Ururka Damal Oo Qaabilay Gudomiyaha Kulmiye Ee Sheffield

0
601

Hargeysa(Geeska)-Munaasibad lagu soo dhawaynayey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Sheffield eedalka ingiriiska ayaa lagu qabtay hotelka Victoria ee Magaalada Hargaysa

Munaasibadan oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Dhalinyarada Damal waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye , Salaadiin iyo xubno kale.

Ugu horeyntii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Magaalada Sheffield Maxamed Yuusuf Xirsi ee dalka ingiriiska waxaana uu ka waramay taariikhdii dheerayd ee dalkani soo maray, xilligii dawladii milatariga ahayd , wakhtigii halganka lagu jiray iyo xilligii dib ula soo noqoshada madax banaanida dalka isagoo tilmaamay in xisbiga talada dalka haya ee kulmiye uu yahay xisbi horumar badan oo la taaban karo dalka gaadhsiiyey isla-markaana mustaqbalka gaadhsiin kara horumar intaasi ka sii balaadhan.

Maxamed Yuusuf Xirsi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Sheffield waxa uu u jeediyey dadka ka soo jeeda deegaanka uu u dhashay in ay isku yimaadaan isla-markaana ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay meel wacan uga gaadhi lahaayeen siyaasada wadanka.

Chief Caaqil Caydiid iyo Cabdiqaadir Jirdeh ayaa munaasibadaasi ka jeediyey hadalo ay ku soo dhawaynayaan guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee magaalada Sheffieldwaxaana ay sheegeen