Wada Hadaladii Falastiin Iyo Israa’iil Oo Meel Cidhiidhi Ah Galay

0
650

Picture2Dadaalkii ugu dambeeyay ee uu Maraykanka ku doonayo, sii socoshada wadahadalka nabada ee Bariga Dhexe ayaa guul dareystay, kaddib markii ay Israel iyo Falastiiniyiinta diideen in uu sii socdo wada xaajoodka u dhexeeya.

Tan ayaa ka dambeeysay markii ay Israel diiday sii deynta maxaabiis Falastiiniyiin ah, isla markaana ay qaadacday dowlad wadaag ah oo ay Falastiiniyiinta yeeshaan, taasoo uu qeyb ka yahay ururka Islaamiga ah ee Xamas.

Wadahadalada socon waayay ayaa dhabar jab ku ah, xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka, John Kerry, oo saacado badan iyo taag siyaasadeedba ku bixiyay si ay labada dhinac heshiis u gaaraan.

Mr Kerry ayaa ka xun deegaannada cusub ee ay Israel ka sii dhisayso dhulka Falastiiniyiinta, iyo isku dayga ay Falastiiniyiinta ku samaysanayaan dowlad wadaag ah oo ay Xamas qeyb ka tahay.

Balse Mr Kerry ayaanan weli qirin in uu wada xaajoodka guul dareystay, taa badalkeedana waxaa uu sheegay in ay hakad galeen.

Waxay u badan tahay in Maraykanka uu xaaladda darso intii muddo ahba, isaga oo sii wadaya cadaadiskiisa dhanka siyaasada ah si ay dib ugu bilowdaan wadahadalada.

Hasayeeshee qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ayaa ku doodaya in la joogo, xilligii uu Maraykanka si cad usoo bandhigi lahaa qorshaha xalka labada dal uuna u dhaqan gelin lahaa.

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Carabta ayaa taageersan dadaalka Mr Kerry, iyaga oo aaminsan in Maraykanka uu awood u leeyahay nabad ka dhalinta gobolka Bariga Dhexe.

Falastiiniyiinta ayaa dhowaan dib u soo celiyay dadaal ay arrintooda ugu gudbinayaan Qaramada Midoobay, si ay u ilaalsadaan dhulka laga haysto.

Hase yeeshe Maamulka Isra’iil ayaa si weyn uga cadhooday hadalo kasoo yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry oo sheegay in Isra’iil ay kusii socoto wadadii Dowladii Cunsuriga ee (Apartheidka).

Hadaladan ayaa la sheegay inuu John Kerry ku sheegay khudbad uu ka jeedinayey shir uu ka qeyb galay Jimcihii lasoo dhaafay, balse John Kerry ayaa sheegay inuu isticmaalay eray khaldan ee “Apartheid” isla markaana aanu ka wadin in Isra’iil ay tahay dowlad cunsuri ah.