“Waa In Heshiis Laga Gaadhaa Saami-qaybsiga Wakiilada”

0
1084

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Golaha Wakiilada, Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), kana mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa soo jeediyey in xil la iska saaro tabashada saami-qaybsiga, waxaanu soo jeediyey in aan wax culus oo aan la xalin karin aan la iska dhigin.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Golaha Wakiilada, Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xisbiyadu ilaa hadda wey ku kala aragti duwan yihiin Doorashada iyo qabsoomideeda, waxaana qayb ka ah waa Komishanka, sidaas awgeed khilaafka Xisbiyada ee ilaa hadda xalka laga gaadhin ee  salka ku haya Komishanka waxaa ka muhiimsan waa arinta Saami-qaybsiga, oo la gudo galo, si aynu wax u wada yeelano, oo cadaalad loo helo, waa in saami-qaybsiga la sameeya, maaha ah in la isku adkeeyo, oo la iskaga dhigo saami-qaybsiga caqabad aan laga gudbi karin,marka saami sax ah la helo, ayey wax walba inoo hagaagayaan, laakiin waxaa ka horeeysa in marka hore daacad laga noqdo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xildhibaanku yidhi “Haddii aan la soo af jarin khilaafka Xisbiyada, isla markaana aan xal laga gaadhin wax kasta oo Doorashada ku xidhan, Doorashaduna dib ayey u dhacaysaa mar walba, sidaas darteed waa in la isku af gartaa qabsoomida Doorashada, oo xal midaysan la gaadha, oo waliba saami-qaybsiguna ka mid yahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here