Waa Maxay Sababta Marka Ay Wax Dhacaan Ay Dadku Canaanta Ugu Badan U Saaraan Dhibbanaha

Published on Aug 09 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Maxaa marka horeba adiga meeshan ku keenay?! Maxaad la qaylinaysay? Maxaa adiga qosolkaas dheer kugu kallifay?! Dharkan indhaha dadka kugu soo jeediyey maxaa kuu xidhay?! Muxuu isu difaaci waayey?! iyo su’aalo badan oo la mid ahi waxa ay ka mid yihiin hadallada sida joogtada ah dadka looga maqlo mar kasta oo ay isugu yimaaddaan ama ka sheekeeyaan dhacdo sababtay in qof ama qofaf ay dhibi soo gaadho jidhkooda, nafsaddooda ama sharaftooda. Iyaga oo aan canaan u soo jeedinayn cidda dembiga ama meel ka dhaca samaysay.

Waxa kale oo jirta halkudheg Carabi ah oo Soomaaliyoobay, ‘Almarxuum Qaldaan’ macnihiisu waa in ‘Ruuxa dhintay ee shilka ama gacanta qofka kale ku dhintay, uu isagu qaldanaa’ waxa aana looga jeedaa in qofkii oo isagii dhibtii gaadhay haddana eeddii iyo sababtii la saaro.

Waa hab lagu cabbiro ceebta iyo dhaliisha uu leeyahay qofka doonaya in qof dhibaato soo gaadhay, uu haddana eedda iyo sababta dhibtaas isla isla dhibbanaha saaro, waa se arrin in badan dhacda.

Haddaba fasiraadda uu cilmigu arrintan u sameeyey, waxaa ka warramaysa qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Science News ee ka faalloota arrimaha cilmiga, sida Sayniska, caafimaadka iyo cilminafsiga.

Eexda Garashada

In qofka dhibbanaha ah la canaantaa waa qalad aynu ku dhacno inta aynu ku gudo jirno fikirka ay maskaxdu samayso marka ay isku dayeyso in ay ururiso dhammaan xogaha la xidhiidha dhacdada, si ay si kooban ugu fasirto. Marmarka qaarkood ayaa uu jaahwareer yari galaa geeddi socodkaas, ay maskaxdu ku ururinayso xogta, kaddibna u beddelayso in ay ka bixin karto sharraxaad kooban oo ay maskaxdu si fudud u fahmi karto.

Jaahwareerkaas ayaa sababa in ay dhacaan qaladaad dhinaca go’aan-qaadashada ah, dhinaca xukunka ah, dhinaca xusuusta ah ama ah dhinaca fahamka guud ahaan waxa dhacay.

Waa kuwan qaladaadka bulsho ee uu cilminafsigu sheegay in ay xaaladahan oo kale dhacaan iyo faahfaahinta sida ay ku yimaaddaan.

  1. Eex ku timid kala duwidda isku-xidhidda / sababaynta.

Waxaa jirta dabeecada ah qofku isla marka uu sababaynayo waxa dhacay ama isku xidhayo qaladka iyo qofka sameeyey, in uu inta badan eex sameeyo marka cidda qaladka samaysay uu isaga yahay iyo marka ay cid kale tahay.

Waxaa kale oo iyaduna dhacda in qofka aad ku ogeyd xaalado, habdhaqanno ama anshax aan wanaagsanayn, marka aad aragto iyada oo dhibi soo gaadhay, ay markaba maskaxdu u qaadato in markanna uu isagu gardarrada lahaa ama sababta u ahaa waxa ku dhacay.

Kala duwidda iskuxidhidda ama sababaynta qaladka iyo qofka sameeyey, waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa, haddii qof aad imtixaan wada gashaan, oo uu qofkaasi imtixaankii ku dhaco, markaba waxa ay maskaxdu dhicitaankaas u qaadanaysaa gaabis iyo dadaal la’aan ama maskax yaraan ka timid qofka, laakiin haddii qofka imtixaanka dhacay uu adiga yahay, markaba waxa ay maskaxdu raadinaysaa sababo dibadda kaaga yimi, sida imtixaanka oo si aan caadi ahayn u adkaa, ama xaaladdaada caafimaad ama nafsadeed oo aan maalintaas caadi ahayn, haddii kale waxa aad eedda saaraysaa qofka soo saxay imtixaanka.

