“Waar Maanta Waxa Lagu Kala Bixi La’ Yahay 39 Iyo 38 Oo Baarlamaanka Ah, Waar Dhalinyarooy; Doorashaa Inagu Soo Socota”

0
730

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenkii labaad ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay inay isha ku hayaan doorashada madaxtooyada oo ay ka dheeraadaan wax kasta oo umadda kala fogaynaya.

Mujaahidka oo shalay hadal ka jeediyay madal lagu xusayay maalinta dhallinyarada dunida oo Hargeysa lagu qabtay, wuxuu walaac ka muujiyay is-mariwaaga ka dhex taagan golaha wakiilada oo tusaale u noqon kara natiijada doorashada madaxtooyada ee November, waxase uu dhallinyarada ku waaniyay inay ka dheeraadaan inay dhagaystaan nin siyaasi ah “Waar maalin uun hadaad isku daydaan inaad soo baxdaan aad tidhaahdaan waar nabagelyadayada noo ilaaliya, xisbiyadoow  si wanaagsan u tartama, waar dadka hakala fogaynin oo wax mid ah oo qaranimo ah aad isugu timaadaan weli mala arkay.” ayuu yidhi Mujaahidka oo ay dhallinyaradu aad sacabka ugu tuntay hadaladiisa, waxaanu intaas raaciyay “Waar maanta waxa lagu kala bixi la’ yahay 39 iyo 38 oo tii baarlamaanka ah, waar doorashaa inagu soo socota, Alle waxaan inooga baryayaa in si hufan loogu kala baxo, laakiin waxa loo baahanayahay wacyigelinta, kuwa hadhow la soo kaxaysanayo  ee la odhanayo reer hebeloow waa idinka, kuwa qoryaha loo dhiibayaa waa idinka, waar kaalintiina garta, na qabta waxaad tidhaahdaan mustaqbalkayagii ayaa ku jira ee naga jooga, kaalintiinii waa taas. Waar isha ku haya qaranimada oo waa inaad qaranimada wax kasta ka horaysiisaan.”