“Waligeed Somaliland Badhan Ma Gaadhin, Ciidamo Puntland Ah Iyo Ciidamo Inaga Ah Oo Iska Caagle Ah Ayaa Jooga”

23
160

Siyaasiga Baashe Cali Jaamac

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha  Baashe Cali Jaamac, ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Gobolada Barri, sida dagaalkii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, safarkii Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee Badhan, iyo tabashada dadegan Gobolada Barri.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha  Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland, Saldhiga Milatari iyo Raasiga Dekadda Berbera, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya wasiirkii Badhan yimid ee Soomaaliya uu yidhi “Waligeed Somaliland Badhan ma gaadhin, ilayn wixii gara ayaa laga hadlaaye, Ciidamo Puntland ah iyo Ciidamo inaga ah oo iska caago leh ah ayaa jooga, markaas meel madhan oo uu yidhi nin deegaanka u dhashay wax baan keenayaa ama horumar baan keenayaa haddii aynu inagu ka dhigno arin dhibaato ah, dadka ayuun bay sii kicinaysaa, aniguna ma qabo inay faragelin Milatari inagu sameeyn karaan nimanka Puntland la yidhaahdo ama Somaliya, laakiin faragelinta ay inagu sameeyn karaan waa iyagoo dadkeena inaga kaxaysta, dadkeenu Dawladdii hore ayey hakrasho badan ka tirsanayaan, wada hadalo ay la galeen oo ay ka baxeen, iyo heshiiskii Khaatumo oo qabyo ah, boqol wax bay tirsanayaan, markaas haddii aynu fursadaas siino wey ina faragelin karaan, laakiin inagu haddii aynu dadkeena la hadalno, oo Xukuumaddan cusubi dadkeeda la hadasho, wax faragelin ah oo lagu sameeyn karayaa ma jirto, waxa qudha ee ay sameeyn karaan waa iyaga oo ina kala qaybiya”.

Mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhexmaray Somaliland iyo Puntland ayaa yidhi “maanta Ciidan iyo Dagaal meel aynu ka qaadnaba garan maayo,  iyagu Ciidanba inooma soo wadaan, weerarkana waxaa la ii sheegay sida aan wararka deegaanka ku hayo inay weerarka Somaliland qaaday ee aan halkaas laga soo qaadin, shakiyuun baa jira, ee Deegaanka anaga ayaa xogogaal u ah, niman baa leh, wax baanu sameeynaynaa, kan baanu sameeynaynaa, waxaas oo dhami waa wax la xalili karo”.

Wasiirkii hore ee Biyaha mar uu ka hadlaayey tabashada dadka deegaanka Gobolada Barri iyo Xukuumadda Muuse Biixi, waxa kala gudboon ayaa yidhi “Dawladda cusub ee Muuse Biixi Cabdi, waa inay  dadka la hadlaan, muddo badan bay dadku lahaayeen ha nalala hadlo, Somaliland wax baanu doonaynaa in aanu la galno ee ha nalala hadlo, cidina lamay hadlin, kuwii hore ayaa la eegayey inay midho dhalaan, si kuwaas loogu gudbo, markaas aniga waxay ila tahay wada hadal baa loo baahan yahay ee Ciidan baan ku qaadayaa iyo maxa lagugu yimid, iyo nin yidhi dhawr milyan oo mucaawimo ah ayaan idin keenay, oo waddo lagu sameeynayo haddii la yidhaahdo ka hor taga, waxa loo arkayaa  inay Dawladda Somaliland diidan tahay nolosha dadkaas iyo horumarkooda, waxa dadkaas loo keenaya, ee Xamar looga keenayaa, waa waxay xaq u lahaayeen, markaas dadku wey ina doonayaan ee in dhibaato, la galiyo oo xoog iyo dagaal baa la galayaa la yidhaahdo, kicin bay galaysa”.

