Uurka Iyo Urta Dhididkuba Waxa Ay Ka Mid Yihiin Sababaha Kaneecadu U Jeclaysato Qaniinyada Qofka

0
1189

5. Uurka

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Suudaan ayaa daahfurtay in dumarka uurka leh ay qaniinyada kaneecadu laban-laab ku badan tahay marka la barbar dhigo dumarka aan uurka lahayn. Waxa ay cilmibaadhayaashu tilmaameen in sababtu ay tahay maaddooyin gaar ah oo kaneecada soo jiita oo xilliga uurka soo raaca neefsiga iyo urta maqaarka gabadha.

Sida oo kale dumarka uurka lihi waxa ay si dabiici ah u soo saaraan Karboon Laba-ogsaydh ka badan ta uu qofka caadiga ahi soo saaro. Waxa kale oo jirta in heer kulka jidhka gabadha uurka lihi uu mar kasta ka sarreeyo gabadha kale, labadan arrimood oo sida aynu hore u soo xusnayna soo jiidataa kaneecada.

5. Dhididka

Asiidhka laktig (Lactic Acid) waa asiidh curiye aasaasiya u ah dhididka qofka, waxa aanay cilmibaadhisuhu caddaynayaan in uu si gaar ah u soo jiito kaneecada. Waxaa intaas dheer, in cilmibaadhayaashu ay ogaadeen in dhididka jidhka ku sii yaalla maalin ama laba maalmood uu yeesho u gaar ah oo sii jiidata kaneecada.

Cilmibaadhayaashu waxa ay tilmaamayaan in dhididku marka uu jidhka ku sii yaallo maalin, ay sababto in ay bakteeriyada dabiiciga ah ee maqaarka dushiisu ay si aad u weyn u kobocdo. Urta bakteeriyaduna waxa ay ka mid tahay waxyaabaha sida aadka ah u soo jiita kaneecada.

Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu ku dadaalo in shaqooyinka culus iyo jimicsiyada dhididka keena kadib uu dhaqso uga maydho dhididka, si aanu ugu qallalin. Haddii uu qofku ilaaliyo nadaafadda jidhkiisa, gaar ahaan dhididka waxa ay khubaradu ugu bishaaraynayaan in qaniinyada kaneecadu ka yaraan doonto.