Wakiilka Mauro Icardi Oo London U Soo Duushay Xilli Ay Arsenal Ku Dhawdahay Dhamaystirka Heshiiska Laacibkani.

0
1159

EEGabadha uu qabo xidiga Mauro Icardi ahna Wakiilkiisa khaaska ah Ee Wanda Nara ayaa maalinkii shalay u soo duushay magaalada London ee si ay ula gor-gortanto heshiiska ay Arsenal ku rabto xidiga Icardi.

Xidiga reer Argentina ayaa si wayn loola xidhiidhinayaa kooxda Arsenal wakhti xaadirkan, waxaanu uu xidigani noqon doonaa hadii ay heshiiyaan mid bedeli kara damacii Arsenal kaga jiray laacibiinta dhinaca weerarka sida Higuin iyo Vardy oo hore u diiday.

Icardi ayaa kooxdiisa Inter Milan u dhaliyey 16  Gool, isagoo u saftay 34 ciyaarood, waxaana lagu waramayaa inay kooxda Arsenal diyaar ula tahay lacag gaadhaysa 43 Million oo Euro

Hadaba wakiilkiisa ama gabadha uu qabo wiilkani reer Argentina ayaa shalay la kulantay Masuuliyiinta Arsenal, wallow aan lasoo sheegin wax war ah oo ay isla gaadheen, waxaana la filayaa inay Dhamaystiraan wada hadaladooda 48 saacadood ee Fooda inagu soo haya.