Waddani Oo Xubno Uu KULMIYE Hawd U Magacaabay Ku Sheegay Inay Yihiin Shaqaale Dawladeed

0
638

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  ee Gobolka Hawd Mubaarig Cabdi Cooli ayaa sheegay inay shaqaale dawladeed ku jiraan Xubnaha Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Hawd loo magacaabay, waxaanu sheegay in in saddex xubnood oo la magacaabay ay yihiin shaqaale dawladeed oo ka hawl gala magaalo madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  ee Gobolka Hawd Mubaarig Cabdi Cooli, oo ayaana sidoo kale Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda ugu baaqay inay talaabo ka qaado xubnaha shaqaalaha dawladda ah ee Xisbiga Kulmiye xilalka u magacaabay ayaa isagoo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Marka hore waxaan halka ka cadaynayaa inuu Xisbiga Kulmiye caadaystay inuu mar kasta xubno shaqaale dawladeed ah uu xilal uga magacaabo Xisbiga dhexdiisa, iyada oo ay dhacday marar hore oo Xisbigu magacaabis kala duwan sameeyey.”

Wuxuu arrintan ku eedeeyay badhasaabka gobalka hawd oo uu sheegay inuu masuul ka yahay in shaqaale dawladeed loo magacaabo xilal xisbi siyaasadeed ah.

Mar uu Hay’adda Shaqaalaha ugu baaqayey in talaabo laga qaado xubnahan la magacaabay ayaa yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland inay talaabo ka qaadaan xubnahan shaqaalaha ah ee xilalka looga magacaabay xisbiga kulmiye, kuwaas oo aanu u aragno inay jabiyeen xeerkii shaqaalaha dawlada oo ka mamnuucaya inay ka mid noqdaan xisbiyada siyaasada.”