi ku naf waayey Alle ha naxariistee Chief Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland oo maanta ka qayb qaadanaayey soo dhaweynta madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxaa iyana shilkaasi baabuur ku dhaawacmay laba wasiir oo ka tirsan xukumada Somaliland, kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka Saleebaan Xagla Toosiye iyo wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse.

Labada wasiir oo dhaawac fududi ka soo gaadhay gacmaha ayaa haatan lagu daaweynayaa cisbitaal ku yaala magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxiil.