Waftigii Xukuumadda Ee Imaaraadka Oo Ka Warramay Heshiiskii Dekedda

0
462

Hargeysa (Geeska)-Weftigii ka tirsanaa Xukuumadda ee  maalmahan ku sugnaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta una joogay sii taabo gelinta wejiga labaad ee heshiiska dekeda Caalamiga ah ee Berbera ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

1

 Weftigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Dibadda yo Madaxtooyada iyo sidoo kale mareeyaha Dekadda  Berbera oo shalay ka oo degay Madaarka Hargeysa ayaa Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), oo isagu ka hadlay ujeedada socdaalkooda ayaa yidhi “Mar dhawayd ayaanu diyaarad ka dagnay, waxaanu maqnayn muddo shan cisho ah, shantaas cisho waxaanu ka shaqeeynayna barnaamujkii wada hadalka ahaa ee ku saabsanaa horumarka Dekadda iyo heshiisyada aanu la wadno Shirkada DP World, doorkii hore waa anagii heshiiska yar ee qabyada ah    soo saxeexnay anaga iyo Shirkadu, laakin maanta hawlo fara badan baanu soo qabanay,  hawsha soo qabanay waxa ka mid ah sidii wax walba meeshoodii loo dhigi lahaa, wakhtigeeynta iyo shaqooyinka la qaban doono, sioo qaban doona iyo barnaamujka sidii loo dhamaystiro lahaa haddii ALLE yidhaahdo, farsamo ayey u badan tahay, waxa ku jira in sannad gudihii Dekad cusub lagu dhamaystiro, far boqol oo mitir, qodobkaas oo runtii hawl badnaa waan iska soo dhamaynay, soo suurtagalay, waxa kale oo ka mid ah barnaamujka halkii Dekadii hore shaqo laga bilaabi lahaa oo la qod qodo lahaa  wax laga sasameyn lahaa in aan loo dhawaan Dekadda hore ilaa ay dhamaato, dhinaca farsamada tan dambe inta badan Shirkadu wey ka caraaran laakin imika waanu ku heshiinay, hawshu wey socotaa, nink odhan lahaa wey dhamaatay iyo dib baa loo dhigayaa ma jiraan”