Waa Imisa Tirada Dawladaha Dunidu? Su’aal Fudud, Haddana Jawaabteedu Adag Tahay

Published on Nov 08 2017 // Googooska Geeska

Kamaal A. Ali

Waa imisa tirada dawladaha dunidu? Waa su’aal muhiim ah, laakiin si aynu uga jawaabno waxa aynu u baahannay in aynu isku waafaqno qaabka loo tirinayo iyo tixraaca la eegayo. Tusaale ahaan, ma’ inta aynu khariiradda soo qaadno ayaa aynu qaarad kasta dalalka ku yaalla tirinnaa? Jawaabtu waa maya, waayo waxaa innagu soo baxaya dalal badan oo aan la isku waafaqsanayn jiritaankooda, balse haddana jira. Sidaas oo kale ma jirto tiro la odhan karo dunidu waa ay isku waafaqsan tahay oo ah dawladaha dunida maanta ka jira. Waxaa jira dalal xaqiiqo ahaan u jira, laakiin sharci ahaan aan u jirin, iyo kuwo sharci ahaan u jira laakiin aan xaqiiqo ahaan u jirin. Waxa ay keliya ku xidhan tahay hadba dhanka uu qofka tirada raadinayaa ka eego iyo cidda uu tixraac ka dhigto. Dhinacyada laga eegi karana waxaa ka mid ah:

  1. Dalalka Qaramada Midoobey xubnaha ka ah:

Qaramada Midoobey waa urur ay ku midowday dunidu, waxa ay ka kooban tahay 193 dawladood. Laakiin ma’ odhan karno waa tiradii saxda ahayd, waayo waxaa ka maqan laba dawladood oo aan xubno rasmiya ka ahayn laakiin dunida laga aqoonsan yahay. Waa kaniisadda Vatican ka oo dawlad ahaan dunida looga aqoonsan yahay iyo dawladda Falastiin oo aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey laakiin dalalka dunida badankoodu u aqoonsan yihiin dawlad.

Vatican waa dawlad yar oo dhulka ay ku fadhidaa uu ka yar yahay Kiiloomitir badhkii, tirada dadkeeduna aanu ka badnayn kun ruux oo ah baadariga mad-habta Kaatoligga iyo gacanyaryeyaashiisa iyo shaqaalihiisa oo keliya. Sidaas oo ay tahay haddana Vatican waxaa rasmi ahaan loogu aqoonsan yahay dawladda dunida ugu yar. Waxaa xiise leh in marka aynu Vatican barbar dhigno dalka Ruushka oo ah dalka dunida ugu weyn, uu dhulka Vatican ku u dhigmayo dhulka Ruushka oo loo qaybiyey 38 Milyan oo qaybood.

Falastiin Dhulka Falastiiniyiinta oo ka mid ah dhulkii uu Ingiriisku kala wareegay dawladdii Cusmaaniyiinta waxa uu sannadkii 1948 kii ku wareejiyey dadka Yuhuudda oo ka mid ahaa deegaanka, laakiin tiro ahaan dadkeedu aad uga yaraayeen Carabta. Tan iyo maalintaas dhulkan waxaa ka jiray dawladda Israa’iil. inta yar ee Falastiiniyiinta muddo dambe loo ogolaaday waa ‘Daanta galbeed ee webiga Urdun oo dhanka dalka Urdun xigta iyo Marinka Qasa oo dhinaca Masar xiga, labadaa qaybood waxaa ku dhex jira oo laba u kala gooyey dhul ay Israa’iil la wareegtay oo aanay u ogolayn Falastiiniyiinta, sidaa awgeed dawladda Falastiin waxa ay ka dhismaysaa laba qaybood oo Israa’iil ku dhex jirto. Falastiin waxa ay doonaysaa in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobey, si ay u noqoto dawlad la aqoonsan yahay.

Sannadkii 2011 ayaa uu madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Qaramada Midoobey soo hordhigay codsi uu ku doonayo in loo aqoonsado dawlad ka tirsan Qaramada Midoobey, laakin cosigaas waa laga diiday.

