Wada Hadaladii Xisbiyada Oo Shalay Qabsoomay, Laguna Soo Gunaanaday In Arbacda Dambe La Is Arko

0
1178

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay furmay wada hadaladii u dhexeeyay xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga KULMIYE iyo xukumadda talada haysa.

Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn ayaa waxa ay dhinacyadu iskaga waraysteen xaaladaha siyaasadeed ee taagan iyo sida xal loogu heli karo, gaar ahaan sida ay doorashada baarlamaanku u qabsoomi karto sannadka 2019 oo ay hore Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyadu isula garteen.

Dhinac waliba wuxuu soo bandhigay aragtida uu aaminsanyahay iyo jidka uu u arko in lagaga bixi karo ismari-waaga siyaasadeed iyo sida ay doorasho la isku raacsanyahay u qabsoomi karto.

Ugu dambayn waxa ay dhinacyadu isla garteen in kulan dambe la isugu yimaado Arbacada toddobaadka dambe, kaas oo noqday qodobka keliya ee la isla gartay. Kulankaas ayaa lagu sii ambo qaadi doonaa wada hadaladan.

Kulanka waxa aan dhex joogin dhinacyadii dhexdhexaadinayay, ka dib markii ay xisbiyada qaarkood dalbadeen inaanay ciddi dhex joogin.

KULMIYE, waxa uga qayb galay kulankan madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiye-xigeenka xisbiga Axmed Cabdi-dheere, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Cabdikariin Xinif.

Waddani, waxa uga qayb galay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, Xoghaye-xigeenka Jamaal Jaamac Xaamud, Cabdillaahi Daamur  iyo Cabdiqaadir Iidle.

Xisbiga UCID waxa iyaguna kulanka uga qayb galay Xoghayaha guud ee UCID Axmed Xirsi Ducaale, ku-xigeenka xoghayaha guud Cabdinaasir Qodox, Guddoomiye-xigeenka 1aad Cabdinaasir Buuni, xoghayaha arrimaha gudaha Maxamuud Saleban Ramaax iyo Maxamed Galool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here