Waa Tallaabo Habboon:-Qalinka: Boobe yuusuf Ducaale –

21
4606

Picture2Bisinka….iyo Tabaaragga. Salaasadii oo ay bishan Oktoobar ahayd 1da, 2013ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhoofay wefdi uu hoggaaminayay Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo oo booqasho ugu baxay dalal uu ugu horreeyo Turkigu. Safar salaama aan nidhaahno, in kasta oo laga yaabo in aanu inaga siisanba.

Alooskii iyo agaasinkii safarrada xukuumadda wax baa iska beddelay, in kasta oo aanay waxba iska beddelin jidadkii la xidhayay iyo ciidammadii dariiqyada lagu saydhinayay iyaga oo safradaysan oo surmiyay oo marka uu dhoofo iyaga oo aanay nafiba ka sarrayn meelahaa lagaga tegi jiray. Goor duhurkii ah aniga oo dariiqaa Cabbaye ka sii baxaya ayaan saddex askari oo qoryahoodii sita oo ay ka bes tahay sii qaaday. Markii ay deegayeen, ayuu mid intuu albaabkii aayar ii xidhay igu yidhi: “Ninkii baa maanta nagu soo baxay oo nafiba naguma jirto.” Taas wax iskama beddelin.

Dariiqyadii la xidhayayna waxba iskama beddelin oo jiq ayaa la isku noqday. Madaxweynaha ayaa odhanayaa waan baxayaa. Mid baas oo kuwa xilalka u haya ka mid ah ayaa la hadlaya bilayska oo ku odhanaya saacad ka hor dariiqyada xidha. Qofba qof ayuu iyada oo aan la is-ogeyn la hadlayaa oo ku odhanayaa dariiqyada xidha. Markaasaa ninba waqti ku darsanayaa. Iyada oo adiga lagu celinayo ayaa laga yaabaa in haadka kale iska socdo oo aan cidna la celin. Hadba waa qofka ku hor taagani sida uu damco ama dareenkiisu faro. Waa dhaqan laga dhaxlay nidaamkii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo aan hortii jiri jirin.

Ka rog oo haddana saar. Haddana xukuumaddu, si ay ugu dhalatay garan meyno e’, tallaabo wanaagsan oo loo bogo ayay qaadday doorkan. Haa xafiisyada oo dahmi waa haawanayeen oo xaggaa iyo madaarka ayaa la siku qaaday. Laakiin, wefdi kooban ayaa baxay. Waxa igu maqaale ah: Madaxweynaha, Marwada 1aad iyo saddex Wasiir. Bravo! Hambalyo aan nidhaahno bal hadda markan. Haddii ay sii wadaanna weliba sacabka ayaynu u tumi doonnaa.

Maxaa haddaba meeshii ka baxay? Waxa ka baxay gacan-mariskii, Caafimaad-taggii, Arrad-baxii, Qoys-abaabulkii iyo qolo-ururintii, Caydha-quudkii, Dhoof-ku-faankii, Qaran-jabkii, Habqankii iyo hormo-qamaamkii.

Intii nidaamkan Siilaanyo hoggaanka ka yahay yimid, waxa lumay milgihii dawladnimo iyo karaamadii ummadda iyo qarankuba lahaayeen. Bal ka warrama wixii Feeberweri 2012kii ka dhacay London-tegiddii. Xataa waxa la sheegayay qaar aan tegin oo aan Fiiseba helin oo lacagtii iska qaatay. Kuwaasaa ugu roonaa. Londontu, iyadu rogmad ayaabay ku dhowdahay belaayada magac xukuumadda ku tegaysa ee khaatiga laga joogo ee dadkii marti-gelinta, sooryo-doonka iyo la-seexadka ku dilay. Xataa waxa la sheegayay qaar saluugay sooryadii oo yidhi: “ma anigaa sooryo-quudheeddan la ii keenay.’ Iyaga iyo allahood.

Ma tii koonfurta Soodaan ka dhacday iyo tiradii xad-dhaafka ahayd ee lagu tegay. Xataa Jabhad ayaan sidaa u dhaqanteen? Ma geeridii Dhoodaan iyo habqankii tegay ee wefdiga sheeganayay? Ma ta Jabuuti iyo Kililka sida joogtada ah uga dhacda oo weliba ay mararka qaarkood yidhaahdaan: “Borotokoolkii ayaa nala socda.” Hadda waa dad habaqle ah oo aan Borotokoolba hore u arag oo aan garanayn wax la xeeriyo.

Doorkan maanta ah, tallaabadan cusub ee ay xukuumaddu qaadday aan ku hambalyayno, haddii ay sii waddana aan u sed kordhinno.

Alleylehe, maanta ayay dheg iyo dhabanba xeeriyeen oo ay ka dhaqaaqeen dan-la-roortii iyo intii aan dal iyo dad midnaba u danaynayn ee dalqada indhaha ku lahayd. Bal ka warrama dad aan af Soomaaligiiba si wanaagsan u qorayn oo haddana ku odhanaya wefdi ayaanu u baxaynaa. Ma in makhaayado, mefrishyo iyo dukaammo loo baxayo ayay moodayaan.

Dee waa tii Xukuumaddu nagu haysatay waxa wanaagsan ma arkaan e’, bal tanba ha naga guddoomaan oo ha kaga dhabeeyaan qudhaanjo iyo dhibiijaba ha ku quustaan e’. Caloolaa ba’ay miyaa la odhan jiray. Dar baaba la sheegayay dhoofkuba ka ahaa, Madaxweyne la ag joogsado  iyo dad lagu yidhaahdo marka la soo noqdo: “telefishanka ma iga daawanaysay? Ka warran suudhkii aan xidhnaa? Mid Ina boqor ah ayaa hadyad ii siiyay? Sow sawirka kuma aan soo bixin? Weliba hebel ayaan ka xishooday e’, Madaxweynuhu wuxu iga codsaday in aan dhinaca midig ka soo joogsado. Joogsi oo keliya ma aha e’, weliba in aan ku xigo.”

Kol haddii maanta la reebay oo loo quus-gooyay, Hambalyo. Mid baa halkan iga leh magacyadooda noo sheeg.

Cabdi Iidaan Faarax, ayaa laga guntay:

‘Anigu daaha kama rogin,

 Dadku se waa yaqaannaa,”

Ha beenaan.  

Comments are closed.