Sababta loo diiday:

Marka uu dal codsanayo in uu Qaramada Midoobey xubin ka noqdo, waxa uu codsigu marka hore u tagaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, oo ogolaada ama diida. Codsiga Falastiin ay xubinta Qaramada Midoobey ku doonaysay waxaa codka ‘Diidmada Qayaxan’ ku hor istaagay dalka Maraykanka oo saaxiib dhow la’ ah dalka Israa’iil.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu ka kooban yahay 15 dal oo u qaybsama Shan dal oo joogto ku ah golahan, kuwaas oo ah dalalka Ruushka, Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska iyo Toban xubnood oo aan  joogto ahayn, sannad kastana tartan loo galo dalalka dunida ee xubnaha ka noqonaya. Tobankaa dal ee aan joogtada ahayn dal kastaa waxa uu xaq u leeyahay laba xilli oo isku noqonaya laba sano, waa se’ haddii dib loo doorto. Dalalka aan joogtada ahayn ee sannadkan fadhiya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa ay yihiin: Booliifiya, Masar, Itoobiya, Talyaaniga, Jabbaan, Kasakhistaan, Senegaal, Iswiidhan, Ukraine, Uruguay.

Shanta dal ee joogtada ahi waxa ay leeyihiin awood sharci oo lagu magacaabo ‘Diidmada Qayaxan’ taas oo ah in ay cod diidma ah ku hor istaagi karaan go’aan kasta oo la soo mariyo golaha Ammaanka, xitaa haddii go’aankaas ay ogolaadaan 14 ka dal ee kale.

Marka aynu ku noqonno su’aasheenna, waxaa inoo muuqata in tirada dalalka dunidu aanay sax ku ahayn 193 ka dal ee Qaramada Midoobey xubnaha ka ah, oo marka lagu daro Vatican iyo Falastiin oo dunida kale badankeedu dalal iyo dawlado rasmi ah u aqoonsan yihiin ay tiradu noqonaysaa 195 dawladood. Laakiin haddana weli jawaabtii saxda ahayd noqon mayso oo waxaa jira tiro kale oo dawlado ah.

Dalal haysta ictiraaf aan dhammaystirnayn

Qasab ma’aha in dal kasta oo dunida ka jiraa uu Qaramada Midoobey xubin ka yahay, sidaa awgeed qofka isagu diida in uu su’aasha tirada dalalka dunida kaga jawaabo 193 ka dal ee Qaramada Midoobey xubnaha ka ah, waxa uu ka eegi karaa dhinacyo kale, oo ay ka mid tahay taa aynu soo xusnay ee 195 ka dhigtay.

Waxaa iyaguna jira dawlado haysta ictiraaf aan dhammaystirnayn, laakiin aqoonsiga ay dalalka qaar ka haystaan u suurtogeliyo in ay ku tirsamaan dawladaha dunida. Waxaa ka mid ah dalal dawladaha waaweyni aqoonsan yihiin, tusaale ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa ay aqoonsantahay in ay jiraan 195 dawladood. Waa 193 ka dawladood ee Qaramada Midoobey xubnaha ka ah iyo Vatican ka iyo dalka Kosovo.

Kosovo

Kosovo oo ka go’day dalka Seerbiya waa dawlad aqoonsi aan dundiu u dhammayn haysta oo ku taalla bariga qaaradda Yurub. Sannadkii 2008 ayaa ay ku dhawaaqday in ay tahay dawlad iskeed u taagan oo ka mid ah qaramada adduunka, laakiin Seerbiya waa ay diidday tallaabadaas waxa aanay illaa imika ku doodaysaa in Kosovo ay tahay gobal ka mid ah goballadeeda.

Kosovo waxa ay Qaramada Midoobey u gudbisay codsi ay ku doonayso in la siiyo xubinno, codsigaas waxa sidii caadiga ahayd la horgeeyey Golaha ammaanka, waxa aana ku dhacday dhirbaaxo la mid ah tii Falastiin heshay. Shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha ammaanka ayaa ku qaybsamay go’aanka Kosovo. Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ogolaaday in Kosovo loo aqoonsado dal madaxbannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, laakiin Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka diidmada ‘Qaxan’ saaray sababo siyaasadeed awgood, sidaa awgeed Kosovo oo dalal badan oo kuwa dunida ugu awoodda badani ka mid yihiin u aqoonsan yihiin dawlad madaxbannaan, waa dal aqoonsigiisu weli kala dhiman yahay.

Bog internet ka ah oo ay dawladda Kosovo samaysatay ayaa xogta ay ku faafisay waxaa ka mid ah tirada dawladaha dunida ee illaa hadda oo 2017 ah Kosovo u aqoonsan dal buuxa, waxa aanay sheegtay in ay yihiin 113 dal. Boggan waxa ay dawladda Kosovo ku taxday magacyada dalalka aqoonsaday oo ay dal kasta magaciisa ku hor qortay ereyo mahadnaq ah oo afka dalkaasi ku hadlo ah.

Marka aynu Kosovo dawladaha dunida ku darno tiradii waxa ay noqonaysaa 196, oo ah 193 ku jira Qaramada Midoobey, Vatican, Falastiin iyo Kosovo. Weli jawaabtii saxa ahayd ma hayno, waayo waxaa laga yaabaa in qofka u fiirsada dalalka ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku aqoonsantahay uu ku dhex arko dal kale oo aan ahayn inta aynu soo sheegnay.

Maraykanku waxa uu aqoonsan yahay 193 ka dal ee Qaramada Midoobey ku jira oo lagu daray Vatican iyo Kosovo iyo dalka Taiwan, tiradaasi waxa ay noqonaysaa 196 dawladood, laakiin marka lagu daro dalka Falastiin oo aanu Maraykanku aqoonsanayn waxa ay dawladaha adduunka ka dhigaysaa 197 dawladood.

Taiwan

Taiwan waa jasiirad yar oo dhacda bariga Shiinaha, sannado badan ayaa uu dalkan yari raadinayey aqoonsi caalamiya iyo in lagu daro qaramada xubnaha ka ah ururka Qaramada Midoobey, laakiin waxaa codsigaas mar kasta codka diidmada Qayaxan ku hor istaaga dalka Shiinaha.

Marka laga tago istaraatijiyadda amni ee Taiwan u leedahay dalka Shiinaha, gaar ahaan isaga oo ka baqo qaba in dalalka reer galbeedku kaga soo dhowaadaan dhinaca Taiwan, waxaa jirta xaqiiqo kale oo kallifaysa in Shiinuhu aanu aqoonsan Taiwan.

Taian waa dalka ugu dhaqaalaha iyo dadka badan dalalka aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey. Waxa uu caan ku yahay waxsoosaarka warshadaha gaar ahaan tiknoolajiyadda casriga ah oo u badan talefannada casriga, kombiyuutarrada noocyadooda kala duwan, aaladaha kale ee Tiknoolajiyadda waxa kale oo ay Tawian soo saartaa dharka. Waxaa la aamisnan yahay in waxsoosaarkan Tiawan uu cabsi badan ku hayo dalka Shiinaha oo isaguna isla waxyaabaha Taiwan samayso oo kale dunida ka iibiya. Waxa uu qabaa cabsi dhaqaale oo ay ka mid tahay in dalkan oo noqda dal madaxbannaan oo dhaqaalihiisu furfuran yahay, saaxiibbo badanna dunida galbeedka ku yeeshaa uu saamayn xun ku yeelanayo sayladdii aadka u weynayd ee waxsoosaarka Shiinuhu ku haystay reer galbeedka. Sidaa awgeed waa in Shiinuhu mar kasta diidaa in dalkani uu noqdo dal si buuxda loo aqoonsado oo dunida la geli kara heshiisyo laba geesood ah oo ganacsi iyo guud ahaan dhaqaale.

Illaa imika (2017) dalka Taiwan waxaa dawladnimo buuxda u aqoonsan 22 dal oo keliya, adduunka oo dhan. Laakiin haddana waxaa jira munaasabado badan oo caalamiya oo looga tixgeliyo qaran madaxbannaan. Tusaale ahaan ciyaaraha olombikada ee adduunka Taiwan waxa ay leedahay xulal qaran oo u gaar ah, magaceeda oo dawlad rasmiya ah ayaanay kaga qaybgashaa.

Taiwan waxa kale oo ay leedahay dawlad u gaar ah oo si dimuqraaddi ah talada ku timaadda, ciidamo u gaar ah iyo xitaa baasaboor u gaar ah oo dadkeedu dunida ku maraan. Sababta ugu weyn ee Taiwan loogu tixgelin waayey horumarkaas iyo dawladnimadaas ee ay aqoonsi dunidu u siin weyday waa cabsi laga qabo dalka Shiinaha oo dunida ku leh saamayn dhaqaale oo aad u ballaadhan isla markaana fadhiya golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo uu cod ‘Diidmada Qayaxan’ ah ku leeyahay.

Magaca Taiwan ma’aha magaca rasmiga ah ee dalkani leeyahay, balse magaciisu waxa uu sax ku yahay, ‘Jamhuuriyadda China’ waxa kale oo si aan rasmi ahayn loogu magacaabaa, China Taipei. Halka magaca rasmiga ah ee dalka Shiinuhu uu ka yahay, Jamhuuriyadda Dadka ee China ‘Peoples Republic of China’

China Taipei magaca labaad ee Taipei waa magaca caasimadda Tawian, sababta loo raaciyeyna waa in lagu kala garto dalka China oo marka magaciisa la soo gaabinayo loogu yeedho China oo keliya.

Aynu mar kale su’aashii tirada dawladaha dunida ku noqonno, waxa aynu illaa imika haynaa 197 dawladood oo 193 Qaramada Midoobey xubno ka yihiin, afarta kalana yihiin dawlado haysta aqoonsiyo dalal badan ah, laakiin haddana aan weli loo ogolaan in ay xubin ka noqdaan Qaramada Midoobey.

Dawlado kale

Waxaa jira Afar dawladood oo kale oo iyaguna aqoonsiyo kala dhiman haysta, waxa aanay kala yihiin: Jamhuuriyadda Carbeed ee Saxaraha, Qubrusta Woqooyi, Abkhaasiya, iyo Useetiya. Aynu mid kasta oo ka mid ah afartan dal ka ogaanno xog kooban.

  1. Jamhuuriyadda Saxaraha Carbeed ee ee dimuqraaddiga ah (Sahrawi Arab Democratic Republic)

Waxa ay ku taallaa cidhifka galbeed ee Qaaradda Afrika. Waa dhul dadka deggen in badan oo ka mid ahi doonayaan madaxbannaani. Dadka madaxbannaanida doonayaa waxa ay ku doodayaan in dhulkani aanu marka horeba dalka Marooko ka mid ahayn, ee gumaystuhu ku daray, halka dalka Marooko uu kaga doodayo in ay tahay dhul ka mid ah dalkiisa oo aanay marnaba suurtogal ahayn in uu ka go’o.

  1. Woqooyiga Qubrus (Northern Cyprus)

Jamhuuriyadda Woqooyiga Qubrus magaceeda rasmiga ahi waa Jamhuuriyadda Turkiga ee woqooyiga Qubrus (Turkish Republic of Northern Cyprus) sida Magaceedaba ka muuqata waxa ay ku taallaa woqooyiga dalka Qubrus oo ah jasiirad ku taalla dhinaca bari ee badweynta Midhetereeniyaanka. Jamhuuriyadda qubrusta woqooyi waxa uu muran u dhexeeyaa dalka Qubrus oo ku doodaya in ay tahay qayb dhulkiisa ka mid ah, maadaama oo uu marka horeba dalka Turkigu xoog kaga jaray. Jamhuuriyaddan dunida waxa aqoonsan dal keliya, oo ah dalka Turkiga.

