Waa Ixtiraam In Waayeelka Kursiga Baska Looga Kaco Haddii Uu Ka Buuxsamo, Laakiin Caafimaad Ahaan Dantiisa Ma’aha

29
3371

Hargeysa (Geeska)- Sida caadiga ah marka adiga oo dhalinyaro ah oo bas ama tareen saaran uu soo koro ruux waayeel ahi kadibna istaago kuraasida oo buuxda awgeed, waxa aad uga kacaysaa kursigaaga si uu u fadhiisto o oaad adigu u istaagto. Waa dhaqan fiican oo ixtiraamid ah. laakiin cilmibaadhis cusub oo caafimaad ayaa ku talinaysa in la iska joojiyo dhaqankaas, sababtuna waa istaagnidaas oo la ogaaday in ay qofka waayeelka ah caafimaadkiisa u fiican tahay.

Natiijada cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya ayaa lagu sheegay in mar kasta oo da’da qofku sii korodho ay fiican tahay in lagu dhiirrigeliyo socodka iyo taagnida, si xubnaha caafimaadkoodu u fiicnaado, sababtaas awgeedna intii laga fikiri lahaa in kursiga looga kaco qofka weyn, laga fikiro in lagu qasbo in uu taagnaado iyada oo la tusayo in dantiisu sidaas ku jirto.

Professor Sir Muir Gray oo lataliye caafimaadka guud ah u ah wargeyska ‘The Sun’ eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in caafimaadka waayeelka uu istaagga basaska iyo tareennadu ku jiraan, sidaa awgeed aanay dhalinyaradu waayeelka ku hodin in ay kuraastooda uga kacaan. Isaga oo la hadlaya qofka dhalinyarada ah ee laga yaabo in uu sidaas sameeyana waxa uu yidhi, “Waxa aanu leenahay laba jeer ka fikir, ka hor inta aanad kursigaaga ugu tabarucin qofka waayeelka ah ee baska ama gaadiidka kale ee dadweynaha kula saaran. Waayo in ay taagnaadaan ayaa u fiican, una ah jimicsi”

Khubaradu waxa ay sheegeen in jimicsigu uu qofka weyn u fiican yahay caafimaad ahaan iyo xitaa cimri ahaan oo uu dib uga riixo calaamadaha iyo xaaladaha caafimaad ee da’du wadato. Waxa fiican in waayeelka loo sameeyo hawlmaalmeed iyo in jidhkoodu uu xarakad sameeyo. Iyada oo la ogaaday in xarakaadka jidhku si dawada ka fiican ugu faa’ideeyo caafimaadka jidhkeed iyo maskaxeed ee qofka weyn.

Jimicsigu asaasaqa ayaa uu ka hortagaa

Cilmibaadhisihii ugu dambeeyey ee arrintan la xidhiidhay ayaa iyaguna daahfuray in furaha ugu muhiimsan ee lagu xakamayn karo asaasaqa maskaxda dadka waaweyn ku yimaaddaa uu yahay in halkii dawo lga raadin lahaa la dhiirrigeliyo xarakaadka jidheed iyo jimicsiga dadka waaweyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here