WADAN IYO WAX QABADKIISII INTAAN DIB ISKU WAYDIINO WAXOOGAA INTAAN FIIRINO IYO SUU WAKHTIGU YEELEY WIXII LEYSKU WADA WAAFAQO IYO WIXII ISWEYDAARSAN WAAN IN LEYS WAREYSTAA SIDUU WAAJIBKU YAHEY

0
1039

maqal2WADAN IYO WAX QABADKIISII INTAAN DIB ISKU WAYDIINO WAXOOGAA INTAAN FIIRINO IYO SUU WAKHTIGU YEELEY WIXII LEYSKU WADA WAAFAQO IYO WIXII ISWEYDAARSAN WAAN IN LEYS WAREYSTAA SIDUU WAAJIBKU YAHEY (Murtidii Dhoodaan) Anagoo isugu jirna waxgarad iyo xubno kale oo ka soo jeeda beelwaynta Arab waxaanu in mudo ah wax iska waydiiney wacyiga siyaasadeed ee ku gadaaman wadanka gaar ahaana beesha . waxaanu isla soo qaadney mudadii ayjirtay Somaliland gaar ahaan intii ay Xisbiyadu Jireen iyo Xisbiga dowlada maanta joogtaa ay ka dhisantay iyo kaalintaynu kulaheyn Guusheedii iy waxa aynu ka helney khasaare iyo faa'idaba inaynu iswaydiino. Bal hadaba aynu dib ujaleecno intii xisbiyada Somaliland la sameeyey beeshu waxay xoogeedii isugu gaysey Xisbiga KULMIYE oo ay ka dhexmuuqatey beel walaaleheena oo tirsaneysey cadaaladdaro kaga timi galbeedka Somaliland taasi waxay dhashey in dowladii Cigaal aynu dibada ka noqono oo sidaad lawada socotaan dhacdadii Sababtey in dowladii CIGAAL ay Saleebaan Gaal arintiisii TAANGIYO lagu wareejiyo Maatideenii Hargaysa ,sidoo kalena waxa inoo xigay in aynu dowladii Riyaale ay intii ku jirtay ay kulmiye uga dareertey oo taana la ogaa reerkaasi inuu dibada ka ahaa oo waliba ay uga go;day umadihii kale ee doonaayey inay wax wada qabsadaan.Isku soo wada duuboo waxa lasoo gaadhey 2010 kii waxa dhalatey dowladii ay beeshu sugaysey ee ay uga baxdey dowladii ka horeeyey. BAL MUXUU MICNEEYOO ITAREY MINISTARKAAN DOORTEY( (Murtidii Aadan Carab) Dowladaa beeshu Bursiimo ka sugayn balse cadaalad iyo wixii ay saami xaq ulaheyd ayuunbay sugaysey ,hadaba waxaynu kawada dharagsaney dowladani sida ay wax uqaybisey 2.5 ,hadaynu tusaale usoo qaadano markaad dowlada ka timaado kuwii ugu dambeeyey bal hadaba waxaad dhugataa gudii diwaan galinta ee wasiiradu ku jireen ee dhawaan Madaxweynuhu magaacaabey waxaad eegtaa sida loo qaybiyey ergooyinkii kulmiye qayb xumadani intanuun kuma koobna'e waa sida ay ku bixiso Qandaraasyada ,dhismaha ,waxbarashada ,shaqaalaha ,caafimaadka iyo wax kastoo dheefaba . HAGRASHADU MA FIICNEE HORSEED ADAG MA DIRANAA ARINKAAN HABOONEYN HAGAAG MOW TILMAAMNAA HOYGII XORIYADIYO HALKII UU KU HANO GALEY HORUMAR ISKADAAYOO INH HAL CEELA LAGA QADO NINKII KAA HORJOOGSADEY BIYO KAA HAGRANAYAA MUXUU KUU HIBAYN LAHAA sawir Hadaba dowladani markii ay timi waxa wadada ku soo jirey deeq ceelal ah oo ay dowladii Riyaale ay ka soo dhamaysey wadamadaa KHALIIJKA waxaana nasiib uyeeshey inay ku soo beeganto qodniinkeedu dowladan imika joogta. Baligubadle waxay ku jirtay mudnaanta 1aad ee dowladii Riyaale u qorshaysey inlaga fuliyo Biyo galintaa hadaba waxa amakaag iyo yaab ku noqotey duqaydii Baligubadle markii uu madaxweyne Siilaanyo Bookhdey Baligubadle wax ka yar todobaad markii ay ka hadhsanaayeen qodidii Ceelashu ee uu afka ka xidhay inuu ujawaabo Odayaasha su'aashii ahayd in lagu daro deeqdaa biyaha ee bilaabmaysa. Balhada cadaaladi haynoo dambeysee bal hagardaamooyinkii maxaynu kala kulaney ?. Foodkii dowladaa hoose iyo axsaabtu ay ku soo baxayeen ee 2012 dowladu waxay si badheedha dagaal ula galey xisbigii XAQSOOR ,Hargaysan kaalinta aynu kaga jirno oo aynaaan waligeen galin ayey midha heedii noqdeen imikiyo haatan waxa dhamaadey 4 sano mudo xileedkii dowlada waxaana lagu jiraa gabagabadii iyo udiyaar garowgii doorashada dambe. Hadaba waxa ceeb iyo layaab ah iyadoo ay taasi dhacdey inay dowladu ku soo dhiirato HANGOOLKII inoo doona hadhowna dibada lagaga hoyanaayo tani waa dowlad wadaaga iyo dowlad wanaaga uu kulmiye ina barey ,hadaba markaad dib u eegto gudida diwaangalinta ee uu imika magacaabey iyo ergooyinka KULMIYE ee 2.5 ka ah waxaa la diyaarinayaa boob lagu soo celiyo dowladan oo udhismi doonta sida loo dhisay gudiyadan iyo ergooyinkan . Guntii iyo gabagabadii waxa inoo taala ma taas aad aragtaan si guud iyo gaaraba dhibaatada ay keentey ayeynu soo celinaa ,mise waxaynu ka shaqeynaa oo aynu hormood ka noqonaa in la badbaadiyo wadanka? SHEYDAAN WALHANAYAA JIREE WALAFKA YAA OOGEY WARAAR HOOSE YAA QODAHAYOO GEEDAD SARE WAABEY YAA INTUU WADAAGII QAWADEY KALIGII WEEL MIISTEY WADO HURUMARLE AYEY SHEEGATEE YAA ISKA WEECDEY WADIIQADII SHARCIGA YAA DUWOO LUUQ WIDWIDA RAACEY WALAALOOBA WAATAAN MAQLEE WADA JIR YAA U DIIDEY CADAALADAN WAFAADEYSA YAA WAGERADKA USIIBEY QABIIL UU KA WAANTOOBA YIDHI YAA KU WALIMEYSTEY WAAYEEL LILAAHIYA YAA DUBAHA WEB KAGA SIIYEY QAYLAA WILANIYE YAA DADKII WIIDA KAGA SIIYEY SIDII WEYLO BAADIYA MAXAA KAGA WADHAACSIIYEY WARAABAHA QARSOON YAA NOQDOON RUUX WAJIGA MOODNEY WAHAABIGU RUN KUMA DHAARANINE YAA WALAHA JIIDHEY LAANTAN WIDHIIDHIGU DHEXGALEY YAA UXIDHEY WEER CAD Xidhiidhiyayaasha Doodan WAX ISWEYDIIN Rashiid Xasan Xirsi C/Samad Cali Ducaale Xasan Muxumed Abokor Dhamaad