“Waa Been Ee Ma Jiro Dagaal Gacan Ka Hadal Oo Na Dhex Maray”Wasiirada macdanta iyo hawlaha guud

0
613

Hargeysa(Geeska)-Labada wasiir ee macdanta iyo hawlaha guud Xuseen Cabdi Ducaale iyo Cali Maxamed Xasan, ayaa wada jir u beeniyay inuu dagaal gacan hadal ahi toddobaadkan ku dhex maray xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida, ka dib markii ay isku maandhaafeen muddo kordhinta golaha guurtidu u samaynayaan Madaxweynaha.

Warsaxaafadeed ay labadan Wasiir shalay wada jir u soo saareen, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Tixraac warka been abuurka ah ee xaqiiqada ka fog ee ku soo baxay Wargeyadda Somaliland Today cadadkiisii 945aad iyo Wargeyska Foore Cadadkiisa 1072 aad ee soo baxay February 27, 2017 maalintii Isniinta , kaas oo Cinwaan uga dhigay Wargeyska Somaliland Today “ Wasiirrada Macdanta iyo Hawlaha Guud oo Dagaal Gacan Ka Hadal ah ku kala Calaf Qaaday”, halka Foore-na Ciwaankiisu ahaa “Wasiiradda Ugu Dhow Madaxweyne Siilaanyo oo Ku Hirdamaya Muddo Kordhinta Maxdaxtooyadu Wakhtiga Ay Noqon Doonto Iyo Laba Ka Mid Ah Gacanta Isula Tagay Saleebaan hortiisa” waxaanu halkan ummada Jamhuuriyadda Somaliland ugu cadaynaynaa in warkaasi wax ka jiraa aanay jirin sal iyo raad toona laheyn oo uu yahay been abuur cad oo ay u badheedheen Wargeysyadda Somaliland Today iyo Foore.

Waxa ayaan darro ah in Wargeyisyo sheeganaya in ay yihiin saxaafad madax banaan ay u badheedheen in uu qoro war aanay hubin, oon waxba ka jirin, isaga oon waxba ka waydiin cida ay khuseyso warkaasi, taas oo meel ka dhac ku ah mihnada saxaafada ee ay sheeganayaan. Waxaanay muujinaynaa sida Wargeysyadda Somaliland Today iyo Foore uga aradan yahay anshaxa saxaafada, Xeerka Saxaafada, dhaqanka iyo diinta Islaamkaba.

Haddaanu nahay labda Wasiir ee laga been abuuray, waxaanu mar labaad umadda Somaliland u xaqiiijinaynaa in aanay warkaasi waxba ka jirin. Cida ku kacday been abuurkaasi waxa ay waajihi doonaan sharciga.”