Wadamada Khaliijka Oo Ku Heshiiyay Inay Is Nabadgeliyaan

0
777

Picture1Wasiirada Arrimada Dibada ee dalalka Khaliijka ayaa shir aan caadi ahayn oo ay khamisitii ku yeesheen garoonka diyaaradaha Militariga Sucuudiga ku leeyahay duleedka magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sucuudiga.

Shirkan ayaa lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka soo dhexgalay qaar kamid ah wadamada Khaliifja oo xiisad siyaasadeed ka dhex aloosantay bilihii lasoo dhaafay.

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso ayey dowladaha Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn xiriirkii diblumaasiyeed u jareen dowlada Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto dhaq dhaqaaqa Ikhwaan muslimiinka.

Xiisadan ayaa soo jiitameysay tan iyo intii uu xukunka dalka Masar qabtay Madaxweyne Maxamed Morsi oo ka tirsanaa ikhwaan Muslimiinka, waxaana la sheegaa in dowlada Qatar ay kaalin weyn ku lahayd taageerida Ikhwaanka Masar.

Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhankooda taageeray Militariga Masar ee xukunka ka tuuray Madaxweyne Maxamed Morsi.

Boqorka dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Ahmed Al Sabaax oo isku dayey inuu dhex dhexaadiyo Sucuudiga iyo Qatar oo loolan weyn ka dhaxeeyo ayaa isu keenay Boqorka Sucuudiga Cabdalla iyo Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad Al Thani, shirkaasi sadexda hogaamiye oo ka dhacay magaalada Riyaad bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay 2013.

Hase yeeshee xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Imaaraadka Carabta ay xabsiga dhigtay horaantii sanadkan Dhakhtar kasoo jeeda dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Ikhwaanka. Waxaana taasi xigtay dhaliilo uu Wadaadka Yusuf Qardaawi uu hawada u marayey dowlada Imaaraadka oo uu ku tilmaamay xukuumad aan Islaami ahayn.

Bishii March ayey sadexda wadan ee Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn sheegeen inay safiiradooda kala baxeen magaalada Doxa ee caasimada Qatar.

Kulankii khamisitii ka dhacay Airporka Militariga ee Riyaad ayey Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Khaliijka ku heshiiyeen in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ururkaasi aanay ku dhaqaaqin wax khal khal ku keeni kara amniga iyo madaxbnaanida wadanka kale oo xubin ka ah isla ururkaasi.

Heshiiskan saldhigiisu yahay in ay is nabad geliyaan wadamada Khaliijka ayaa ah tilaabadii ugu danbeysay ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada soo dhex gashay dowladaha Khaliijka oo saameyn ku yeelatay dagaalkii ka socday dalka Siiriya.