Wacdaraha Ololaha Doorashada Iyo Waxyaabaha Ay Saaxadda Ku Soo Kordhiyeen Saddexda Murashax Ee Faysal, Muuse Iyo Cirro

34
2931

Hargeysa(Geeska)- Waxaa maanta bilaabmaya wareegii u dambeeyay ee ololaha doorashada xisbiyada qaranka. Xisbiga UCID ayaa maanta u tahay maalintii 7aad ee ololaha doorashada oo ah maalintiisii u dambaysay, halka uu KULMIYE, khamiista beri isna u leeyahay, Waddanina uu ololaha soo gunaanadi doona Jimcaha toddobaadkan.

13 November oo ah Isniinta toddobaadka bilaabmaya waxa ay shacabka Somaliland u dareeri doonaan codaynta doorashada madaxtooyada oo ay muddo dheer sugayeen. Muwaadiniin tiradoodu tahay 704,089 ayaa lagu wadaa in ay u dareeri doona goobaha cod bixinta oo dhan 1,642 goobood oo dalkoo dhan ah.

Muwaadiniintan oo ah kuwa kaadhka codaynta qaatay ayaa kala dooranaya saddexda murashax madaxweyne  ee kala ah Md. Faysal Cali Waraabe oo metelaya xisbiga UCID, Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo u ordaya xisbiga Waddani.

Xisbiga KULMIYE iyo murashaxiisa Muuse Biixi Cabdi, waxa ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaan sidii uu KULMIYE ugu sii fadhiyi lahaa kursiga talada qaranka islamarkaana uu ugu guulaysan lahaa doorashadan.

Laakiin xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo murashxiisa Cabdiraxmaan-cirro ayaa halgan ugu jira sidii ay KULMIYE uga qaadi lahaayeen talada dalka, iyaguna u noqon lahaayeen xisbiga hoggaamin doona talada Somaliland shanta sannadood ee soo socda. Labadan xisbi waxa ka dhexeeya tartan wejiyo badan oo siyaasi ah.

Faysal Cali Waraabe iyo xisbiga UCID oo ay doorashadan madaxtooyadu u tahay doorashadii saddexaad ee ay ka qayb galaan, ayaa wuxuu doonayaa in doorkani noqdo doorkii Faysal Cali Waraabe iyo xisbiga UCID ay shacabku u dooran lahaayeen talada dalka.

Maxaa saaxadda ku cusbaa?

Waddani

Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa mudadaas uu ololaha doorashadu socday wuxuu u muuqday nin si toos ah u abaaraya ninka uu tartanka adagi ka dhexeeyo ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Ka sokow weerarada ay hawada isu marinayaan wuxuu Cirro saaxadda keenay kelmada “Bedeluu” oo uu curinteeda lahaa siyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan. Kelmadan ayaa noqotay mid ka mid ah halhaysyada ugu badan ee ay taageerayaasha labada xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu mariyaan.

Cirro waxa kale oo uu mudadii ololuhu socday soo hadal qaaday dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, , waxaanu dagaaladaas sokeeye ku eedeeyay Murashax Muuse Biixi Cabdi.  Laakiin shacabku muu jeclaysan dib u milicsiga dagaaladaas sokeeye.

KULMIYE

Murashaxa xisbiga KULMIYE, wuxuu isaguna murashaxa Waddani kala sinnaa weerarada siyaasadeed ee uu ku qaaday Mr. Cirro oo uu u arko inuu yahay ninka uu tartanka rasmiga ahi ka dhexeeyo.  Muuse Biixi wuxuu saxaafadda ku soo kordhiyey mudadii uu ololuhu socday halkudhegga caanka ah ee  taageereyaashiisu aadka u isticmaalaan ee ‘Horaa Loo Soconayaa’

waxaa iyaduna ol’olaha murashax Muuse ku cusbaa dhacdada dad badan dareenkooda soo jeedisay ee ahayd in murashaxa hooyadii marwo Cadar Muxumed Warsame ay ka soo qayb gashay mid ka mid ah isu soo baxyada KULMIYE ku qabtay beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ka qayb galka ololaha ee hooyo Cadar ku fasiray gantaal siyaasadeed oo uu Muuse Biixi ganay oo uu ragga kale dheeryahay.

Muuse, waxa kale oo uu isaguna Murashax Cirro ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay dawladda Somaliya islamarkaana uu aaminsanyahay mabda’a aragtida Somaliweyn. Laakiin shacabka ayaan jeclaysan eedaynta Muuse Biixi iyo in murashax madaxweyne Somaliland ah lagu eedeeyo “Soomaaliya”.

Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe, wuxuu saaxadda keenay murashax madaxweyne-xigeen oo ka soo jeeda gobalka Sool, waana markii u horaysay ee la arko murashax madaxweyne-xigeen oo reer Sool ah oo ka qayb galaya tartanka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hano qaaday. Faysal Cali Waraabe, wuxuu aaminsanyahay aragti ah inuu Muuse iyo Cirro labadaba kaga wanaagsanyahay kagana haboonyahay hoggaaminta qaranka Somaliland, maadaama oo ay labadooduba soo qabteen xilal qaran wakhtiyo kala duwan.

Murashax Faysal Cali Waraabe waxa uu isaguna saaxadda tartanka ku soo kordhiyey ereyga uu aadka ugu celceliyo ee ah ‘Doorkani waa doorkii UCID’

Waxa kale oo uu labada xisbi kaga duwanaa in uu ol’olihiisu ka deggenaa maalmo ka mid ahna ku beddelay in uu dadka danyarta ah caawiyo.

Hase yeeshee shacabka ayaa la eegayaa bal inay qaataan aragtida Faysal oo ay u doortaan hoggaaminta Somaliland iyo inay markii saddexaad ka diidaan afkaartiisa siyaasadeed oo ay Muuse ama Cirro midkood u doortaan inuu noqdo madaxweynaha Somaliland.

Gunaanad

Waxaa xusid mudan in labada halkudheg ee ay aadka u isticmaaleen murashaxiinta iyo taageerayaasha WADDANI iyo KULMIYE ay labaduba yihiin kuwo hore looga isticmaalay doorashooyinka madaxtinimada ee dalka Maraykanka, ‘Beddeluu’ oo ah kelmad afka carabiga ah oo afsoomaali ku noqonaysa ‘Beddela’ ayaa ku macne dhow kelmadda ‘CHANGE’ oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama sannadkii 2008 halkudheg uga dhigay ol’olihiisii adkaa ee uu u maray guushii

madaxweynenimada, halka kemadda kale ee ‘Horaa Loo Soconayaa’ oo ah kelmad afsoomaali ahi ay u dhiganto kelmadda afka ingiriisiga ee ‘FORWARD’ oo iyaduna ah ereygii uu isla madaxweyne Obama halkudhegga ka dhigtay xilligii uu ku jiray ol’olihii doorashadii uu markii labaad u soo galay kursiga Guriga Cad.

Si kastaba ha ahaato e’ lama oga labada erey ee labaduba guusha tilmaamaya midkooda tafaaful fiican u noqon doona murshaxa hal-hayska ka dhigta.

Maalmo ka dib waxa ay Somaliland dooran doontaa hoggaamiye cusub oo midka uu doono ha noqdee ay shacabka Somalialnd aaminsanyihiin inuu noqonayo madaxweyne ay shacabku baahi u qabaan marka la eego dabaca ku yimid nidaamka muddadii uu xilka hayey madaxweyne Siilaanyo iyo weliba jaahwareerka maamul ee bilihii u dambeeyey soo shaacbaxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here