“Waa Khalad In Xisbiga Waddani Lagu Eedeeyo Rabshadii Ka Dhacday Golaha”Xildhibaan Maxamed Saalax

0
549

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xildhibaanada Xisbiga Waddani, ee ku doodaya in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, oo u tartamaayey jagada Guddoomiyaha Wakiilada inuu ku guulaystay, ee si cadaalada ka baxsan xaqiisi Guddoomiye-nimo loo inkiray, waxaanu sheegay in dacwada ku saabsan arinkan ee ay Maxkamadda u gudbiyeen ay sugayaan, go’aan.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii ka dhacay doraad xarunta Golaha Wakiilada, ee keenay in Xildhibaan Saleebaan Cali Koore la xidho, waxaanu tilmaamay inay khalad  tahay in Xisbiga Waddani lagu eeddayo falkan, halka uu sidoo kalena sheegay in xadhiga Xildhibaan Saleebaan Cali Koore aan loo marin sharciga, ee sharci daro lagu xidhay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Eeddahan aan macquulka iyo suurtagalka ahayn, waa eeddo ay ahayd in cidii eedda iska lahayd aan la eeddayn, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, waa Kulmiye, Xildhibaan Axmed Maxamed  Diiriye Nacnac waa Kulmiye, Baashe Maxamed Faaraxna waa Kulmiye, Xildhibaanada ay dhibtu ka dhex dhacday waa Xildhibaano Kulmiye ah, oo iyaga ayaaba sheegaya, markaas meel ay Xisbiga Waddani eeddi uga timaado ma jirto, in Waddani ku lug lahaana ma caddeyn karayaan, Xildhibaanku ama Waddani ha ahaado ama Kulmiye ha ahaado xasaanad buu leeyahay, haddii uu Xildhibaanku sharciga jabiyo  in waajibkiisa la mariyo weeye,oo xeerarka iyo sharciga ayaa tilmaamaya,  haddii isaga lagu xad gudbo, in xad gudubkaas lagula kacay in waajibkeeda laga maro weeye, balse maaha in ciduun la iska eeddeeyo, sifo sharciya loo maro ayey ahayd, waana ceeb in Xildihbaano Kulmiye ah oo is maagay in eeddahaas lagu ceebayo Xisbiga Waddani, dambigan ayaana la marahabaabinayaa, oo dadwynaha ayaa lagu soo jeedinayaa cid aan dambi lahayn, cidii dambiga gashayna waa laga leexinayaa”.

Xilidhaan Maxamed Salaax oo ka hadlaya xadhiga Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa yidhi  “Muddanahaas, waliba ah Xildhibaan Kulmiye ah ee xoriyadiisi laga qaaday, waxaan aaminsan nahay in si gardaro ah xoriyadiisi looga qaaday, iyadoo maragii sharci aan loo marin”.

Xilidhaan Maxamed Salaax oo ka hadlaya Ciidamada la wareegay Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Maanta (Shalay), Golihii ayaan tagay, oo Ciidamo cusub ayaa haysta, oo Ciidamadii Xildhibaanadii garan mayaan, oo waliba si fool xun oo aan fiicayna wey ula dhaqmayaan, waxaanad mooda in Golihii la inqilaabay, si xun oo qalafsana waa loola dhaqmayaa Xildhibaanadii”.

Xildhibaan Maxamed Salaax oo ka hadlaya dacwada ay Maxkamada ay u gudbiyeen ayaa yidhi “In kasta oo arintani arin Maxkamadeed noqotay, waxay Maxkamaddu tidhaahdo ayaa la wada sugayaa, oo sidaas aanu anagu u sugayno go’aanka Maxkamada ayaa loo wada sugayaa, waxaana dhab ah in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle cad u helay 39 cod, halka uu Baashe Maxamed Faaraxna u helay 38 cod, sidaas darteed Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa ku guulaystay xilka Guddoomiye-nimo, ee maaha in la inkaro, ama la iska indho tiro, caddaymihiina waanu haysaana”.