Mar uu ka hadlaayey sida ugu haboon ee uu arko in xadka Somaliland lagu tagi karo, ayaa yidhi “Xadka iyadoo xoog iyo xabad lagu gaadhin, baanu gaadhsiinay meesha la yidhaahdo Kacayo iyo Shaxda, xagga shishe ee dhinaca Qardho ayey Garoowe ka xigaan, Xadka gaadhistiisu waa muhiim, laakiin marka la gaadhayo waa inay macno ku fadhidaa, ee aanay dagaal ku iman, haddii dagaal dhaco inaguna faa’iido ka qaadi mayno, iyana faa’iido ka qaadi mayaan, Ciidamaduna bari halkoodii bay ku soo noqonayaan, waayo waa dhuun, laakiin anigu waxaan leeyahay nabad ha lagu xaliyo, xitta haddii aynu wax ka tirsanayno si Diblamaasiya wada hadalo marka hore ha lagu daro, inta aan dagaal la bilaabin”.

Mar uu ka digaayey dhibaato iyo dagaalo ayaa yidhi “Dhinaca Barriga, waxaan anigu Xukuumadda kula talinayaa in intii laga taxadiri karo, in laga taxadiro in dagaal la bilaabo, waxaan ku talinayaa in dadkeena gaadhno, wax u qabano, arintan Tukaraq iyo meeshan Laascanood ka shishaysana, waa run in dadkeenii kala qaybsan yihiin, laakiin Somaliland sidaas ayey ku haysay toban sanno, garan maayo waxa maanta is bedelay, waa inaynu fahanaa siyaasadda  dhabta ah ee ay ka leedahay, ee imika loo dhaqaaqay, kolay anigu maan fahmin,  dadkana kicinta ha laga daayo, meel aanad waligaa tagine muxuu qof u yimid, waa dhaliil aad adigu leedahay, horumar inaga ahi muu tagin, mashaariic inaga ahi muu tagin, markaas haddii lagaga horeeyo, dabaadaha ayaan dhaqaaqijinayaa maaha macquul, ee waxaynu u baahan nahay inaynu dadkeena kasbano, wada hadaladii sii wadno, waanu ognahay oo dadka deegaanadaas ku nooli rajo badan oo Xamar ka sugayaan, oo ma jiraan, dagaalna uma baahna, anagu hab baanu rabnay in lagu gaadho, oo habkii aanu ku qornay heshiis Awr-goobays, maaha in la is yidhaahdo wax ku xaliya dabaabad, ciidan iyo talaay, haddii halkan Ciidan laga dhaqaajiyo, halkaasna talaay yaa reer hebel ah ayaa ka imanaysa, oo waxa laga yaaba inay dadkeenu halkaasba la saftaan, oo qabiilba isku bedesho, markaas haddii wax la doonayo in la xalilo, xalkeeda waa la helayaa, Madaxweynaha ragga ku dhaw-dhaw, ee deegaanada Barri ka soo jeeda waxaan leeyahay taladda saxda ah iyo xogta dhabta ah Madaxweynaha siiya,laakiin haddii la abuuro waxaan jirin waa dhibaato”.

Mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey ayaa yidhi “Somaliya sharciyadeenii oo dhan bay haysta, sharciyan xagga adduunka wali yada ayeynu hoos tagnaa, hawada oo qudha maaha, Dekadda Berberaba iyaga ayaa saxeexay, oo Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Dubia ka saxeexay, markaas wali nimanka sharciyan weynu is haysana, wada aynu ku kala bixi lahayna lama gaadhin, waa tii la yidhi wada hadal ha la galo, wada hadalkaas inaynu ku kala tagno oo aynu ku kala baxno, bay ahayd oo dani inoogu jirtay, balse ma garanayo Siyaasada cusub ee Caalamka ka jirta”.

 

23 COMMENTS

  1. Howdy would you mind sharing which blog platform you’re using? I’m looking to start my own blog in the near future but I’m having a difficult time choosing between BlogEngine/Wordpress/B2evolution and Drupal. The reason I ask is because your design seems different then most blogs and I’m looking for something completely unique. P.S Sorry for being off-topic but I had to ask!

  2. Sorry for the massive critique, nonetheless I’m definitely loving the fresh Zune, and anticipate this, as well as the Great assessments some other people in america have created, will aid your self make your mind up if it’s the right conclusion for by yourself.

