Wadnuhu Waxa Uu Awoodaa In Uu Uriyo Dufanka Waxa Aanu Kaga Jawaabaa Garaaca Oo Uu Kordhiyo

0
595

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in wadnuhu uu leeyahay dareen uu wax ku urin karo, in kasta oo ay ka duwan tahay awoodda dareenka urta ee sanka. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in waxyaabaha uu wadnuhu urin karo ay ka mid yihiin dufanka oo uu kala sooci karo asiidhka dufanka leh iyo kan kale, isaga oo marka uu dareemo dufankaas dareenkiisa ku muujiya garaaca wadnaha oo uu wax ka beddelo.

Daraasaddan oo ay xeeldheerayaasha Jarmalka ahi si gaar ah ugu eegayeen shaqooyinka iyo faa’idooyinka uu dareenkaa urta ee wadnuhu u leedahay caafimaadka wadnaha, iyo bal in looga faa’idaysan karo daweynta cudurrada kala duwan ee wadnaha ku dhaca.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu baahiyey majaladda cilmibaadhisaha aasaasiga ah ee caafimaadka wadne ‘Journal Of Basic Research In Cardiology’ ayaa caddaysay in wadnuhu uu si fiican u urin karo asiidhka dufanaysan ee inta badan laga helo dadka qaba cudurrada uu ka mid yahay macaanka dhiiggu, iyada oo marka uu wadnuhu dareemo uu inta badan kaga jawaabo in uu yareeyo garaaca. Waana sababta keenta in marka dadka cudurka macaanka qabaa ay uriyaan dufanka uu wadnahoodu garaaca beddelo, isaga oo dareensan khatarta uu subaggaasi ku yahay.