“Waa Muhiim In Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Loo Indho Badsado Oo Wadamo Badan Ay Goob-joog Ka Ahaadan”

0
923

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee  Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Geeska,kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn yidhi “Heerkaynu maanta joogno, iskamaynu gaadhin, ee weynu u soo samirnay, xaalad kasta iyo duruuf kasta weynu kala soo dabaalanay, alxamdulilaah maantana meel wanaagsan baynu joognaa, heer fiicnaa weynu taagan nahay, inaga ayaa isku tashanay, oo qaranimadeena u tashanay, kadib markii aynu Somaliya dib ugula soo noqonay xoriyadeenii, inaga ayaa dawladnimadeena dhisanay, oo rukunada u aasanay, Dastuur baynu samaysanay, nidaamkii qabaliga ahaa ayeynu ka soo gudubnay, nidaamka Axsaabta ayeynu qaadanay, Doorashooyin kala duwan oo kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada Wakiilada iyo Deegaanka ayeynu galnay, Caalamkuna wuu ka dharagsan yahay waanu ka war qabaa heerka aynu gaadhnay, marxaladaha aynu ka soo dabaalanay, iyo inaynu Somaliya laba dal aynu kala nahay, markaas Ictiraafka inaga dhiman goor ay noqotaba weynu heli doonaa insha allaah”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu  yidhi “Marka hore Somaliya laba dal baynu kala nahay, Somaliya kumaynu biirin ee weynu isku biirnay, wakhtigii aynu isku biirnayna, inagu waxaynu raadinaynay shantii Somalida, markii ay suurtagal noqon weydayna, oo dulmi iyo cadaadis badan la inoo geystay, ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, markaas waan soo dhawaynayaa   mawqifka Xukuumaddu ay ka qaadatay qaabka Somaliya wada hadalkeeda loo waajahayo, waana muhiim in  wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo indho badsadaa, oo Wadamo badan ay goob joog ka ahaadan mar kastana waxaa haboon inaynu Somaliya u wada hadalno sidii laba dal”.

Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa wuxuu yidhi “Dhacdo walba oo ina soo marta inaynu ku tusaale qaadano ayaa wanaagsan, iyada oo dadkeenu iskaashaado, oo xitaa ugu yaraan calaa qof uu bixiyo hal doolar, lacagtaasi wax badan bay noqonaysaa, wixii kale ee lagu dari lahaana waa lagu darayaa, Gobol kastana waxaa laga qodi lahaa dhaamam ama biyo xidheeno, si looga sii taxadiro abaaraha soo noq-noqda”.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu tacsi u diray dhammaan wadamadii kale duwanaa ee dadkoodu saarnayeen Diyaaradii burburtay ee Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here