Waqooyiga Kuuriya Oo Tijaabisay Gantaalaha Ridada Dheer

0
861

Kuuriyadda Woqooyi ayaa tijaabisay wax u muuqda in ay yihiin laba gantaal oo ah kuwa riddadooda ay dhexdhexaad tahay.

In kasta oo kuuriyadda Woqooyi ay hore u tijaabisay daraasin gantaallo oo kuwa riddada gaaban ah, haddana waa markii ugu horaysay oo ay muddo shan sanno ah tijaabiso gantaallo noocan ah.

Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tijaabinta madafiicdaas ay la mid tahay dandaansi iyo in si ku tala gal ah ay kuuriyadda Woqooyi u doonayso in ay u kiciso xiisad hor leh. Waxayna intaasi ku dartay in arrintaasi ay si qota dheer ula socoto.

Kuuriyadda Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabinta gantalladan lagu tilmaami karo tallaabo amar diiddo ah.

Tijaabada gantaalladan ayaa ku soo beegantay iyadoo la filayo in Kuuriyada Woqoyi iyo Japan ay yeeshaan wadahadallo

Balse sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Japan ayaa waxa uu sheegay in arrintaas aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin wadahadallada la qorsheynayo ee ay yeelan doonaan Tokyo iyo Pyongyang. Gantaalladan la tijaabiyay ayaa gaadhi karo dalka Japan.