Waa Tan Sababta Uu Sirdoonka Maraykan Uga Cabsi Qabo In Donald Trump Uu Ku Guulaysto Madaxnimada

0
577

Washington (Geeska)- Qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee sirdoonka ayaa qarsan kari waayey warwarka weyn ee ay ka qabaan sal-fudaydka ninka xisbiga jamhuuriga ee dalka Maraykanka ugu tartamaya murashaxnimada madaxweynaha, Donald Trump.

1

Masuuliyiintan ayaa sheegaya in sal-fudaydka Trump iyo hadallada ka dhacdhacayaa ay khatar ku yihiin amniga qaranka, waxa se’ ay sheegeen in sida uu dhigayo sharciga doorashooyinka ee Maraykanku, ay diyaar u yihiin in ay Trump la socodsiiyaan xogaha sirdoon ee hadba jira. Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya in islamarka uu qofku ku guulaysto murashaxnimada xisbigiisa dhexdiisa ah, ay waajib noqonayso in iyada oo aan doorashadiiba la gaadhin la tuso xogaha qaran ee sharcigu ogol yahay. Laakiin haddana Siiddeed ka mid ah masuuliyiinta waaweyn ee sirdoonka oo dalbaday in aan magacyadooda la sheegin ayaa sheegay in ay cabsi badan ka qabaan macluumaadka khuseeya amniga qaranka oo ah xogta xasaasiga ah ee la tusi doono murashax Donald Trump, iyaga oo hoosta ka xariiqay in hab-dhaqankiisa dhac-dhaca dhinaca hadalku uu yahay mid aan la saadaalin karin, gaar ahaan xilliga lagu jiro ol’olaha doorashada oo sida looga bartay uu si sahal ah iskaga yidhaahdo, arrimo haddii ay doonaan sir ahaa.

In kasta oo ay jirto cabsidaa uu sirdoonka Maraykanku ka qabo in Trump ay si sahal ah uga baxaan xogahaas sirdoon ee loo sheegayaa, haddana waxa uu sirdoonku xaqiijiyey in sirtaas oo weliba ah sir culus, aanay ka joojin doonin doonin murashax Trump iyaga oo ka cabsi qaba in ay si uun u jebinayso dhexdhexaadnimadii looga baahnaa haayaddu in ay ku qaabisho murashaxiinta oo dhan

Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in maadaama oo Trump aanu lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed oo dhinaca dibadda ah, isla markaana dabeecad ahaan yahay nin is rog-rog badan, iyo weliba iyada oo ay yar tahay xogta laga hayo la’taliyeyaashiisa siyaasadda arrimaha dibadda.

Dhinaca kalana masuul sare oo ka tirsan amniga Maraykanka, oo magaciisa qariyey ayaa isaga oo isla arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Dadkii didmo iyo cabsi badan ayaa gashay” waxa aanu intaas ku sii daray, in masuuliyiinta sirdoonka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, iyo kuwa amniga qarankuba ay illaa hadda ku jiraa badhitaan ay ku eegayaan qofka loogu kalsoonaan karo ee ku jira kooxda la shaqaynaysa Trump si loo aaamini karo oo xogtan loogu sheegi karo, “Yaa kalsooni mudan oo ka mid ah kooxda Trump” ayaa uu sheegay in la is weydiinayo. Isaga oo intaas ku sii, “Xaalad noocan ahi abid nama ay soo marin”

Masuuliyiinta ku jirta ol’olaha Trump ayaa diiday in ay wax faallo ah ka bixiyaan hadalkan, masuuliyiin kalana waa ay fududaysteen cabsidaas, iyaga oo sheegay in xogta caadi ahaan sirdoonku siiyo murashaxiintu ay tahay mid aan illaa xad sir sii ahayn, oo inta badan bixinaysa uun aragti guud oo la xidhiidha arrimaha amniga qarranka, “kuma jiraan siro dawladeed oo xasaasi ahi”

Clinton oo sheegtay in Trump aanu u qalmin in loo dhiibo furayaasha sirta ah ee Nukliyeerka:

Murashaxa xisbiga dimuqraaddiga ah ee Maraykanka Hilary Clinton ayaa mar ay khamiistii hore isla arrintan ka hadashay waxa sheegtay in ninka ay kursiga madaxnimada Maraykanka ku tartamayaan Donald Trump aanu ahayn qofkii lagu aamini kari lahaa furayaasha sirta ah ee loo adeegsado isticmaalka Nukliyeera Maraykanka oo gacanta ku haya inkasta.

Clinton oo hadal ka jeedisay magaalada San Diego oo ka tirsan gobalka California, waxa aanay weerar culus oo afka ah ku qaaday Trump. “Trump ma’aha qofka ku habboon in loo dhiibo furaaysha sirta ah ee Nukiyeerka” ayaa ay tidhi Hillary Clinton oo intaas ku sii dartay, “In Donald Trump aynu u dooranno taliyaheenna guud ee ciidamada, waxa ay noqonaysaa khalad taarikhi ah. Uma qalmo in loo dhiibo xil ay u baahan aqoon, deggenaanshiyo, iyo dareen feejigan oo masuuliyadeed” Clinton oo sida muuqata ka faa’idaysanaysa dareenka shaki ee amniga Maraykanku uu ka qabo shakhsiyadda Donald Trump ayaa iyada oo weli sii wadda hadalka tidhi, “Xitaa haddii aanan anigu murashaxad ahayn, waxa aan samayn lahaa wax kasta oo aan is leeyahay waxa ay suurtogelinayaan in Trump aanu madaxweyne ka noqon dalka Maraykanka, waayo waxa aan ku qanacsanahay in uu dalka u jihayn doono waddo khatar badan”

Laakiin Clinton qudheedu kama ay samato bixin dareenka shaki ee ay haayadaha ammaanka Maraykan qabaan, waxa aana jira masuuliyiin badan oo hore iyo kuwo imika jooga oo sheegaya in fadeexaddii la xidhiidhay farriimihii shaqada ee Hilary Clinton ay ku isticmaashay sanduuqeeda internet ka (Email) ee gaarka ahi uu warwar aad u weyn ku beertay masuuliyiinta ammaanka oo ka shaki qaba sida ay ula macamaili doonto xogta qaranka ee la daalacsiiyo marka ay murashax rasmi ah noqoto. Iyada oo dhinaca kalana la og yahay in Hillary Clinton ay imikaba baadhitaanno kaga socdaan wakaaladda baadhista dembiyada ee FBI, kuwaas oo la xidhiidha sababta ku kallintay in E-mail keeda gaarka ah ay ku isticmaasho hawlo shaqada qaranka khuseeya, xilligaas oo ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda.