Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Haatuf

0
581

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa si kulul u canbaareeyay xadhiga wargeyska Haatuf, waxaanu ku dhaliilay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo mid caadaysatay cabudhinta warbaahinta madaxabanaan.

Sida oo kale waxa masuulyiinta xisbiga Wadani ay ku dhaliileen xukuumadda sida ay u dhex fadhiyaan caasimadii oo laydhkii ka damay, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay xoriyadooda u soo celiso warbaahinta ay xidhatay, isla markaasna ay joojiso sida guracan ee ay u adeegsanayso awooda ciidanka.

Waxa ay sidan ku sheegeen masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Wadani shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen. Ugu horaynta xoghayaha guud ee xisbiga waddani Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo halkaas ka hadlaayay waxa uu yidhi “Iyadoo ay hore u jirtay laydh la’aan, biyo la’aan, sicir barar iyo cusbitaalkii guud oo u dhaw inuu xidhmo ayey halkii ay xukuumadda Siilaanyo xal uga raadin lahayd dhibaatooyinkaas waxay ku dhaqaaqday cagajuglayntii iyo xadhigii saxaafadda madaxabanaan ee ay ku caanbaxday xukuumaddani, waxay xidhay oo ay albaabada isugu laabtay wargeyskii caanka ahaa ee Haatuf oo ay la wareegeen ciidanku, sidoo kale waxa hore loo xidhay wargeyskii kale ee Hubaal oo inta xaruuntiisii lagu weeraray oo laysku dayey in la toogto guddoomiyihii wargeyska cidii weerartayna ay dalacaad ku heshay, iyadoo waliba amarka weerarka Hubaal uu ka yimi madaxtooyada oo la hubo, waxaanu u aragnaa in la leeyahay maxaad u sheegtay hantida ummadda ee la cunayo.”

Xoghayaha guud ee xisbiga waddani Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcadde isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi”Ciidamadan ay dawladdu u isticmaalayso qaabka awood sheegashada ah waxanu leenahay haka joojiso umadda, waxanu xukuumadda usoo jeedinaynaa inay si degdeg ah usoo dayso wargeyska Hubaal iyo Haatufba oo ay faraha kala baxdo xoriyadda saxaafadda madaxbanaan, saxaafadduna waxay u jirtaa inay sheegaan wixii jira ee umadda laga qarinayo ee madawga lagu cunayo.Ciidankan ay sida guracan u siticmaalayso xukuumaddu ha joojiso haddii intaas laysla dhaafo wixii soo baxaya waa laysla garanayaa, hadii ninku yidhaahdo anigaa ciidan haysta oo waxaan doono samaynaya wixii soo baxaya waa la garanayaa waxanu jecelnahay inaan halkaas laysla gaadhin.”