Waa Kuma Agaasimaha Cusub Ee Dalladda Dhallinyrada Ee SONYO?

0
788

Hargeysa (Geeska)- Toddobaadkan Dalladda Heer qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa loo qaatay agaasime cusub oo Fulineed kaasi oo baddali doona Agaasimihii hore ee dalladdaasi Mudane Siciid Maxamed Axmed. Kadib muddo Bil ah oo Dalladdu ku hawlanayd naadinta qofkii mansabkan culus dhallinyarada Somaliland u qaban lahaa oo loo tartamay waxa ku guulaystay Eng. Cumar Cismaan Miigane oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland.Waxaa door Weyn ka qaatay Golaha Sare ee 8-Aad ee SONYO ee Cusub oo uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax oo kaashanaya Wasaaradaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Iyo Shaqada Iyo Arimaha Bulshada oo ay Dalada Wada Shaqayn leeyihiin.

Qormadan kooban waxa aan ku eegi doonaa waa Kuma Eng. Cumar Cismaan Miigane?, Shakhsiyadda Agaasimaha cusub, heerarkiisii waxbarasho, shaqo iyo dadaaladii horumarineed ee uu ka soo qayb qaatay arrimaha dhallinyarada isaga oo lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa horumarinta waaxda mashaariicda dalladda SONYO oo uu muddo ka soo shaqeeyey ka hor intii aanu u wareegin dhinaca hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala.

Eng. Cumar Cismaan Miigane waxa uu ku dhashay Degmada Kalabaydh ee Gobolka Gabilay hillaaddii Bishii September 13-keedii 1985-kii waxaanu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ku qaatay Magaalada Gabiley isaga oo Dugsigiisii sarena ku dhammaystay Dugsiga Gacan Libaax ee Caasimadda Hargeysa sannad Dugsiyeedkii 2002/2003.

Eng. Cumar Cismaan Miigane waxa uu ka mid ahaa ardaydii ugu firfircoonayd dhinaca waxbarashada wakhtigiisii tacliinta aasaasiga ah taasi oo u suurto galisay in uu ka mid noqdo ardaydii aqoonta lagu xushay ee nasiibka u helay in ay wax ku soo bartaan tacliintoodii shahaadada koowaad ee Jaamacadda dalka Itoobiya isaga oo soo qaatay Injineernimo dhinaca isgaadhsiinta ah (Telecommunication Engineering), sidaana dalka dib ugu soo noqday isaga oo darajo aad u sarraysa ku qaatay shahadaaasi Degree-ga ah.

Cumar markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu sii watay aqoontiisa sare ee Jaamacadeed waxaanu shahaadada Koowaad ee Degree-ga oo uu ku diyaariyey waxbarashada Development Studies uu ka qaatay jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa. Sidoo kale isaga oo wakhtigaasi shaqooyin garab wada waxa uu haddana shahaadada sare ee Iskaashiga Caalamiga iyo Gargaarka Bani Aadamaha (International Co-operation and Humanitarian Aid) ku diyaariyay jaamacad ku taalla dalka Spain.   

Heerkiisa Waayo Aragnimada Shaqo Iyo Halkii Uu Ka Bilaabay Shaqadiisii u horraysay.

Cumar Waxa Uu Soo Qabtay Shaqooyin Kale Duwan Isagoo Ka Soo Shaqeeyay Hay’addaha Maxaligga Ah Iyo Kuwo Caalamiyaba Muddo Ku Dhaw Toban Sanadood.

• Shaqadii koowaad waxa uu ka qabtay dalladda dhalinyaradda ee SONYO Umbrella oo uu si mutodawac ah kula shaqeeyay muddo ka dibna si toos ah uga hawl galay isagoo ka noqday maamule mashruuc.

• Waxa uu noqday madaxa guud ee maamula barnaamijyadda dalladda oo dhan.

• Waxa uu sidoo kale noqday ku simaha agaasimaha guud ee dalladda oo dhan kaasoo uu markii dambe uga wareegay hay’adda caalamiga ah ee Danish Refugee Council (DRC).

• Waxa uu madax ka noqday barnaamijyo ballaadhan oo si guul leh uga hirgalay Somaliland, Somalia (Puntland) iyo Ethiopia.

Shaqsiyadda Dhabta ah ee Agaasimaha Cusub ee Dalladda Dhalinyarada Heer Qaran Ee SONYO.

Eng. Cumar Cismaan Miigane waa nin dhallinyaro ah oo firfircoon aqoontiisuna aad u sarrayso kuna wanaagsan isku xidhka dadaalada horumarineed ee dhallinyarada ahna ma-daale hawl-kar ah oo aan shaqada xafiiska habeen iyo maalin ka bixin. Waxaan ugu hambalyaynaynaa hawshaa culus ee uu mar kale tunka u ritay ee uu doonayo in uu ugu shaqeeyo dhallinyarada Somaliland wakhti dalladda SONYO galayso xaalad is baddal  oo ballaadhan kadib markii sidoo kale dhawaan ay xilka golaha sare ee dalladaasi yimaaddeen xubno cusub kadib dorashadii 8aad ee Golaha sare ee SONYO.