  1. Jamhuuriyadaha Abkhaasiya iyo Useetiya (Abkhazia iyo Ossetia):

Labadan dalba waxa ay dhacaan Qaaradda Yurub. Waxa ay dhul ahaan raacsan yihiin dalka Georgia oo ay labaduba ku doodayaan in ay ka goosteen. Dalka Ruushka oo Georgia ay siyaasad ahaan aad isaga soo horjeedaan iyo dalal kale oo aan badnayn ayaa jamhuuriyadahan aqoonsan, laakiin dunida kale weli aqoonsi badan kama ay helin. Qaramada midoobeyna xubno kama ah.

Waa imisa tirada dawladaha dunidu?

Maraynu mar kale dib ugu noqonno su’aasheenan aynu jawaabta ugu raadinaynay tirada dhabta ah ee dawladaha dunida maanta ka jira. Haddii aynu raacno xogta aynu soo sheegnay iyo dawladaha kala duwan ee qormadan aynu ku soo xusnay waxa ay tiradu noqonaysaa 193 ka dawladood ee Qaramada Midoobey ku jira, Falastiin iyo Vatican oo ah dawlado aan xubno ka ahayn Qaramada, 195 kaas oo loo geeyey lixda dal ee aqoonsiga aan buuxin haysta oo ah Taiwan, Kosovo, Qubrusta Woqooyi, Saxaraha Carbeed, Abkhaasiya iyo Useetiya, waxa ay wadarta guud ee dawladaha dunidu noqonaysaa 201 dawladood

Haddaa tirada dawladaha adduunku ma 201 baa?!

Jawaabtu waa Maya? Waayo weli sheekadu ma’ ay dhammaan. Waxaa jira dalal kale oo aanay jirin sabab aynu ugu diidi karno in aynu ku darno liiska dawladaha dunida ka jira. Waa dawlado leh jiritaan, laakiin haddana aan adduunka ka haysan aqoonsi diblumaasiyadeed. Marka la leeyahay aqoonsi kama haystaan dunida waxaa looga jeedaa, in 193 ka dawladood ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo Qaramada Midoobey aanay aqoonsanayn. Laakiin waxaa suurtogal ah in dawladahan qaarkood ay aqoonsi ka haystaan dawlado kale oo ah kuwa aan xubnaha ka ahayn Qaramada Midoobey.

Dawladahaas tiradoodu waa Shan, waxa aanay kala yihiin, Somaliland, Transistria, Karababkh, Denistic iyo Luhansk.

  1. Somaliland

In kasta oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tirsan tahay dawladaha aan aqoonsiga ka haysan dunida, xitaa aanay aqoonsan dalalka aan iyagaba la aqoonsanin, haddana marka dhinaca sharciyadda iyo doodda la eego waa jamhuuriyadda ay doonisteeda dawladnimo ugu maangalsan tahay. Si ka duwan dawladaha aynu ku darnay.

Somaliland waxa ay hore u noqotay jamhuuriyad dunida ka mid ah oo la aqoonsan yahay, in kasta oo ay maalmo yar jirtay. Markii ay ku biiraysay Soomaaliyana kuma ay tegin qasab iyo cudud milateri ee waxa ay ku tagtay doonis ka timid, oo weliba ku magacownayd is raac laba dawladood. Hore ayaanay dunida uga dhacday dalwado in ay is-raaceen haddana mar kale dib u kala noqday oo mid kastaa dawlad buuxda gaarkiisa u noqday.

Sidaa awgeed doodda Somaliland ee dhinaca sharciyaddu waa ay ka xoog badan tahay dalalka Afarta ah ee aynu isku kooxda ka dhignay, laakiin haddana waxa ay dawladaha kaga liidataa dhinaca taageerada caalamiga ah. waayo dhammaan dawladaha aynu soo sheegnay ee aan la aqoonsanin waxa ay ku tiirsan yihiin oo dusha ka ilaaliya ama ugu yaraan dooddeeda xoojiya dawladaha waaweyn ee dunida gaar ahaan kuwa ku xubnaha joogtada ah ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Caasimadda Somaliland waa Hargeysa, dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa 4 Milyan oo ruux.

