Waa Kuwee Qaramada Xaqiijiyey ilaa Hada Inay U Soo Baxaan Koobka Aduunka Ee 2018-ka?

Published on Sep 08 2017 // Ciyaaro

 

 

 

Waxa maalmihii ugu dambeeyey socday ciyaaraha isreebreebka koobka aduunka ee sanadka dambe lagu qaban doono wadanka Ruushka, waxaana ilaa hadda xaqiijiyey inay u soo baxaan tartankaasi shan wadan, kuwaas oo Ruushka kula biiri doona loolanka loo gali doono koobka adduunka.Wadanka Brazil oo shan jeer koobka Adduunka soo qaaday ayaa mar horeba is xaadiriyey, waxaana ku weheliya xulka Belgium ee uu layliyo Roberto Martinez, Iiraan oo la loodin la’yahay.

Hadii aynu liiska 6dan wadan ee ilaa hada xaqiijiey inay tartankaasi ka qayb gali doonaan, wadanka Ruushku waa kan marti galin doona wax tartana uma soo galin sida sharciga FIFA dhigayo. Ruushku awooda kubada cagta ma aha mid sidaa u sii adag maadaama oo uu ku guuldaraystay inuu wareegii koowaad soo dhaafo koobkii qaaradaha ee dhawaan isla dalkiisa lagu qabaney, waxaana ka badiyay xulalka Mexico iyo Boortaqiiska, waxayse ciyaartii koobaad ka badiyeen New Zealand, ciyaaraha saaxiibtinimo ay dhawaan ciyaari doonaan ayaana si aada indhaha loogu hayaa hadiiba uu isbadal ka dhacay.

Belgium: Xulka qaranka Belgium ayaa noqoday xulkii u horreeyay ee Yurub ka socda ee Ruushka ku biira, waxayna ka soo dhex baxeen kooxo aan sahlanayn

Badi xidigaha qaranka Belgium ayaa ka ciyaara  Horyaalka Ingiriiska waxaana kujira xidgo magac wayn ku leh kubada cagta wakhtigan sida; Dembele, Marouane Fellaini, Christian Benteke, Romelu Lukaku, Kevin de Bruyne iyo Eden Hazard.

Brazil:Brazil ayaa ahayd dalkii koobaad ee u soo baxa Koobka Adduunka waxaanay mar hore xaqiijiyeen bishii 3-aad ee sanadkan, waana qaran kamid ah qaarada Koonfurta Ameerika. Brazil Badanaa waxaa lagu daraa kooxa ay macquulka tahay in ay hantaan koobka, shan jeer oo hore ayayna soo qaadeen. Brazil waxaa la socda Xidiga Dunnida ugu qaalisan ee Neymar iyo xidigo dhawra oo kubada cagta ka caana sida; Coutinho, Marcelo, Dani Alvis, Casamero, Willian iyo kuwo kale oo tiro badan.Brazil waxay koobkan Adduunka soo qaaday 1958, 1962, 1970, 1994 and 2002, markii u dambaysayse Jermalka ayaa 7-1 kaga badiyay oo koobka ka reebay.

Mexico: Xulka qaranka Mexico ayaa hor kacaya qaramada ka dhisan Waqooyiga, Badhtamaha Ameerika iyo Caribbean-ka. Mexico ayaa xaqiijiyay in ay Ruushka iska xaadirinayaan kadib markii ay 1 iyo 0 kaga adkaadeen Panama iyadoo aan wali laga badinin.

Kaliya Walaac ayaa ka jiri kara dhanka difaaca, maadaama oo ay hubaanti la’aan ka jirto helitaanka Rafael Marquez oo difaaca uga safta oo Maraykanku uu ku eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay koox daroogo ka ganacsata.

Iiraan:

Xulka qaranka Iiraan Waxaa laga yaabaa inay Ruushka tagaan  iyagoo dhoolacadaynaya, laakiin waxaa laga yaabaa in ay xulal kale ka cadhaysiiso inta isreebreebka lagu gudajiro.

Iiraan waa xul aad u diyaarsan oo ay caddahay in aan difaacooda la mari karin, markii labaad oo is xigta ayayna Koobka Adduunka ka qaybgalayaan iyaga oo uu tababarayo Queiroz oo horay tababare ku xigeen uga soo noqday Manchester United. Iiran ayaan wax gool ah laga dhalin 12 kulan oo xidhidha.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!