Waa Maxay Siyaasadda Baanka Qaranka Ee Sicir Bararku Iyo Sariflayaashu?

0
1284

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Baanka  Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo,ayaa sheegay in Xukuumad ahaan iyo Baan ahaanba in qorshahoodu yahay sidii tayada lacagta Somaliland loo hagaajin lahaa,oo isticmaalkeeda loo joogtayn lahaa, si sicir bararka meesha looga saaro.

Agaasimaha Baanka  Axmed Xasan Carwo,ayaa sidoo kale ka xog waramay masuuliyadda  Baanka Dhexe, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Baanka Dhexe iyo shaqadiisa  “Baan Dhexe marka laga hadlaayo, wuxuu ka masuul yahay daabacaada lacagta, ka war haynteeda, tiradeeda kolba suuqa intii gasha, masuuliyada ugu weyn ee la dagaalanka sicir bararka, Baanka ayey saaran tahay isagoo la kaashanaya Wasaaradda Maaliyadda iyo Siyaasada ay hadba Dawladda Dhexe leedahay, wuxuu kale oo uu yahay qansnajiga  Dawladda, oo lacagta Dawladdu  meesha ay ku xaraato iyo meesha ay ka baxdo, iyo Dawladdu haddii ay amaah u baahato meesha ay ka amaahato weeye, wuxuu kale oo uu masuul ka yahay Baananka gaarka ah iyo Baananka Ganacsiga haddii ay xitta Dawladdu leedahay, inuu kormeero Caafimaadkooda, Dhaqaalahooda iyo lacagta ay hayaan inuu komeero oo uu nabadgalyadooda ilaaliyo, oo xitta nabadgalyadooda ilaaliyo, haddii la doonayo in suuqa Dhaqaale badan ama  lacag badan la galiyana cadadka ayuu ka yareeya, haddii la doonayo in sicir bararka la dagaalamana sicirka ayuu kor u qaada”.

Mar uu ka hadlaayey fariimaha ay Mobilada ku soo diraan iyo ujeedada ay ka leeyihiin Baan ahaan ayaa yidhi “Suuqa Sariflayaashu waa suuq xor ah, suuq xor ah marka uu yahayna boqolkiiba boqol uma jari kartid sicir, laakiin isku cel-celin sicir ah ayaad sameeynaysaa, sicirka maalintaas jooga ayaanu soo dirnaa, ujeedada ugu weyn ee aanu ka leenahay waa inay dadku inay ogaadan  sicirka hadba maalintaas jooga, ayaanu soo dirnaa, ninka sarifluhuna wax yar wuu ka hoosaysiin karaa, wax yarna wuu ka sareeyn karaa, waxaana jira kormeer joogto ah, oo qayb dhanbaa noo qaabilsan,marka la ogaado inuu Sarif leh xadkii aad hoos uga dhimanaya, ama aad sare uga qaaday, ciqaab baa jirta oo adeegaas uu qabanayo ayaanu ka joojinaa, ta kale sharci baynu leenahay, in sharciga la raaco ayaa haboon, hadafka iyo siyaasada baanku waa sidii shilinkeenu tayo u yeelan lahaa, dadaalo badana waanu wadnaa”.

Agaasimaha Baanka   Axmed Xasan Carwo, ayaa dhinaca kale sheegay in Baan ahaan iyo Xukuumad ahaanba hadafkoodu yahay sidii dib loogu soo celin lahaa tayada Lacagta Shilinka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here