“Waa In Madaxweynuhu Guddi Xaqiiqo Raadis Ah U Saaro Mashruuca Xumbo Weyne, Cidkasta Oo Hawshaasi Gashana Sharciga La Mariyo”

40
2681

Hargeysa(Geeska)-Maareeyihii hore ee wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu guddi xaqiiqo raadis ah u saaro mashruuca xumbo weyne ee fashilmay.

Qoraal uu Ibraahim Siyaad qoray ayaa waxa kale oo uu kaga hadlay mashruucaas iyo waxyaabaha uu aaminsanyahay inay fashiliyeen, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan: “Waxaan jeclaadey in aan wax yar ka idhaahdo Mashaarcida Biyo Balaaadhinta Caasimada Hargeysa oo aan xogogaal badan u ahay, mar hadii aan ahaa Masuulkii joogay Wakaalada joogey xiligaa laga hadlaayo igulana taliyeen Asxaab badan ama soo jeediyeen in aan ka hadlo, iyada oo maantana ay dhawt TV wax iga waydiiyeen.
Ugu horeeyn Hargeysa waxa ka socda dhawr Mashruuc oo qarkood dhamaadeen , qar socdaan oo meel wacan marayaan, qaarna dhawaan bilaabmi doonaan qaarna sida Wasiirka Biyuhu sheegay ay fashilmeen.
1. Mashruuca magaciisa loo soo gaabiyo ( HUWSUP ) Waa mashruuc ay maal galiyeen labada qaadhan bixiye ee EU oo bixisey 15,000,000 Euro iyo SDF oo bixiey $10,500,000. Waxaana mashruucaa fulintiisa gacanta ku haysa Haayada UN Habitat, waxaana ilaalisa tayada shaqada shirkad Germal ah oo la yidhaa FITCHNER, ogaan tayna meel wacan ayuu marayaa ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu guul inoogu dhamaado.
2. Waa mashruuca biyo qaybinta oo ah Magaalada gudaheeda waxaana qaadhankiisa Bixiyey Baanka Horumarinta u qaabilsan Germalka (KFW) oo bixiyey 23,500,000 Euro waxaana shaqada ilaalinteeda gacanta ku haysa shirkad Germal ah oo la yidhaa CES, waxaana dhawaan la xayeysiin doonaa qandaraaskii shaqada, sidoo kale waxay shirkada Coca-Cola international ku deeqday $5,000,000, waxaana shaqada Gacanta ku haysa oo Haayad Talyani ah oo la yidhaa TS, waxayna Magaalada Gudaheeda ka wadaa Taangiyo socda.
3. Mashruuca sadexaad waa mashruuca Xumbo-Weyne waxaana maal galiyey Hayada Horumarinta u qaabilsan Emaraadka Carabta oo la yidhaa Khalifa Foundation, waxaana fulinaysa shirkad uu leeyahay Nin la yidhaa Falaax Al Axbaabi, oo Carab ah, waxaanu ahaa laba waji, Wajiga koowaad waxa uu ahaa in Ceelasha oo la qodo, ka labaadna waxa uu ahaa Beebka iyo Baraagaha, markii la bilaabey wajiga koowaad ayaa khilaaf soo kala dhex galey Xukuumadii Somaliland oo ay matalayeen Wasaarada iyo Wakaaladu iyo shirkadii hawsha waday, kaas oo ku saabsana Mashruuca oo aan xog laga hayn lacagtiisu, nashqada sida Ceelasha loo qodayo iyo cida ilaalinaysa tayada shaqada, dood dheer ka dib waxa uu ku doodey mashruucu waa (Turnkey project ) oo ah in laga yaqaan in mashruucaa oo dhameys tiran uu soo wareejiyo, sidaa ayaa loogu ogolaadey wajiga koowaad, Markii uu dhameeyay Ceelashii ayuu yidhi igala wareega Ceelasha ka dib waxa loo direy farsamo yaqaano waxayna soo xaqiijiyeen in wax badan qaldan yihiin hawsha Ceelasha sida loo qoday, goobaha laga qodey iyo qalabka la galiyeyba, waxaana la isla qaatey in aan la bilaabin wajiga labaad ilaa la saxaayo qaladaadka wajiga koowaad waxayna wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee wakhtigaa Xuseen iyo Falaax kala saxeexdeen heshiis aad u faah faahsan oo ku saabsan qaladaadka jirey wakhtigaa waxaana ku cad in uu saxaayo dhamaan qaladaadka ka hor wajiga labaad.
Muddo ka dib ayuu yidhi wajigii labaad ayaan bilaabayaa waxaana la hor dhigey qabyadii hore waana halkaa halkii dhibta badani ka dhacdey ee mudada dheer socday oo gudiyada badan loo saarey, ee la isku haystey mudada waana mashruuc aan la ogeyn cadadka lacagta ee la bixiyey, cadadka lagu siiyey Falaax Hawsha.
Mashruuca koowaad iyo ka labaad Lacagtiisa waxa gacanta ku haya mid kasta cidii bixisey, Cid cuni kartaana ma jirto, cida shaqada wadaana marba inta ay shaqadeeda qabtaan ayaa loo soo daayaa marka cida ilaalinta lahi soo xaqiijiso in la qabtey, mar kastana waxay soo dirtaan Audit ay leeyihiin oo soo baadha Mashruuca,
Talo soo jeedin
Waa in Madaxweynaha JSL uu Guddi Xaqiiqo Raadis ah u saaro Mashruuca Xumbo Weyn iyo Dhaamka Xumbo weyn oo ku sameeya Baadhis Dhameys tiran, oo ku saabsan Xaddiga Lacagta ee la bixiyey iyo waxa lagu qabtey, Cidkasta oo hawshaasi gashana Sharciga la Mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here