Dabeecadda ah in qofku sida uu u sababaynayo ama u fasirayo habdhaqanka uu isagu sameeyo, si ka duwan oo taban uu u fasiro ama u sababeeyo habdhaqanka dadka kale waa arrin cilminafsigu caddeeyey oo afka cilminafsiga bulshada lagu yidhaahdo, “Fundamental attribution error – FAE)

  1. Eex ku timi dib-ka-Faham / faham gadaal ka yimi

Waxaa jira xaalad nafsi ah oo dadka inta badan ku beerta qab ah in wax kasta ay hore u sii ogaan karayeen, “Waa aan garanayey in taasi dhacayso” Marka ay dhibaato dhacdo, waxa ay maskaxda qofku markaba qaadanaysaa faham ah in maadaama oo uu isaguba imika garanayo in taasi dhici karto, in dhibanahanna laga rabay in uu sidaas oo kale u garto. Tusaale ahaan shil baa dhacay, marka aad eegto sida uu u dhacay waxa aad arkaysaa in gaadhiga shilka galay uu xawaare aan caadi ahayn ku socday, jidkuna uu qallooc / jiiro ku jiro (Xoodan yahay) isla markaana uu godad khatar ah leeyahay. Waxa ay markaba maskaxdaadu fahmaysaa in sababta shilku ay tahay jidkan aad arkayso iyo xawaarahan sare. Markaas ayaa ay haddana maskaxdii ku odhanaysaa adiguba waad garanaysaa in xawaarahaas iyo jidkaasi ay shilkeenayaan, ee sababta uu qofkan dhibbanaha ahina u garan kari waayey, isaga oo arkaya duruuftaas ku xeeran.

Waxa kale oo la mid ah marka qof uu cudur ku dhaco, waxa ay markaba dadku maskaxda geliyaan sababta cudurkani asal ahaanba ku yimaaddo, kaddib waxa ay bilaabaan in ay qofka buka qaladka saaraan iyaga oo dhalleecaynaya hab nololeedkiisii iyo qaladaadkii uu sameeyey. Ka soo qaad in hebel ay garanayaan uu qaaday cudurka AIDS ka, sababaha uu cudurkaasi ku yimaaddo oo badan, waxaa ka mid ah gogoldhaaf iyo dhaqan xumo. Markaba maskaxdu wawxa ay isku xidhaysaa sababtaas xun iyo waxa qofka ku dhacay, ‘Waxa ay ahayd in aanu sidaas yeelin, ee uu sidaas yeelo ayaa uu ku doodayaa, laakiin haddii ay tan oo kale qofka sidan u fikiraya isaga ku dhici lahayd, tobannaan sababood oo maangal ah ayaa uu keeni lahaa.

Xaaladdan oo kale cilminafsigu waxa uu u yaqaannaa ‘Hindsight Bias’ oo ah in qofku uu eex geliyo dhacdo hore u dhacday oo uu isagu gadaal ka fahmay. Waxa uu u doodayaa sida in uu doonayo in dhacdadaasi markii ay dhacaysay ay ahayd in qofku uu sii garto natiijadeeda. Waa eex uu qofku ugu kala eexanayo naftiisa iyo nafta qofkan uu eedaynayo, waxa se hubaal ah in haddii uu isagu halkaa joogi lahaa aanu sidan u fahmeen, oo uu fahamkani yahay mid markan dambe uun yimi.

  1. Eex ku timi aaminsanaanta ah in noloshu ay caddaalad tahay

Waxa ay ku imanaysaa qofka ama dadka oo inta badan nafsad ahaan u aaminsan in noloshu ay mar kastaba iyadu caddaalad ku socoto, laakiin runtu waxa ay tahay in aanay aaminsanaantaasi sax ahayn.

Aaminsanaantaas ah noloshu waa caddaalad waxa ay ceebteedu soo baxdaa marka uu qof innaga mid ahi dhibaato cagaha la galo ama masiibo ku dhacdo, ee innaga oo ka duulayna in noloshu ay caddaalad ku socoto, aynu markaba aaminno in dhibbanahani uu isagu marka hore wax uun qalday, ama dhibaatada ku dhacday ay tahay keliya qayb ka mid ah abaal uu ku mutaystay ficil xun oo uu sameeyey.

Waxaa muhiim ah in aynu marka hore niyadda gelinno in dhibaatada iyo masiibadu ay ku dhici karto qof xun iyo qof fiican labadaba, niyaddana ka saarno ismoodsiiska ah in aanay jirin masiibo iyo imtixaan qofka iskaga dhaca isaga oo aan waxba galabsan. In aynu qaldannahayna waxa ay soo baxdaa marka ay isla dhibtii ama masiibadii ay innaga innagu dhacdo ee aynu sidii qofka u xukumi weyno, balse u aragno in aanu ahayn abaalka xumaan aynu samaynay.

Xaaladdan oo kale cilminafsigu waxa uu u yaqaannaa ‘Just-World Phenomenon’ waana qofka oo u dhurta in uu u fahmo in noloshu ay caddaalad tahay, dadkuna ay la kulmaan uun wixii ay u qalmaan. Waayo waxa aynu u aragnaa in adduunyadu ay tahay caddaalad, waana sababta aynu qofka dhibbanaha ah eedda u sii saarayno.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!