Somaliland dalal badan ayaa ula shaqeeyo heer aan dawladnimada ka hoosayn, waxa aanay mararka qaarkood gashaa shirar iyo heshiisyo qarannimo oo u muuqda in loo ogsoonyahay in ay tahay jamhuuriyad madaxbannaan. Si kastaba ha ahaato ee dawladda Soomaaliya ayaa ku doodaysa in ay Somaliland tahay goballo dhulkeeda ka mid ah oo aan iskood dawladnimo u sheegan karin, sharci ahaanna dunida sidaas ayaa looga aqoonsan yahay.

  1. Transistria

Transistria waa dawlad aan la aqoonsanayn oo ku taalla qaaradda Yurub. Waxa ay ka talisaa goballo ka mid ah dalka Moldavia oo isagu ku doodaya in ay dhulkiisa ka mid tahay. Laakiin dawladda Transistria waxa ay sheeganaysaa in ay ka madaxbannaantahay, dunida ka codsnayso in aqoonsi dawladnimo la siiyo. Magaca rasmiga ah ee day dawladda Transistria la baxdayna waa Jamhuuriyadda Pridnestrovian Republic.

Jamhuuriyaddan oo madaxbannaanida ku dhawaaqday sannadkii 1992 kii, caasimaddeedu waa Tiraspol, tirada dadkeeduna waxa ay tirokoobkii ugu dambeeyey ee 2015 kii ahayd 475,665.

Jamhuuriyaddan waxaa illaa hadda aqoonsan saddex dawladood oo laakiin aan iyaga la aqoonsanayn, waana dawladaha Abkhaasiya, Jamhuuriyadda Artsakh iyo jamhuuriyadda  Useetiya.

  1. Karabakh

Waa dawlad kale oo iyaduna ku jirta xuduudka dhuleed ee Qaaradda Yurub, gaar ahaan waxa ay ka mid tahay xuduudka loo aqoonsan yahay dawladda Azerbaijan. Jamhuuriyaddan oo ana bad lahayni waxa ay ku taallaa dhul badankiisu buuraley iyo keymo waaweyn ah, tirokoobkii u dambeeyey ee dadkeeda lagu sameeyey oo ahaa sannadkii 2013 waxa uu sheegay in ay yihiin Boqol Afartan iyo Lix kun iyo Shan boqol iyo Toddobaatan iyo saddex ruux. Magaca aadka loogu yaqaanno dawladdani waa Nogorno-Karabakh waxa aanay xorriyaddeeda sheeganaysay tan iyo sannadkii 1994 kii.

  1. Donestk

Donestk waa magaalo warshadeed aad u ballaadhan oo waxsoosaarkeeda dunida aad looga yaqaanno. Magaaladan oo dadkeeda sannadkii 2016 lagu qiyaasay in ay tiradoodu tahay 929 Kun iyo 63 ruux oo gudaheeda ku nool iyo ku dhowaad 2 Milyan oo qof oo daabiyadaha iyo agagaarka magaalada ka yimaaddaa waxa ay dhul ahaan dhacdaa dhulka loo aqoonsan yahay jamhuuriyadda Ukraine, oo ay ahayd magaalada Shanaad ee ugu ballaadhan dalka.

Tan iyo bishii Afaraad ee 2014 oo uu khilaaf mararka qaarkood hubaysnaa u dhexeeyey Ruushka iyo dalka Ukraine waxaa magaaladan xoog ku haystay ciidamo deegaanka ah oo uu Ruushku garab xooggan siinayo, waxa aanay ku dhawaaqeen in ay yihiin dawlad ka madax bannaan dalka Ukriane iyaga oo la baxay Jamhuuriyadda dadka ee Donestk.

  1. Luhansk

Dawladdan oo magaceeda ay dadka qaar u akhriyaan Lugansk waa magaalo ku taalla cidhifka bari ee dhulka loo aqoonsan yahay dalka Ukraine.  Sannadkii 2014 ka ayaa jabhad hubaysan oo deegaanka magaaladan ahi ay xoog kula wareegtay gacan ku haynteeda, waxa aanay ku dhawaaqday in ay ka goosatay dalka Ukraine intiisa kale.

