Waddani Iyo Guddiga Doorashada Oo Iska Laab-Xaadhay Mad-Madowgii Soo Dhex Galay

29
3320

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland iyo musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo wada jir warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay soo celiyeen wada shaqayntii isla markaasna la tirin doono codadkii shacbigu ay dhiibteen ee gobalka Maroodi-jeex gaar ahaan Gabilay iyo Hargeysa.

Labadan masuul ayaa sida oo kale ka hadlay buug ka mid ah waraaqihii codaynta oo soo galay gacanta xisbiga Waddani, waxaana shir jaraa’id oo ay kula hadleen xaruntka komishanka ugu horayntii ka hadlay guddoomiyaha komishanka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan shacab weynaha Somaliland 13/Nov/2017 xuquuqdooda dastuuriga ah qaatay ee codeeyay codayn xor iyo xalaalba ahayd. waxaanu baahinaynaa in musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo aniguba waxaanu ka soo baxnay shir noo socday laba maalmood waxaanu shacab weynaha u sheegaynaa inuu noogu soo dhamaaday jawi walaalnimo iyo saaxiibnimo oo si wanaagsan aanu isula afganay qodobadii aanu ka wada hadlaynay. Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiye Cabdiraxmaan oo lexejeclo badan ka leh qarankan tudhaalena u sameeyay qarankan ahna mudane mudan inaynu ku wada ixtiraamno darajada uu taagan yahay, hadaanu nahay komishanka qaranka Somaliland waxaanu uga mahadnaqaynaa shirkii aanu wada galnay labada maalmood sida uu noogu dulqaatay iyo sida ay uga muuqatay naxariista iyo tudhaalaha uu u tudhaayo dalkan iyo dadkanba, si degan oo waayo aragnimo leh.”
Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu yidhi”Buugii degmada Berbera oo ahaa buugii codaynta waanu ka shaafinay waanuna isla qaadanay waanu ka heshiinay, waanu u sharaxnay oo waa ay nala qaateen guddoomiyaha iyo madaxdii qiimaha lahayd ee la socotayba, waxa kale oo aanu ku heshiinay tirintii gobalka Marood-jeex gaar ahaan degmooyinka Gabilay iyo Hargeysa ay sidoodii u socdaan, shaqadiina way inoo soconaysaa.”
Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo dhankiisa warbaahinta la hadlaayay ayaa isaguna faah faahiyay waxyaabaha ay isla qaateen koomiishanka doorashooyinka “Waxaad ka warqabteen in xisbiga Waddani uu u sheegay shacabka in wada shaqayntii iyo muraaqibiintii ka joogtay xisbiga komishanka qaranka isaga oo markaas tabanaaya cabashooyin uu u soo gudbiyay komishanka qaranka inaan jawaab shaafi ah laga siinin, sidaas daraadeed komishanka waanu wada hadlaynay labadii cisho ee soo socday, waan u mahadnaqaynaa runtii dulqaadka ay muujiyeen waxaanu isla garanay oo ku soo gunaanadnay in la dhagaysto dalabyadii iyo codsiyadii xisbiga ee ku saabsanaa doorashada guud ahaan gobalka Maroodi-jeex degmada Gabiilay iyo ta Hargeysaba, gobalada kalena aanu qoraal ahaan ku gudbinay jawaabna aanu ka sugi doono komishanka insha allaah, waxaanu isla garanay inaanu soo celino wadashaqayntii si loo sii wado tirada guud.”
Musahrax Cirro oo hadalkiisa sii waxa uu yidhi”buugga soo galay gacanta xisbiga shacbigana aanu u soo bandhignay komishanku maalintii hore jawaabtay bixiyeena waad ogaydeen, laakiin waxay cadeeyeen inuu buugaasi ka mid ahaa buugtii ay iyagu lahaayeen ee ay uga talo galeen doorashada, waxaan u sheegayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga in codsiyadii komishanku ay qireen inay tixgalinayaan, hadday tahay Maroodi-jeex iyo guud ahaan dalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here