Wadaad Buudhiis Ah Oo Qirtay In Uu Gubay Muslimiinta Rohinja Iyo Sababta Uu Sheegay In Ay Ku Kalliftay

0
892

Raakhiin (Geeska)- Wadaad aaminsan diinta Buudhiiska oo u dhashay dalka Miyanmaar ayaa qirtay in uu ka qaybgalay xasuuqa bani’aadamnimada ka baxsan ee lagu hayo dadka muslimiinta ah ee ka soo jeeda qawmiyadda Rohinja ee dalkaas iyo gubista tuulayaashooda, isaga oo intaas ku daray in booliiska dalka laftiisuna ka caawinayey falalkan foosha xun.

Wariye ka tirsan shabakadda wararka ee BBC oo ku sugan dalka Miyanmaar ayaa helay qiraalka wadaadkan, mar isaga iyo hawlwadeenno la socday ay shaqo u tegeen degmada Maungdaw ee xasuuqa badani ka dhacay oo ku taalla gobalka Arakaan ee galbeedka Miyanmaar oo ay muslimiinta degaan.

Wariye Jonathan Hyde ayaa sawirro maqal iyo muuqaal ah oo kooban oo ay BBC Isniintii toddobaadkan ku faafisay barteeda barkulanka bulshada ee Twitterka ayaa muujinaya dambaska iyo dhuxusha ka hadhay guryo ay lahaayeen muslimiinta Rohinja oo la gubay. Wariye Hayde oo arrintan sii faahfaahinayana waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Aniga iyo warfidiyeenno kale ayaa ay xukuumadda Miyanmaar nagu martiqaadday in aanu soo aragno xaaladda Maungdaw, laakiin haddana dawladdu safarkayaga waxa ay ku xidhay shuruud ay ka mid tahay in aannaan gaar uga tegin masuuliyiinta iyo kooxaha nala socda, oo aan lanoo ogolayn in qof keli ahi gaarkiisa u socdo ama meel u taago, sida oo kale waxa aanu tagnay uun meelihii ay xukuumaddu noo ogolaatay in aanu tagno”

Wariyaha oo sii wada hadalkiisu waxa uu yidhi, “Markii aanu galnay mid ka mid ah tuulayaasha, waxa aanu aragnay koox dhalinyaro xoog ah oo sita soodhadh iyo baangeyaal, sida ka muuqatana u socday in ay tuulaha ka baxaan, waxa aanu isku daynay in aanu su’aalo weydiinno, laakiin waxa ay diideen in aanu sawirno. Mid ka mid ah raggii nala socday ee u dhashay Miyanmaar ayaa iyada oo aan la sawirayn weydiiyey waxa ay yihiin, waxa aanay ku jawaabeen in ay yihiin wadaaddo Buudhiyiin ah”  Wariye Hyde waxa uu sheegay in mid ka mid ah raggaas wadaaddada ahi uu u qirtay in uu dab qabadsiiyey tiro guryaha Rohinjaha ka mid ah, isaga oo weliba caawimo ka helaya booliiska.  Tuulayaasha kale ee uu wariyuhu indhihiisa ku soo arkay waxaa ka mid ah tuule lagu magacaabo Alae-Than-Kyaw, waxa uu koonfur ka xigaa degmada Maungdaw, waxa ay ku soo arkeen guryo markaas weli gubanaya , taas oo macnaheedu yahay in hortood oo waqti dhow ah uun la gubay, waxa uu Hyde sheegay in uu arkayey dugsi Qur’aan weli ololkii haysto oo iyaga oo indhaha ku arkaya isku dumay markii uu dabku wada gaadhay. Booliiska Miyanmaar ayaa ku andacoonaya in ay muslimiintu iyagu guryahooda gubayaan.

Qalabka guryaha, dhar dumar iyo qalabka carruurtu ku ciyaarto ayaa waddooyinka daadsan sida uu sheegay wariye Hyde waxa aanay taasi marag u tahay hadalka uu wadaadka Buudhiga ahi sheegay ee ah in si badheedh ah wadaaddo Buudhiyiin ah iyo maleeshiyo hubaysani ay beegsanayso muslimiinta Rohinja. “Tuulahan intii aannana ka bixinba gebi ahaantii dambas ayaa uu isu beddelay” ayaa uu yidhi wariyaha oo ka warramya tuulahan isaga oo gubanaya ay tageen. Isaga oo caddeeyey in aanay arag wax raad ah oo caddaynaya in tuulayaashan ay gubeen cid aan ahayn wadaaddada Buudhiyiinta ee ay ugu tagayeen iyo maleeshiyada dawladda taageersan.

Weli lama hayo tirokoob sugan oo muujinaya inta uu le’eg yahay khasaaraha soo gaadhay muslimiinta Rohinja iyo hantidooda, dhibaataduna weli waa ay sii socotaa oo khasaaruhu si laxaad leh ayaau u maalin kasta u kordhayaa, si kastaba ha ahaato ee wakaaladda wararka ee dalka Turkiga oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegaysa in in ay ogaatay, “71 kun 354 boqol oo qof oo Rohinja ahi ay dhinteen bilowgii xasuuqa illaa intii ka horreysay 6dii Sabtembar , 6 kun 541 kalana ay dhaawacmeen” dhinaca Kalana dadka qawmiyadda Rohinja ee ilaa hadda dhulkooda ka qaxay una gudbay dalka Bangaladhesh ayaa tiradooda lagu qiyaasay 370 kun oo qof.