Wakhtiga La Qabanayo Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo Aan Weli Lahayn Iyo Caqabadaha Hortaagan

0
1022

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirweynaha xisbiga KULMIYE, ayaa u muuqda inay qabashadiisu adkaatay, iyadoo ergadii shirweynaha lagu qaybsaday beelo si looga fogaado murano xisbiga burburin kara. Sannadkan gudihiisa tiraba dhawr goor ayuu shirweynaha xisbigu dib  uga dhacay wakhtigii loo qoondeeyay. Xataa wakhti uu madaxweynuhu cayimay oo ahaa bishii March ee la soo dhaafay ayaan hirgelin.

Madaxda xisbiga KULMIYE ma hayaan jawaab cad oo ay warbaahinta mariyaan oo ay kaga warbixiyaan sababaha uu weli shirweynaha xisbigu u xayiranyahay iyo wakhtiga uu qabsoomi doono.

Hase yeeshe dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay qabaan inay qabashada shirweynaha caqabad ku noqdeen  laba qodob oo kala ah; xifiltan weli ka dhexeeya siyaasiyiin sare oo xisbiga iyo xukuumadda ka tirsan iyo ergooyinka oo ay beelaha qaar qawadeen saamiga laga siiyay, kuwaas oo aan ilaa hadda soo gudbin ergeyda shirweynaha uga qayb galaysa.

Qodobka koowaad ee loolanka siyaasiyiinta ayay dadka qaarkii ku doodayaan inuu yahay caqabada weli hortaagan qabsoomida shirweynaha. Inkastoo ay siyaasiyiinta uu loolanku ka dhexeeyaa aqbaleen go’aankii ahaa inaanu shirweynaha xisbiga wax tartan ahi ka dhicin, haddana waxa soo baxaya inaan weli si rasmi ah loo dhayin boogtii khilaafka KULMIYE, oo markii u dambaysay uu madaxweynuhu u saaray guddi turxaan saar samaysa. Aqbalaadda go’aankaas ka sakow, waxa la arkayaa in loolankii siyaasiyiinta KULMIYE u dhexeeyay uu wejiyo kale yeeshay.

Inaan weli si rasmi ah loo dhammayn muranadii xisbiga ka dhex jiray waxa muujinaysa go’aankii uu dhawaan murashaxnimadiisa guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga ku cadeeyay siyaasiga Xasan Gaafaadhi oo ahaa hoggaamiyaha urur siyasadeedkii Rays ee doorashadii deegaanka ku hadhay, kaas oo markii dambe ku biiray xisbiga KULMIYE, lana galay heshiis. Mr. Gaafaadhi wuxuu sheegay in marka la qabto shirweynaha xisbiga uu isu sharaxi doono xilkaas, waxaana muuqata inuu iska dhego mariyay go’aankii lagu xaliyay khilaafka KULMIYE ee ahaa inaan shirweynaha lagu tartamin.

Laakiin murashaxnimada Xasan Gaafaadhi waxa ganafka ku dhuftay guddoomiye xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa “Waxa jira in Xasan Gafaadhi oo ahaa Guddoomiyihii ururkii la odhan jiray Rays uu maalin dhawayd uu sheegay in uu yahay musharax u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye arrintaasi way ka horimanaysaa go’aankii gudidu soo saartay, mana wanaagsana wax la isla ogolaaday oo xisbi dhan iyo xukuumadiisu isla ogolaadeen oo xal loo arkayay oo markii ay taagnaydna aanu ka hadal wixii imika laga la yidhaahdaa ma wanaagsana. Waxaan u arkayaa in dhawaaqa Xasan uu xiligan shirweynihii dhawaan la qabanayo uu hurinayo khilaaf hor leh, iyadoo hore loo soo xaliyay khilaafkii jiray. Arrintani waxay hiyi kicin doontaa dad hore u qancay oo heshiiskan aqbalay,” sidaas ayuu yidhi xildhibaan Warfaa oo u waramay wargeyska dawladda ee Dawan.

Si kastaba ha ahaate qabashada shirweynihii KULMIYE, weli waxa ku gedaaman daruuro aan la garan karin wakhtiga ay hoori doonaan. Si kale haddii loo yidhaahdo shirweyne xisbi oo si dimuqraadi ah iyo degenaansho ku qabsooma muuqaalkiisu ma muuqdo. Qabasho la’aanta shirweynaha xisbiga KULMIYE, waxa ay weji gabax ku tahay xukuumadda Somaliland oo xisbigan ku abtirsata, waxaana la isweydiinayaa sida ay rajada xisbigu noqon doonto maalinta shirweynaha la qabto oo laga yaabo in siyaasiyiinta hanka leh lagu waajaho cudud iyo gacan bir ah sidii lagu sameeyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.