Wakaalad Sirdoonnada Maraykanka Ka Mida Oo Xitaa Madaxweyne Obama Aanu Aqoonin Ayaa Jirta

0
570

Washington (Geeska)- Qoraaga James Bamford ayaa maqaal uu dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ku qoray majaladda Foreign Policy waxa uu cinwaan uga dhigay ‘Wakaalad ka mid ah sirdoonka Maraykanka oo balaayiinta lacaga miisaaniyaddeedu tahay oo aanad maqlin’ waxa aanu kaga hadlay mid ka mid ah laamaha sirdoonka Maraykanka oo aan magaceedu caan ahayn, isaga oo xusay in laga cabsi qabo in madaxweyne Trump uu u adeegsado basaasidda dadka Maraykanka laftooda.

Bamford waxa uu xusay in aanay dad badani aqoonin wakaaladdan oo xarunteedu tahay dhisme aad u weyn oo ku yaalla duleedka Koonfureed ee caasimaddda Washington, waxa se yaab leh in xitaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama aanu aqoonin wakaaladdan, isaga oo taas marag u samaynayana waxa uu soo qaatay sheekada mar uu madaxweyne Obama u cunto doontay hudheelka Five Guys ee magaalada Washington sannadkii 2009-kii, kadibna nin macaamiisha ka mid ahaa oo ay is barteen uu weydiiyey halka uu ka shaqeeyo, kaas oo u sheegay in uu ka shaqeeyo wakaaladda ‘National Geospatial-Intelligence Agency ee loo soo gaabiyo GNA oo aynu ku macnayn karno wakaaladda Qaranka ee sirdoonka dhuleed.

Madaxweyne Obama inta uu ka yaabay wakaaladdan aanu hore u maqal ee haddana magaceedu muujinayo in ay tahay wakaalad dawladeed ayaa uu dib u sii waraystay muwaadinkan oo uu ka codsaday bal hadda in uu u fasiro waxa ay tahay.

Wakaaladda GNA waxa ay ka mid tahay shanta wakaaladood ee waaweyn ee uu sirdoonka Maraykanku ka kooban yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin CIA iyo NSA, waxa aanay leedahay dhismaha saddexaad ee ugu weyn guryaha ka dhisan magaalada Washington oo dhan, kaas oo xitaa ka weyn dhismaha sirdoonka CIA da iyo dhismaha Capitol ka loo yaqaanno oo ah aqalka golaha Kongareeska Maraykanka iyo fadhiga waaxda sharci dejinta ee dawladda federaalka, dhismaha xaruntan GNA waxaa ku baxay lacag gaadhay 1.4 Bilyan oo doolar, iyada oo sannadkii 2016-kana hay’addu iibsatay dhul kale oo ay doonayso in ay ka dhisato xarumo dheeraad ah oo ay ku baxayso lacag dhan 1.75 Bilyan oo doolar, waxa aanay kordhin doontaa shaqaalaheeda oo hadda magaalada Washington oo keliya gaadhaya 3 kun.

Sida uu Bamford sheegay wakaaladda GNA waxa ay shaqadeedu aad ugu eegtay shaqada wakaaladda Amniga Qaranka ee NSA, waxa se’ ay ku kala yara duwan yihiin, wakaaladda GNA waxa ay iyadu si gaar ah xoogga u saartaa ururinta, lafogurka iyo fahamka sawirrada iyo dhulalka kala duwan ee ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qaadaan, xilliga ay hawlgallada sirdoon ka wadaan dunida, halka hay’adda NSA shaqadeeda ugu muhiimsani tahay ururinta iyo lafogurka codadka.

Shaqada ugu badan ee wakaaladda GNA waa dibadda dalka Maraykanka, waxa se’ jira cabsi hadda laga qabo in madaxweyne Trump uu u adeegsado arrimo gudaha dalka ah, maadaama oo la dareensan yahay in aanu sidii la rabay ahayn xidhiidhka uu la leeyahay wakaaladihii hawshan qaban jiray oo xitaa CIA iyo NSA ay ka mid yihiin.

Waxaa jira dareen laga qabo in Trumo uu hay’addan u adeegsado in ay fududayso sidii loola socon lahaa muslimiinta dalka Maraykanka iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqa la baxay Black Lives Matter (Dadka madow naftoodu macnay leedahay) oo ah urur mamnuuc ah oo uu leeyahay madowga Maraykanku, kaas oo ka soo horjeeda cadaadiska iyo takoorka ay kala kulmaan caddaan iyo xitaa hay’adaha dawladda oo booliisku ka mid yahay. Hore ayaa uu Trump u sheegay in ay ka go’an tahay in la’ kor joogteeyo masaajidda, waxa kale oo dhici karta in uu hay’addan uga faa’idaysto la socoshada dhaqdhaqaaqyada dadka sharci-darrada ku jooga Maraykanka ee maamulkiisu uu doonayo in uu mustaafuriyo.

Bamford ayaa maqaalkiisa aynu xusnay marka uu kaga hadlay siyaabaha laga yaabo in uu Trump uga faa’idaysto wakaaladda GNA waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Ballaadhinta shaqada wakaaladda sirdoonka ee GNA waxaa ka horreeya, in Trump uu maqlo in ay jirto wakaalad noocaas ah oo maraykanku leeyahay.”