  3. You actually make it seem so easy with your presentation but I find this topic to be actually something that I think I would never understand. It seems too complex and extremely broad for me. I’m looking forward for your next post, I’ll try to get the hang of it!

  4. The refreshing Zune browser is amazingly optimistic, still not as optimistic as the iPod’s. It performs effectively, but just isn’t as immediate as Safari, and incorporates a clunkier interface. If oneself from time to time plan on taking the website browser which is not an issue, still if you’re coming up with toward study the world wide web alot towards your PMP then the iPod’s larger show and better browser may well be essential.

  5. I would like to get across my appreciation for your generosity supporting people that must have help on the study. Your personal commitment to getting the message along has been particularly good and has continually helped many people much like me to reach their desired goals. Your new helpful facts means this much a person like me and even more to my peers. Thanks a ton; from all of us.

  6. The new Zune browser is amazingly Terrific, nevertheless not as very good as the iPod’s. It functions properly, still is just not as quick as Safari, and consists of a clunkier interface. If by yourself occasionally method on taking the web browser that is not an issue, still if you’re developing in direction of examine the internet alot versus your PMP then the iPod’s larger sized display screen and better browser could possibly be significant.

  7. Fantastic beat ! I wish to apprentice while you amend your website, how can i subscribe for a blog site? The account aided me a acceptable deal. I had been a little bit acquainted of this your broadcast offered bright clear concept

  8. Apple already includes Rhapsody as an app, which is a best start off, but it is by now hampered by the incapacity to shop locally upon your iPod, and includes a dismal 64kbps bit value. If this alterations, then it will rather negate this advantage for the Zune, but the Ten new music for every month will still be a big in addition inside of Zune Pass’ desire.

  9. Hello, i think that i saw you visited my website thus i came to “return the favor”.I am trying to find things to improve my website!I suppose its ok to use a few of your ideas!!

  10. Hello there, just became aware of your blog through Google, and found that it’s truly informative. I am gonna watch out for brussels. I will be grateful if you continue this in future. A lot of people will be benefited from your writing. Cheers!

  11. The refreshing Zune browser is shockingly Great, nonetheless not as Fantastic as the iPod’s. It performs very well, still isn’t really as instant as Safari, and contains a clunkier interface. If oneself sometimes method on working with the net browser which is not an issue, still if you might be coming up with toward examine the net alot towards your PMP then the iPod’s greater display and better browser could be crucial.

  12. I am glad for writing to let you understand what a useful discovery my girl undergone visiting your web site. She came to understand a lot of things, not to mention how it is like to have an ideal helping mindset to let folks just understand chosen multifaceted matters. You undoubtedly exceeded people’s expectations. Thank you for presenting the great, trusted, revealing and as well as fun tips on the topic to Sandra.

  13. It is in point of fact a great and helpful piece of info. I¡¦m happy that you simply shared this helpful info with us. Please stay us informed like this. Thank you for sharing.

  14. Thank you for every other excellent post. Where else may anybody get that kind of info in such an ideal method of writing? I have a presentation next week, and I am at the look for such information.

  15. I will machines this study towards 2 models of Those people: existing Zune owners who are thinking about an improve, and persons attempting to determine in between a Zune and an iPod. (There are other gamers worthy of contemplating out there, such as the Sony Walkman X, yet I hope this delivers oneself more than enough information in the direction of generate an informed alternative of the Zune vs gamers other than the iPod line as perfectly.)

  16. Apple at this time includes Rhapsody as an application, which is a ideal start out, nonetheless it is at the moment hampered by means of the incapacity to retailer regionally upon your iPod, and has a dismal 64kbps little bit selling price. If this modifications, then it will fairly negate this benefit for the Zune, nevertheless the Ten music for each month will continue to be a huge as well as in just Zune Pass’ desire.

  17. I just want to say I’m beginner to blogging and actually savored your web site. Very likely I’m planning to bookmark your blog post . You absolutely have beneficial writings. Thanks for sharing your blog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.