“Wakhtigan Xaadirka Ah Meel Cad Oo Muuqata Ayaanu Ka Taagannahay Somaliland, Laakiin Waxa Ay Leeyihiin Shucuur Qaranimo Oo Xoogan”

0
632

Picture7Newyork(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inay shacbaka reer Somaliland leeyihiin shucuur xoogan oo ay ku raadinayaan dhammaystirka qaddiyadooda.

Mr. Nicholas Kay, waxa shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay lagu weydiiyay arrimaha Somaliland iyo weliba wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya. Mr. Kay wuxuu sheegay inaanu xafiiskiisa iyo dunidu toona weli aqoonsan Somalialnd, “Waqtigan xaadirka ah meel cad oo muuqata oo ku salaysan sharciga  caalamiga ah ayaanu ka taagannahay Somaliland, ma’aha dal ay ciddi aqoonsan tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raciyay “Laakiin waa ay xooggan tahay shucuurtooda qarannimo iyo himilada madax bannaanidooda.”

Mr. Kay wuxuu sheegay in wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ay meel wanaagsan marayaan, waxase uu tilmaamay inaanay weli u gudbin dhinaca siyaasadda oo ay ku koobanyihiin dhinaca wax wada qabsiga arrimaha bulshada.

 

Mr. Kay wuxuu sehegay inay xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay ka hawlgalaan Somaliland, “Xafiisyada Qaramada midoobay ee caawimada iyo barnaamijyada horumarintu way ka shaqeeyaan Somaliland, laakiin xafiisyada ayaan ka shaqayn.” Ayuu yidhi Mr. Kay.

 

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya oo uu tilmaamay inay dawladda Turkigu xil iska saartay.