Waa Maxay Sababta Aanay Dadka Ruushka Ahi U Dhoolla Caddayn?

0
894

1Moscow (Geeska)- Dadka Ruushka ayaa la sheegay in ay yihiin aan dhaqan u lahayn dhoolla caddaynta, gaar ahaan ta ay bulshooyinka dunida badankoodu caanka ku yihiin ee ah in wej furnaan iyo dhoolla caddayn lagu soo dhoweeyo dadka. Taas macnaheedu ma’aha in aanay gebi ahaantoodba dibnaha furin, ama in la diidayo in ay ku jiraan dadyow badan oo muslimiin ah oo og in sida uu nebigeennii Muxammed (SCW) sheegay dhoolla caddaynta aad qofka ku qaabishaa ay sadaqad tahay. Laakiin baadhitaanno iyo u kuurgelid badan oo la sameeyey ayaa muujinaysa in debnaha xidhan iyo xitaa wejiga oo aanay farxad badani ka muuqani ay tahay astaan dabiici ah oo ay leeyihiin inta badan ee dadka Ruushku, waxa aanay u dhowdahay in ay xidhiidh la’ leedahay taariikh hore oo dhinaca dhaqanka iyo caadooyinka bulsho ah.

Dr. Kuba Krys oo ah dhakhtar u dhashay dalka Poland oo ku xeeldheer cilminafsiga ayaa sheegay in sideedaba dhoolla caddayntu aanay dalalka qaar ka ahayn calaamad muujisa kalgacal, calool fayoobaan iyo ixtiraam, balse ay qaaarkood uba yaqaannaan calaamad maangaabnimo iyo doqonniimo laga dheehanayo, dalalka qaarna, sida Hindiya qawmiyadaha dega qaar badan oo ka mid ah, Argentina iyo jasiiradaha Maldives, dhoolla caddaynta badan ay u yaqaannaa calaamad muujinaysa in qofkani khaayin yahay oo aan waxba lagu aamini karin.

Dr. Kyrs oo maqaal dheer ka qoray arrintan ayaa mar uu ka hadlay sababaha keeni kara waxa uu yidhi, “Musuqa oo heer bulsho gaadhaa waxa uu daciifiyaa nuxurka ay leeyihiin ishaarooyin badan oo dhoolla caddayntu ka mid tahay”

Daraasado kale ayaa iyaguna iftiiminaya in ay jiri karaan sababo loo aanayn karo dhoolla caddayn la’aanta oo la xidhiidha tusaale ahaan kala sarraynta bulshada, ama ragga oo bulshada iyagu saamaynta ugu badan ku yeesha, waayo raggu sidoodaba waxa ay yareeyaan arrimaha caadifadda la xidhiidha taas oo dhoolla caddayntuna ay ugu mudnaanayso, sidoo kale waxaa keeni kara arrintan dhaqanka soo jireenka ah iyo caadooynka bulshooyinka qaar oo aan sidoodaba farxadda qiimayn siinin. Tusaale ahaan marka aynu taas dhaqanka eegno, dalalka Jarmalka, Switzerland, Shiinaha iyo Maleeshiya, dadkoodu waa ay aaminsan yihiin in dhoolla caddayntu ay calaamad u tahay fariidnimada, halka dadka Jabbaanka, Hindida, Iiraan, Kuuriyada Koonfureed iyo Ruushkuna ay dhoolla caddaynta u yaqaannaanba calaamad doqonniimo. Si gaar ah baadhitaanno Ruushka loogu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in dhoolla caddaynta ay ka aaminsan yihiin in ay calaamad u tahay, munaafaqnimo, isla markaana ay ceeb tahay in qof qariib ah aad isaga dhoolla caddayso, dadka Ruushku waxa ay aaminsan yihiin in dhoolla caddayntu ay sababayn u baahan tahay, wixii aan sabab lahaynina ay doqonniimo tahay, lagana yaabo in qofka aad u dhoolla caddaynaysaaba kaa xumaado waayo waxaaba suurtogal ah in aanu isagu sidaada oo kale u faraxsanayn markaas aad u dhoolla caddaynayso.

Ugu dambayntiin dhoolla caddayntu dadka Ruushku uma yaqaannaan in ay tahay dhibirsanaan, furfurnaan iyo soo dhoweyn, waxaana shardi u ah in qofka aad isu dhoola caddaynaysaan yahay qof si fiican aad isu garanaysaa. Waana suurtogal sida ay khubarada qaar aaminsan yihiin in nolosha qallafsan gaar ahaan dhinaca siyaasadda ee ay muddada qarniyada ah dadka Ruushku ku soo noolaayeen ay saamayn ku yeelay hab-nololeedkooda maalinlaha ah, iyo dhaqankiiba.