Ururka Kalkaaliyayaasha Umulisooyinka Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 24 Dhakhtar Oo Diyaariyey Waxbarasho Sare

0
737

Picture1Dhakhaatiir tiradoodu dhan tahay 24 u badan dumar, ayaa ka qallinjebiyey takhasuska waxbarashada umulasanimada ee shahaadada Master-ka oo muddo laba sanno ah habka barashada fog (distance learning) kaga bartay Jaamacad ku taal dalka Sweden, iyagoo ka mid ah ardayda jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ee Somaliland, isla markaana uu xidhiidhinayey ururka Kalkaaliyayaasha Umulisooyinka (Somaliland Nurse Midwife Association – SLNMA).

Xaflad ururka SLNMA u sameeyey qallinjebinta dhakhaatiirtan oo Axadii lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay madaxda ururka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka dalka, wakiillo kala socday jaamacadda waxbarashada bixisay ee Sweden iyo Hargeysa, dhakhaatiir caan ah oo reer Somaliland, aqoonyahan iyo ardayda takhasuska dhalmada hooyada dhammaystay.

Saraakiil iyo macallimiin ka socotay jaamacad laga leeyahay dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo hadallo ka jeediyey furitaankii xafladdaasi, ayaa ka warramay waxbarashada ay bareen dhakhaatiirtan iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dadaalka lagu bilaabay xidhiidhkan aqooneed ee loo isticmaalayey habka waxbarashada fog ee salaysan tiknoolajiga iyo internetka. Waxa kaloo ay u mahadnaqeen ururka SLNMA oo ahaa isku xidha jaamacadahan iyo ardayda sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen.

Dr. Edna Aaden oo ka mid ahayd dhakhaatiirtii madasha ka hadashay, ayaa dareenkeeda ku wajahan jiilka cusub ee soo kordhay ku cabirtay erayo farxad leh oo ay tilmaan kaga bixisay qiimaha ay leeyihiin dhakhaatiir ku takhasusa dhalmada hooyada iyo mudnaanta ay leedahay badbaadada hooyadu, waxaanay xustay inay iyadu halgan dheer u soo martay sidii ay dalka uga suurtogeli lahayd in la helo umulisooyin khibrad leh, taasina maanta dhabowday.

“Sanadkii 1961 ayaan bilaabay arrimaha umulisonimada ilaa waqtigaana waxaan halgan dheer ugu soo jiray sidii loo heli lahaa dhakhaatiir aqoon u leh arrimaha umulisanimada. Waxaan qorshaynaynaa in la helo 1000 umulisooyin ah si loo helo caafimaad qabka hooyada Somaliland,” ayey tidhi Dr. Edna.

Agaasimaha Fulinta Ururka SLNMA Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil, ayaa farxad darteed tilmaantay inay ilmayso qallinjebinta dhakhaatiirtan awgood, isla markaana waxay ka warrantay waxbarashada ardaydan iyo sidii ay ku bilaabantay, kuwaas oo ay kula dardaaranta inay aqoonta la baray uga faa’iideeyaan ummaddooda.

“Maanta waad qallinjabiseen, balse waxa laydinka rabaa inaad ilaalisaan dadka shacabka ah ee aad wax u soo barateen duruufahooda oo aydaan dhaqaale iyo lacag ku xidhin ee aad si mutadawacnimo ah ugu shaqaysaan,” ayey tidhi Marwo Foosiya.

Waxa kaloo xafladda ka hadlay Dr. Aadan oo ka socday hay’adda UNFPA oo wadashaqayn la leh ururka SLNMA iyo marti sharaf kale, kuwaas oo hambalyo iyo bogaadin u diray dhakhaatiirta cusub.

Gabogabadiina, masuuliyiinta SLNMA iyo saraakiisha ka socotay jaamacadaha kale waxay halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyeen dhakhaatiirta qallinjabisay.