Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo U Muuqda Inay God Dheer Ku Dhaceen Iyo Dawlado Doonaya Inay U Kala Dab Qaadaan Biixi Iyo Farmaajo

26
3992

Hargeysa(Geeska)-Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee qorshaysnaa in marka hore daah-fur loogu sameeyo dalka Djibouti, ayaa u muuqda inay god dheer ku dhaceen, ka dib markii ay labada wadan soo kala dhex gashay khilaafka DP world ee maalgashiga dekedda Berbera.

Wada hadalada oo uu wejiga koowaad la filayay inuu dhexdhexaadiye ka noqdo madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ka dib markii ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo isla qaateen in Djibouti noqoto dalka daah-furaya dib u bilaabista wada hadalada, ayaan hadda suurtogal u muuqan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbadiisii uu Axadii u jeediyay labada gole baarlamaan, wuxuu markii u horaysay ku xaqiijiyay in Somaliland joojisay wada hadaladaas “Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey inay bilaabmaan 19-kii bishan March 2018-ka, waanu joojinay. Sababta oo ah xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey qarannimaddeena.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Hadalkan Madaxweyne Biixi, wuxuu sii fogaynayaa in wada hadaladu xataa wakhti dhow bilaabmaan marka loo eego goobta uu kaga hadlay iyo weliba sababta uu ku xidhiidhiyay joojinta wada hadaladaas.

Dawladda Soomaaliya iyo Madaxweynahooda Mr. Farmaajo inkastoo aanay ka hadal wada hadalada,  haddana waxay u muuqdaan kuwo aan jeclayn inay wada  hadaladu istaagaan, laakiin inkastoo ay jecelyihiin in wada hadaladu bilaabmaan haddana hadaladii ay ka yidhaahdeen Farmaajo iyo Raysalwasaarihiisa Mr. Khayre heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera, ayaa ah kuwa sababay fashilka ku yimid kulanka madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya oo qorshaysnaa inay Djibouti isku arkaan 19 March.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo uu dalkiisu ka martigelinayay kulansiinta labada madaxweyne ee Biixi iyo Farmaajo ayaan isna ka hadal weli hakadka ku yimid wada hadaladan oo uu gogol xaadh shilis u sii sameeyay. Dalka Djibouti waxa isna saameeyay xiisada sababtay inay wada hadaladu hakadaan oo ah heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera oo ay qayb muhiim ah ka tahay shirkadda DP world oo ay Djibouti ka baxday heshiis ay kula jirtay.

Laakiin waxa jira dawlado reer Yurub ah oo dedaal ugu jira inay isu soo dhaweeyaan labada fikir ee kala fogaaday ee Madaxweyne Biixi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Dawladahan oo markii horeba aan jeclayn in Djibouti noqoto xudunta ay ku kulmayaan labada madaxweyne, ayaa la sheegay inay doonayaan inay marka hore sugaan inta uu degayo dareenka siyaasadeed ee sababay wada hadalada baaqday, ka dibna ay bilaabaan inay u kala dab qaadaan labada madaxweyne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here