Magaaladan dadka deggen ku dhowaad boqolkiiba 47 waa dad isir ahaan ka soo jeeda dadka dega Ruushka, afka ugu badan ee lagaga hadlaana waa afka Ruushka oo ay ku hadlaan dad ka badan boqolkiiba 85, sidaa awgeed waxaa si aad ah u ilaaliya jamhuuriyaddan una taageersan dalka Ruushka, in kasta oo aanu dawladnimo u aqoonsan, waxa aanay Ukraine ku doodaa in Ruushku uu ka dambeeyey goosashada dalkan. Jamhuuriyadda Luhansk iyo tii ka horreysay ee Donestk waxaa ku muransan dalka Ukraine oo ay markii ugu dambaysay ka tirsanaayeen iyo dalka Ruushka.

Marka aynu dib ugu noqonno su’aasheenna, gaar ahaan tiradii u dambaysay ee aynu helnay oo ahayd 201 dawladood, waxaa hadda muuqanaysa in ay ku soo biireen Shanta dawladood ee aan aqoonsiga ka haysan dunida, laakiin haddana nidaam dawladnimo oo u madaxbannaan haysta. Waxa ay tiradii noqonaysaa 206 dawladood.

marka ay halkaas maraysana waxaa dib inoogu soo noqonaysa su’aasha ah, ‘Markaa tirada dawladaha dunida ka jiraa ma 206 baa?’ Mar kale waxa aynu jawaabta leenahay maya waa ay ka badan yihiin 206.

Guddida Caalamiga ah ee Olambikada

Guddida caalamiga ah ee olombikada adduunka oo magaceeda rasmiga ahi yahay ‘International Olympics Committee’ loona soo gaabsado IOC waxaa la aasaasay sannadkii 1894 kii, Xarunteeda dexe waa magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, waxa aana xubno rasmiya ka ah 205 dal, oo ay ka mid yihiin aan dunida laga aqoonsanayn balse ay u aqoonsantahay in ciyaaraha ay afartii sanaba mar qabato uga qayb qaataan si la mid ah dalalka kale.

Dawladaha dheeraadka ah ee ay Guddida Olambikada ee caalamiga ah ciyaaraheeda ka qaybgala laakiin aan sida kale u ahayn dalal rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ama xitaa qaarkood aanay sheeganba madaxbannaani rasmiya, waxaa ka mid ah: American Samoa, Cook Islands, Bermuda, Aruba, Guam, Hong Kong, British Virgin Islands, Puerto Rico, American Virgin Islands, Cayman Islands. Dhammaan jasiiradahan aynu soo sheegnay waa kuwo leh nidaam dawlad hoosaad oo ay isku xukumaan, laakiin dusha sare ay ka haystaan dalal waaweyni, gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska oo inta ugu badan isagu dusha sare ka haysta.

Marka aynu tirada dawladaha adduunka ka jira ku eegno indhaha hay’addan caalamiga ah ee dunida oo dhami xubnaha ka tahay, waxa ay tirada dawladaha adduunku noqonaysaa 216 dawladood. Haddaba su’aashii ahayd waa imisa tirada dawladaha adduunku? Ma kaga jawaabi karnaa waa 216 dawladood?

Jawaabtu mar kale waxa ay noqonaysaa ‘Maya … tirada dawladaha adduunka ka jiraa intaas waa ay ka sii badan tahay.

Xidhiidhka kubadda cagta ee caalamiga ah (FIFA)

Ururka FIFA oo ah xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka maamulaa, waa urur gaar loo leeyahay oo isu aqoonsan in uu yahay guddi dhexe oo caalamiya, waxa aanay maamushaa ciyaaraha kubadda cagta adduunka, ciyaaraha kubadda Futsol dadka qaarna ku magacaabaan kubadda cagta ee yar ‘Min-football’ (Kubad labada kooxood mid kastaa 5 qof yahay oo lagu ciyaaro qol ama hool gudihii dhulkuna uu marmar ama sibidh yahay) iyo kubadda cagta ee bacaadka lagu ciyaaro.

FIFA waxa ay dunida ugam asuul tahay maamulidda iyo iskudubaridka ciyaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, waxaa ka mid ah koobka kubadda cagta adduunka iyo koobka kubadda cagta ee haweenka.

