Wada Hadaladii Xisbiyada U Socday Oo Sii Adkaaday Iyo Waddani & Faysal Oo Kala Qaaday Laba Waddo Oo Kala Duwan

0
1199

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wada hadalkii labaad ee doorashooyinka khilaafaadka ka taagan lagu xalinaayay.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ay doonayaan in aanay wax tanaasul ah ka samayn arimahii laysku hayay oo ay ugu horeeyaan in la kala diro komishanka doorashooyinka ee hadda, waxaana ay shaaciyeen in wada hadaladii ay istaageen, halka xisbiga Ucidna uu xisbiga Waddani ku dhaliilay in aanu doonayn in dalka doorasho ka dhacdo.

Ugu horayntii Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ku hadlaayay afka xisbiga Waddani ayaa sheegay sidii wax u dhaceen “Saddex bilood ku dhawaad kadib ayaa ergooyin u kala dab qaaday saddexda xisbi laysla qatay ama lagu wargaliyay xisbiga Waddani in mar labaad gogasha uu fidiyay madaxweynuu taas buu qaatay xisbiga Waddani in uu mar labaad la eego waxa laysula yimi, waxa soo baxday In gogol doorkan uu madaxweynuu fidiyay iyo mid Kulmiye fidiyay midna aanay jirine halkii hore ee lagu kala tagay arin taagan uun in laga anba qaado, yaa hadalka u baxaaya uunbaa lays waydiiyay, waana arin u taala saddexdii xisbi halkii laga sugaayay in uu doorkan la soo noqdo labadii arin ee loo soo jeediyay inuu mid uun wax ogolaansho ah ka bixiyo isaga ayaa diidaye oo uu midnaba ka kacay halkii laga eegayay waxa ay noqotay in aanu isagu noqon ka gogasha fidiyay wada hadaladuna ay ka soo baxeen ergooyinkii u kala dab qaadayay uun.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Markii la wada hadlay labadii arin ee xisbiga Waddani shardiga u ahaa ee ahaa doorashooyinka danbe ahaa inuu komishan cusubi inoo qabto, komishankaasina ay soo xulustiisa ay xisbiyadu u siman yihiin labadii arin midnaba in aanay ka keenin wax ogolaansho ah iyo wax tanaasul ah xisbigii Kulmiye iyo doorkan xisbiga Ucid oo kula socdaaba, markaas labadii xisbi waxay la yimaadeen doorashadana komishankii hore sidii haw qabto sida loo soo xulaana sidii ha ahaato, doorashooyinka danbe uun in laba xubnood oo uu la tagey xisbiga Ucid in lagu daro. Afar sanadood oo danbe ayuunbaynu ka wadahadali karnaa in komishanka wax laga badalo iyo in la badaloba waxay noqotay taasi wax aan u cuntamayn xisbiga Waddani halkaas ayay arintii istaagtay in aanu umadda u cadayno ayayna waajib nagu noqotay in aan doorashada soo socota komishankii qaban lahaa iyo tiradiisa aan midnaba looga tanaasulin, waxaan kale oo aan intaas ku darayaa in qabashada doorashooyinka madaxweynaha xil weyn ayaa ka saaran oo aan ka saarnayan guddoomiyayaasha xisbiyada kale.”

Ugu danbayntii xisbigu waxa uu ku dhawaaqay go’aankooda “Xishiga Waddani 500 oo dhadhaw oo musharax oo dalka oo dhan ah qaadi kari maayo masuuliyada komishan aanu ku kalsoonayn, uqaadi maayo in lagu galo komishankii hore ee uu eedaymaha ka keenay ee uu soo codsaday in la soo badalo inay doorkana qaadaan masuuliyadaa xisbiga Waddani qaadi maayo, arintii inay gashay ismari waa oo xalkeeda laga sugaayay madaxtooyada maadaama oo gogol cusub oo danbe laysugu yeedhay uqaadan waabay nagu noqotay in halkii baanu taaganahaye maxaad haysaan uun nalala hor yimaado.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa isaguna dhaliilay xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in xisbigaasi aanu doorasho doonayn inay dalka ka dhacdo“Maanta waxaanu ku heshiinay in aan la hadlin oo wali waa ay socdaan wadahadaladii soo seexda iyo aan isku soo seexano ayay ahayd laakiin waxan idiin sheegayaa Ucid ahaan anagu ajande ayaanu keenay oo labada qoloba waa ay na diideen, hadana waa laysku soo noqday waxaanu u sheegnay ajandaa cidii naga ogolaata ayaanu taageeraynaa, anaga ajandahayaguna waxa weeye in ay doorasho dhacdo 2019 haday doorasho dhici waydana Somaliland mugdi ayay galaysaa.”

Guddoomiye Faysal oo ka hadlaayay sida uu xisbiga Waddani u arko waxa yidhi“Xisbigayagu waxa uu leeyahay mawqif oo danta qaranka ayaanu taayada ka horaysiinaa laakiin hadaan runta idiin sheego Waddani waxa uu wataa ajande aan Somaliland ahayn, in aanay dalka doorasho ka dhicin ayuu wataa waxa ku jira shaqsiyaad aanu ognahay meeshay ku jiraan  markaas waxaanu isku dhaaranayanaa in doorasho dhacdo iyo in aanay dhicin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here