“Waddani Waa Xisbiga Reer Somaliland Ka Saari Kara Marxalada Ay Maanta Ku Jiraan”

0
864

Hargeysa, (Geeska)- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayey siyaasiyiin, wax-garad, haween, dhallinyar iyo weli ba taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelaha Cabdi Ciise ee Ciidagale, ayaa shalay ka dhacday hoolka shirarka Xisbiga WADDANI ee Maroodi-jeex oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo uu ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Siyaasi Ismaaciil Buubaa, Siyaasi Ismaaciil Yare, Siyaasi Dhoola-yare, wax-garad, haween, iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo badan ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in xisbiga Waddani uu yahay xisbiga rajada ee Shacabka Somaliland ka saari kara xaalada ay maanta ku jirto.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi

“Waxay maanta ii tahay farxad weyn oon qiyaasi karin in beeshan muga weyn leh iyo bahaheedu ay maanta go’aansadeen inay Somaliland badbaadiyaan, inay Somaliland isbadalka ka qayb qaataan inay taageeraan xisbiga rajada iyo guusha ee Waddani. Waxay taasi ina tusinaysaa in dareenka shacbigu soo jeedo, in shacbigu wax arkayo in shacbigu wax maqlayo, waxay ka turjumaysaa dareenka shacbiga ee isbadal doonka ah, waxay ka turjumaysaa dareenka shacbiga ee dulmi diidka ah iyo qabyaalad diidka ah, waxay ka turjumaysaa dareenka shacbiga ee ka damqanaya halka maanta Somaliland joogto iyo boobka hantida qaranka.

Wuxuu ka turjumayaa midnimada iyo midaynta shacbiga Somaliland, wuxuu inoo sheegayaa dareenkaasi inaanay ummaddu u kala qoqobnayn qabaa’il in aanay u kala qoqobnayn ardaayo ee ummaddu mustaqbal doonayso, waxaan ku kalsoonahay in xisbiga Waddani uu yahay xisbiga rajada shacbiga Somaliland ee ka saari kara maanta xaaladda ay ku jirto.

Waxaan idiinka mahadnaqayaa salaadiinta, cuqaasha iyo dhalinyarada soo abaabulay munaasibadan weyn ee qaaliga ah, munaasibadan hoolkan aynu ku shiraynaa wuu qaadi waayey dadku waxay taagan yihiin ilaa wadada, insha allaahu maalmaha dambe gole ka weyn ayaynu ku talo gali doonaa.

Waxaanu idin leenahay soo dhawaada, qalbi furan ku soo dhawaada, gacmo furan ku soo dhawaada, waxaanu rumaysanahay oo dhaqan noo ah xisbiga Waddani in talada la wada leeyahay, maanta talada Hareerahaad iska taagaysaan, go’aan kasta oo la qaadanayo hareerahaad iska taagaysaan, Somaliland badbaadadeeda hareerahaad iska taagaysaan, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa dhalinyaradii ka soo shaqaysay iyo Caaqil Jaambiir oo runtii ahaa ma-daale hawsha ku suntanaa intii ay socotay. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad qiimo leh.