FIFA waxaa la aasaasay sannadkii 1904, waxa aanayd ahayd urur ay gaar u lahaayeen dalalka Belgium, Denmark, France, Germany, Natherlands, Spain, Sweden iyo Switzerland.

FIFA oo xarunteedu ahayd magaalada Zurich ee dalka Switzerland ujeedada ay dalalkani u smaaysteen waxa ay ahayd in uu noqdo urur dalalkan u dhexeeya oo maamula xulalka qaramadan iyo naadiyadooda ka qaybgalaya ciyaaraha caalamiga ah, laakiin muddo kadib ururkii waa la casriyeeyey waxa aanay dalalkani ka dhigeen urur caalamiya oo dawladaha adduunka oo dhami xubno ka noqdaan.

Xubnaha hadda ka tirsan FIFA tiradoodu waa 211 oo ka soo kala jeeda lixda Qaaradood ee adduunka ee kala ah, Afrika, Aasiya, Yurub, Woqooyiga iyo badhtamaha Ameerika iyo Kareebiyaanka, Oceania iyo Koonfurta Ameerika (Latin). Dawladaha ay FIFA aqoonsan tahay waxaa ku jira kuwo la og yahay in aanay dawlado la aqoonsanyahay ahayn ama ahba goballo dawlado kale ka tirsan oo xitaa aan madaxbannaani sheegan.

12 dal oo dheeraad ka ah 211 kii dal ee ay tirada dawladaha adduunka ka jiraa inoo maraysay ayaa ay FIFA u aqoonsantahay dawlado qaabka qaramada kale ee la aqoonsan yahay uga qaybgala ciyaaraha adduunka, dalalkaas dheeraaadka ah ee ay FIFA aqoonsantahay oo u badan jasiirado leh maamul hoosaadyo dusha dawlado waaweyni ka haystaan waxa ay yihiin; Faroe Islands, Montserrat, Anguilla, Turks and Caicos Islands, New Caledonia, Curacao, Macau iyo French Polynesia. Siddaas waxaa lagu darayaa dawladda Ingiriiska oo Afar dal loo kala saaray.

FIFA waxa uu aqoonsanyahay in Ingiriisku uu ka kooban yahay afar dal, isaga oo kala qaadaya goballada la isku yidhaahdo boqortooyada Midowday ee kala ah, England, Wales, Northern Ireland iyo Scotland. Sidaas ayaanay tirada dawladaha dheeraadka ahi ku noqonaysaa 12 dal.

Haddaba waa imisa dawladaha dunida ka jiraa?

Marka aynu dib ugu noqonno su’aashii aynu jawaabta u raadinaynay ee ahayd tirada dawladaha dunida ka jirta. Marka koowaadba inta aynaan jawaabin, waa in aynu fahannaa in su’aashaasi u baahan tahay in la sii kala caddeeyo, waxa looga jeedo dawladahaas, ma inta Qaramada midoobey xubnaha ka ah baa? Mise waa inta dunida ficil ahaan ka jirta ee dawladnimo ay kula macaamilaan dawladaha kala duwan ama ururrada caalamiga ah sida FIFA. Haddii ay inta hore tahay, jawaabtu waa ay kooban tahay oo waa 193 dawladood oo xubno ka ah Qaramada Midoobey, laakiin haddii ay tahay dawladaha jira ee runta ah, waxa aynu ku jawaabaynaa:

193 ku jira Qaramada Midoobey, lagu daray 2 dawladood oo aan xubno ka ahayn Qaramada Midoobey laakiin dawlado buuxa ah, lagu daray 6 dawladood oo aqoonsi kala dhiman haysta, lagu daray 5 dawladood oo aan aqoonsi rasmi ah lahayn, lagu daray 10 dawladood oo dheeraad ah oo uu aqoonsan yahay ururka caalamiga ah ee ciyaaraha Olombikadu, lagu daray 12 dawladood oo dheeraad ah oo uu aqoonsan yahay ururka xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, intaas oo la isku daray waxa ay noqonayaa 228 dawladood.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!